Home

Naazi (Diseember 5, 2006)

                                                                Cabdi Ibraahim Magan (Cirjiidh)                                    

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Naazi waa gabay ka hadlaaya John Bolton, sifiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay,  
iyo dadaalkiisii fashilmay ee uu in badan ku doonayay in la meelmariyo qaraar ogolaanaya in 
Soomaaliya Ciidammo Afrikaan ah la geeyo. Waxaa loo sheegay in uusan sii wadi doonin shaqada 
uu hadda hayo. Markaas ayaan tiriyay Naazi. Wuxuu yidhi:
 
 
- Nifaaq ruux bartaa laguma karo, naahiyada daaye 
- Asagood Namruudkii kibriyo, nooci Lahab mooddo 
- Kuwii shalay nacaalka u gashaa, maanta naasilaye 
 
- Nasri bay dadkaygana u tahay, naadadaa timide 
- Anna gabay inaan naawilaa, nuunku ii qabaye 
- Naruuro iyo soo deeq Illaah, nagu nimcayn maaha 
 
- Soomaalida in badan buu nebaa, Naazigaa tagaye 
- Waa nacas awood yeeshay iyo, xaasid aan nixine 
- Dhaaxuu nacfigii aan lahayn, NOO ku duudsiyaye 
- Nabsi kama baqayn iyo inkaar, soo noqnoqotaaye 
 
- Bal inuu nasiib daran yahoo, naaqus yahay ruuxu 
- Ama uu Naftiisaba hafroo, been naxli ah sheegay 
- Goormaan nidaam iyo bulshada, nabad u waydiinnay? 
- Goormaan Nasaariyo carrada, Naato ugu yeedhnay? 
- Goormaan nijaasiyo Axmaar, naaso wada maallay?
 
 
Fure:   
 
Lahab: Abuu Lahab
Nacaal: kabo
Naahiya: wax Illaahay reebay oo iska daaya dadka faray
Nacdaro: nacayb saa'ida
Naado: bishaaro, ogaysiis
NOO: diidmo
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.