Home

Lama Illaawaan (May 20, 2004)

                                                              Cabdi Ibraahim Magan (Cirjiidh)                                    

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Lama Illaaawaan wuxuu abwaankuu kusoo gudbinayaa qiso dhab ahaan ugu dhacday oo la xidhiidha 
burburkii reerkiisa ee May 19, 2004.   Isagoo gabayga dhexdiisa ku muujinaya xaalado la xidhiidha arimaha 
keenay burburka qoyskiisa ayuu wuxuu yidhi:
 
- Nin akhyaar ah oo tacab adduun, dibad u soo aaday
- Mid umbaa agloolkiyo ka fura, ooduhuu dhigaye  
- Adduunyada intaad saaranahay, een ifkaba joogo  
- Tii aan lahaa inan-ragoow, kaa agtagi mayso
 - Aadanaha taan ugu jeclaa, waxa naflay uumman  
- Ubaxii naftaydiyo kalgacal, tii indhaha siisay  
- Aqli iyo garaad iyo dadnimo, taan cid la ekaynin
- Indhadeeralaydii qalbigu, uu iskaba raacay 
 
- Gabadhaan itaal quruxsaneey, kaba ahaan waayay  
- Tii aan u aaminay sidii, wali Illaah ceesa 
- Ammaanada middii aan lahaa, way asturi daa'in 
- Tii ay islaankuba qireen, aashi socodkeeda 
- Tii aan ku oon baxay sidii, ila xareed keenay 
- Tii aan naftaydii idlayd, aabba uga yeelay 
- Abidkay middii aanan burin, erey hadday keento  
- Tii aan ilwaad ula baxeen, heeso ku ammaantay  
- Aabbaheed midduu igu daree, Axaddi lay siiyay 
 
- Gabadhuu arooskeedu dhacay, maalin loo ururay 
- Ehelkiyo qaraabadu midday, u akhriyeen diinta  
- Ragga aynigayga'a middaan, uga ilroonaaday 
 
- Gabadhii ayaan ii dhahshee, ubaxna ii qaadday  
- Awlaad walaala ah miduu, Eebbe iga siiyay  
- Wax Ilaahay keeniyo waqtigu, kaa awood badane  
 
- Soow taa ibliis igu direen, kala ugaadhawnay  
- Soow taa isfahamkii lumee, lays afgaran waayay  
- Soow taa ilmihii ay dhashiyo, ubadkii hoy waayay  
- Soow waxaan ka ooyiyo ma dhicin, lama ilaawaan ba 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.