Home

Wanjal

                                                              Cabdi Ibraahim Magan (Cirjiidh)                                    

 
 
 
 
 
 
 
Wanjal waa tix gaaban oo uu abwaanku tolkii ku canaantay.  Wuxuu muujinayaa sidii uu jeclaan 
lahaa inay ku si foobaan, tafaraaruqa iyo wadajir la’aantana wuu kala dagaalamaya.  Wuxuu yidhi: 
 
- Ogaadeen wanaag uma qiraan, wiil u soo baxaye
- Ayagaa wanjala geesigay, wadan lahaayeene
- Warmo iyo abley bay docaha, kaga wareemaane
- Waraabaha cunaayay badhkood, wacad la qaateene
- Cadaawaha ayaga wiiqayey, wanan u loogaane 
 
- Wacdaraha adduunkiyo xilliga, kuma waxqaataane
- Waa niman waqtigu uusan barin, waajibka u yaale
- Waddo lagu midoobiyo maxaa, wadajirka u diiday 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.