The largest
online collection of Somali poetry
Maxamad Cabdiqaadir Daa’uud oo caan ku
ah [Stanza] wuxuu ku dhashay magaalada Kismaayo ee Gobolka Dooxada
Jubba ee dalka Soomaaliya August 1977. Wuxuu ku barbaaray isla
gobolkaas iyo meelo kale oo ka mid ah gobolka Gado. Dabayaaqadii
1986 ayuu Maxamed u kicitimay dalka Kenya isagoo waxbarasho iyo
cilmi doon ah. Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayuu tacliinta dugsiga
sare ku qaatay. Ka dib markii uu gabagabeeyey tacliintii dugsiga sare
wuxuu Maxamed u jeedladay dhinacaa iyo Suudaan. Haatan wuxuu jaamacad
ka dhigtaa magaalada Khartoum, Sudan.
Wuxuu is siman oo
darandoori ah ugu hadlaa waxna ugu qoraa Maxamed luuqadaha
Soomaaliga, Carabiga, Sawaaxiliga, Igiriisiga, iyo Faranjigaba.
Wuxuu bare ka ahaan jiray AL-Azhar Private School of Languages oo ku
yaalay magaalada Garissa ee xarunta Gobolka Waqooyi Bari.
Abwaankan oo ah
abwaan aad u da’ yar kuna falan curinta suugaanta noocyadeeda oo
dhan wuxuu bilaabay inuu halabuuro isagoo gaban ah oo wali ku jira
dugsiga Hoose/Dhexe. Waalidkii oo ka gawsqabsaday inay maqlaan
yaraankoodii oo fagaarayaasha laga dhagaysanayo ayaa waxay ku
kaliftay inuu oodda u rogo ilaa uu ka hanaqaado. Mase moogaan jirin
inuu heeso jacayl ah oo badan sameeyo si uu u maaweeliyo asxaabtiisa
aroosyadana xiiso badan u galiyo.
Markii uu 19
jirsaday ayuu haddaba Maxamed muujiyey kartidiisa mu’allifnimo oo uu
xikmad badan oo uu hortaagnaa oodda ka rogay. Haddaba, Maxamed oo
wali aaminsan in halabuurnimadiisu la kobci doonto garaadkiisa,
tacliintiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba ayaa noogu deeqay suugaanta
aan kusoo bandhignay boggan. Riix kolba kii aad doonto. |