Home

Dibadaha Raggii Aaday (Diseember 16, 2006)

                                                                Cabdi Ibraahim Magan (Cirjiidh)                                    

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Dibadaha raggii aaday  waa gabay ka sheekaynaya qaar ka mid ah xaaladaha iyo 
duruufaha ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhaqan. Wuxuu yidhi:  
 
- Dibadaha raggii aaday iyo, dumarkii Soomaali 
- Duruufaha qabsaday baan badhkood, dood ka leeyahaye 
- Dadoow maqal dareenkaan qaboo, gabay ku deelaysan 
 
- Ninkii Damac leh ee eebahay, dawga garansiiyay 
- Durba wuxuu abbaaraa halkay, door ka leedahaye 
- Dan la'aan waqtigii uu lahaa, ooma daayaca e 
 
- Nimanbaa cimaarado datiyo, daaro fooqya lehe 
- Nimanbaa dayuurado gatiyo, doonyo shaaximane 
- Nimanbaa diktoor sare noqdiyo, caalin daahfurane 
 
- Nimanbuu ka soo galay dakhligu, dirac ay iibsheene 
- Dusha niman xamaalka u dhigtoo, daalin baa jira e 
- Dibjir hawlihiisii gaboo, dowdaraa badane 
 
- Niman bay dillaal iyo mallaal, daawadood tahaye 
- Rag badan baa daroogada ku gada, meel dariiqya ahe 
- Nimanbuu khamaar daashadiyo, doollar baad heliye 
 
- Nimanbaa darmada jaad sidii, wayla doog helaye 
- Nimanbaa dacwado soo dhistiyo, duubigay jabane 
- Qaar baa dad kale raacay oo, doorshay dhaqankiiye 
 
- Dugsiyada rag badan baa ka dhiga, diinta eebahaye 
- Qaar baa bulshada ooga diga, inay dayoobaane 
- Niman baa siyaaso u dalbaday, doorashiyo foode 
 
- Nimanbaa dayacay reerahay, dibadda gaysteene 
- Dambi midaan samayn baa afadii, loogu daw galaye 
- Nimanbuu dabayl roob watiyo, dayra dhaaf helaye
  
- Nimanbuu qabaw aad u daran, daakhilkaw galaye 
- In badan oo waqtigu diiq gashoo, diif qabaa jira e
 
- Dacallada aduunyada rag baa, duullimaad ku ahe 
- Daruuraha mar baa lagu marshaa, ood dallacantaaye 
- Marna dow la wada qaadayaad, dacas la jiiftaaye 
- Waana shay dabiici ah inaan, laysla degin meele
 
 
Fure:
 
Daahfuran: aqoon leh, cilmi badan
Dowdar: ma shaqayste
Dayradhaaf: dabayl aad u qabow oo xilliga deyrta sii baxayso Soomaaliya ka dhaca
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.