Iyadoo lagu jiro xilli xasaasi ah oo ay siyaasadda dalka Soomaaliya isku hayaan Maxaakiimta
Islaamiga ah iyo dawladda ku meelgaadhka ah, ayaan isbaddalka jira ka tiriyey gabay aan
- Indhawayd masaladiisa gabay, maanka kuma hayne
- Marsaduu lahaa iyo haddaan, milaygi joognaaye
- Bal aan mariyo maantoo kaluu, muuno leeyahaye
- Maxaakiimtu waa khayr ku yimid, mowle idankiiye
- Dad midiidin laga yeesho iyo, ma aha maydhaane
- Inay nacabka maar ula tagaan, kama mildhaawaane
- Alla magane waa geesiyaal, soo maqaam kacaye
- Mugdigay ka saareen xaqii, maahirka ahaaye
- Milgihiyo waxay soo cesheen, magaci Soomaale
- Mulki iyo dadweynaha kuwii, maasba uga dhaartay
- Agoonta iyo maatida kuwii, dhacayey maalkooda
- Nimankii sidii aar maqtala, dhiigga miranaayay
- Nimankii maroorsaday tashiga, ee maslaxa diiday
- Nimankii walaalkooda mudan, mayllinka u qaatay
- Masaakiinta nimankii makalay, aad u macaluushan
- Mabda'ii gumaysiga kuwii, nagula meeraayay
- Muddo badan kuwii laga la'aa, nabad ku maansooda
- Masas bay eryeen iyo dugaag, miiqay aadmiga e
- Waa Niman makaankay tagaan, laga macaashaaye
- Waa niman nahyiga maanacoo, khayrka maamula e
- Waa niman mas'uul wada ahoo, loo muraad qabaye
- Nabaddii middida raacday bay, midho u beereene
- Beentii mataanaha dhashay, dhinac u mooseene
- Inaan nahay maqaar iyo hashii, oon la kala maarmin
- Oo aan dariiq wada marnay, soo mudhbixiyeene
- Murti iyo waxaan madhax lahayn, kuma mashquulaane
- Macnahay wataan waa bulshadu, inay midowdaaye
- Oo aan qabiil la isu madhin, maanta dabadeede
- Madfac kama baqaan iyo Axmaar, mootar uu ridaye
- Masheekhdiyo shabaabkaa kacee, meel kastaba gaadhay
- Allahayoow adaa Maaligee, xooji midigtooda
|