Home
Khaliif Xarbi Ismaaciil
WWII
1. Arrinkii qalloocani nin buu, la qumanaadaaye
2. Dadkuna kama qabtee kii xun, baa lala quweeyaaye
3. Waa waxa adduunkii qarribay, qarada weynaaye
4. Ma quruumihii baa tolow, qiro heshiin waayey
5. Ma qabkii xumaayee rag baan, quudhsi kala daysan
6. Ma qardoofe laysugu dhintaan, qaarkii laga waayin
7. Ninba qiimiguu yahay kolkii, loo qadarin waayey
8. Ma qarsoodi baan jirin warkuu, qirayo raadiyowgu
9. Dayuuradahan qoorkii baddiyo, qolalka meeraaya
10. Qaran jabay qabaailka isku lumay, qoofka dami waayey
11. Qori dhacay qurbaha laysku dilay, qaraxa baaruudda
12. Qalcadaha la soo gubay intaa, duni qasaarowday
13. Qaylada magaaliyo baddaan, laga qaboobayne
14. Qoorriga Suweys iyo taney, qabi ka joogtaaye
15. Haddaan labada qolo ee isdilay, qooni kala gaadhin
16. Qawaajuhu qureecduu bartiyo, qado ma waayeene
17. Qariib weeye Reer Maxamed Cali, mana qaxweeyaane
18. Lagana qaad qasnadihii Hindiga, qalabka raygiiye
19. Qollateyn yar reerkii dhigtaa lagu, qar haystaaye
20. Qarri doogle qawdhaha caleen, qaradi geel naaxay
21. Qormo agana qayrooyin beel, qaxar la’aan taalla
22. Anuun baa qorshaha doonayee, quusay Faransiise
23. Maxay laba qabiil nabad heshaa, qoysba kala waaye
Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub
mail@doollo.com
Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.