Home

Faatax (Oktoober 18, 2006)

                                                                Cabdi Ibraahim Magan (Cirjiidh)                                    

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Tani waa tix gabay ah oo isbarbardhig ku samaynaysa dawladda federaalka Soomaaliyeed
ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhaba iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo 
nabadgalyo iyo kala dambayn ka sameeyay inta badan gobolada koonfureed ee dalka. 
Wuxuu yidhi:
 
- Maxaakiimtu waa faraj alle iyo, faatax noo yimide
- Fitro aan badnayn bay qabteen, hawlo fara weyne
- Fariintoodu waa inaan midnimo, fahan ku gaadhnaaye
 
- Fuxshigiyo waxay neceb yihiin, faanka beenta ahe
- Nabaddii farqaha laabatee, faraca loo diiday
- Ee uu waraabuhu fadheey, amal u faydeene
 
- Waa niman facoodaba ka roon, oo fariidya ahe
- Darmo iyo furaash kuma gam'aan, fiidki loo dhiga e
- Waa niman fillayl kii cabsida, foorahaa mara e
- Fule soori qaaddiyo wad baan, foolka siin karine
 
- Farax iyo wanaag bay shacbiga, ugu fidyoodeene
- Nimankaa furqaankiyo u kacay, khayrka fidintiisa
- Iyo Qoladan Baydhaba fadhida, faallo kala roone
 
- Federaalku waa dawlad aan, shacab u footayne
- Faa’iido iyo khayr lawaa, inay u foofaane
- Qabqablihii la soo fiijiyey, roog u fidiyeene
 
- Warmo iyo falaadh bay ganeen, hoos u foorara e
- Wax kastoo farqiga baajin kara, way fashiliyeene
- Fajac bay dadwaynaha gasheen, fawdadaa timide
 
 - Ficil baas in ay soo wadaan, baan u filayaaye
- Waa niman faruuryaha ka jari, qiil kastoo furane
- Waxa ay farshaxan moodayaan, ceeb fadeexa ahe
 
- Xumihiyo fasaadkana ka jecel, qoonki reer Furuse
- Waa niman fujuuraha dambiyo, faalka aaminaye
- Faysalkiyo kitaabkay dhaheen, yaan fig laga siine
 
- Fasaq inay gashaan bay rabaan, dhaqankii fiicnaaye
- Waa faras shisheeyaha fog iyo, cadowgu fuulaaye
- Ayagaa fidmada taagan iyo, keenay fiirsiga e
- Faa'iido iyo khayr la waa, inay u Foofaane
- Ka fogaada oo naca Allaa, deeq idiin furiye
 
  
Fure:   
 
fidyo: wax u sheegid, wacdin, waanin
roog: gogol qurxoon 
amal: rajo
fasaq: badalid, doorin
fujuuraha: danbi la galo oo xun
yaan fig laga siin: yaan lagu dhaqmin
furus: boqortooyadii Faarisiinta
fillayl: habeenkii waqti dambe
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.