Home

Hanaankii Ciraaq (Diseember 4, 2006)

                                                                Cabdi Ibraahim Magan (Cirjiidh)                                    

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Hanaankii Ciraaq waxay ku wajahan tahay dibindaabyada lala maagan yahay ummadda Soomaaliyeed, 
marka cadowgeedu oo uu ugu horeeyo dawladda Tigreegu iyo tan Maraykanku ay ku doodayaan in 
ciidamo shisheeye oo nabad ku sheegta suga dalka Soomaaliya la geeyo.   Wuxuu yidhi:
 
- Lixdankii xorriyaddaan hellee, hebello loo aasay 
- Nacabkii horraan laga eryaa, hootadii sida e 
- Hawadoodu waa inay mar kale, hilay na saaraane 
 
- Hanti iyo wuxuu eebbahay, hibo inoo siiyay 
- Hawadaa macaan iyo dhulkaa, la isku haystaaye 
- Waa la isku harag saarayaa, heeska aan jirine 
 
- Hugunkaa baxaayiyo madfaca, horay inoo dhaafay 
- Hamma siin ka wayn iyo waxbaan, hiil u galayaaye 
- Inkastooy badhkeen u habradaan, hadafku waw meele 
 
- Hiyi raacyadaa naga dhashiyo, kuu hunguru qaaday 
- Iyo inay dalkoodii huraan, hanaddadaa diiddan 
- Hilin qudha inay qaadayaan, waa midaan hubo e 
 
- Hoomaaq dalooshiyo god bay, hHoos u qodayaane 
- Hadba waxay inoo sheegayaan, been hariirya lehe  
- Haddaan laga hortagin Soomaalaay, xaalku waa halise 
- Hannaankii Ciraaq baa socdiyo, heerki Falastiine 
 
- Ha yeeshee hurdadu way xuntahay, haatanoo kala e 
- Inkastooy hammuun badan qabaan, hororka ciideennu 
- Ninna heeryo uma qaadi karo, hayb filkiisa ahe 
 
- Hurgumada dhaxdeenna ah intaan, hooy iska illowno 
- Hubka inaynu wada qaadannuu, hadalku joogaaye 
- Halyay iyo ninkii geesiyaa, loo hanwaynyahaye 
- Isu hiisha oo kaca midnimo, way habboontahaye
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.