Home

Iftiin

                                                                Cabdi Ibraahim Magan (Cirjiidh)                                    

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Tixdan oo la magac baxday IFTIIN waxaa tiriyay Cabdi Ibrahim Magan, asagoo ku muujiyey
hadafka iyo ujeedada ka dambaysa kacdoonka Islaamiga ah ee ka hanaqaaday Koonfurta
Soomaliya.  Kacdoonkaasi wuxuu durba horseeday nabad iyo guulo la taaban karo.
 
Cabdi wuxuu ganafka ku dhufanayaa fakar dadka qaarkii qabo oo ah inaan Soomaali kaligeed
heshiin karin, lagama maarmaanna ay tahay inay quwado shisheeye soo faragaliyaan dirqina
ku heshiisiiyaan Soomaalida.  Isagoo fahamka noocaa ah diidan ayuu wuxuu ku billaabay:
 
-Rajo iyo iftiin baad tihiin, eegga soo baxaye
-Ehelkii is wada laayay baad, u aqliyayseene
-Arxan iyo inaad gacal tihiin, maanta la ogaaye
 
-Albaqra iyo watiin iyo xaqaad, ku addimaysaane
-Hadafkiyo ujeedkiinnu waa, sida ilayskaase
-Nabad iyo ammaan baad rabtaan, inaad abuurtaane
-Utun iyo qabiil iyo dad ay, aano kala gaadhay
-Rajo iyo agoon daashay baad, ubax u beerteene
 
-Dalka inaan lahaanoon cid kale, looga amar qaadan
-Oo laysku aamino run baad, soo ifbixiseene
-Anbad weeye guura ah midkaan, saa idiin arage
-Waa miduu ajnabi soo dirtoo, aayatiin ma lehe
-Waxba yaan axsaan loo samayn, muu astaahilo e
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.