Home

Ila Noqotay (Sebteember 15, 2002)

                                                                Cabdi Ibraahim Magan (Cirjiidh)                                    

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Isagoo safar u ah dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayuu wuxuu damcay inuu xaaskiisa la dardaarmo.  
Kolkaa ayuu sidii ragga gabya ee Soomaaliyeed lagu yaqaanay wuxuu doormooday inuu dardaarankiisa tix 
ahaan ugu gudbiyo afada si dardaarankaasi kayd ugu noqdo iyada iyo Soomaali oo dhanba.  Wuxuu yidhi:
 
- Aaminaay aqliga fiican waan, kugu ogsoonaaye 
- Oo waa waxaan ugaasooy hablaha, kaaga aaminaye 
- Inaad tahay akhyaar iyo gobbaan, aad u qirayaaye 
 
- Dharaartaan Imaaraadka iyo, Abu Dabay gaadhay 
- Sidii inan yar ooy hooyadii, xaafad kale aadday 
- Inyar oon maqnaa baa qalbigu, kuu abaarsadaye 
 
- Afar iyo tobnaadkiyo mugdiga, aan wax la arkaynin 
- Waad ii iftiintaa sidii laydh, awood badane 
- Nafta udub-dhaxaadkeediyeey, kaama oon bixine
 
- Soomaalida Alla ha kaaga dhigo, aabbe iyo hooyo 
- Alle naguma qadin caashaqaan, unugnay waagiiye 
- Onkod iyo hillaac buu dhaloo, loogo iid nabade
 
- Ayaan iyo markay ubax dhasheen, waa la oon baxaye 
- Cabdullaahi waa wiil anfacay, reerka oo idile 
- Aniisada yar waxay iiga taal, meesha uurka ahe 
- Gabankaa Ibraahina naftu, way ku Istareexdaaye 
- Sahrana waxaan u eegtaa sidii, oogta waabariye 
 
- Haddii uu ammaan yahay gayigu, kama abraareene 
- Umaddii walaalaha ahayd, laysu soo uriye 
- Waagii iftiimaba dadbaa, eeqo loo diliye 
- Damiir lagu inqaadiyo Rabboo, urursho mooyaane 
- Isticmaar inuu soo noqdaa, aano loo yahaye 
 
- Uqubiyo iswaa baa ka dhacay, aradki Soomaale 
- Ibtilada nahaysiyo markaan, eegay waxa yaalla 
- Ila noqotay dhoof iyo inaan, dibad  ka aadaaye 
 
- Gabadhyahay Iblayskii ma dhimman, Aadan duufsadaye 
- Aayadaha quraankiyo haddaan, diinta la adeegsan 
- Irriddaad maraysiyo jidkuu, kaa Ambinayaaye
 
- Ha addeecin shaydaanku waa, duul inkaar qaba e 
- Waxaan amar Ilaahay ahayn, kuma asiibaane 
- Sida uu isagu doono bay, aakhir noqotaaye 
- Waxba yuun qof adigoo kala ah, kuu indhacaddaynin
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.