Home

Cilmi Boodheri

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Gabayadii Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodheri) ee jacaylka ahaa oo taxan ayaad hoos ka helaysaa.  Waxaa dhamaan gabayadan si hagar la'aan ah noogu soo gudbiyey saaxiibkay Cabdi Xiis.

Ragga jacaylku dilooday ayaa aad uga faa'iidaysan doona. Waxaan filaynaa in gabdho badani ay heli doonaan waraaqo cara-kawaa ah oo caashuq la il-xun oo xiganaya Boodheeri sidii xilligii ay soo baxday heestii Singub ee Hadduu Beerku Qaybsamo dhalinyaru ugu daadatay oo kale.  Gabayadani hadda masoo bixin ee waanu uun soo daabacnay. 

1)         Sidii geel harraadoo 
 
1.  Sidii geel harraadoo wax badan hawdka miranaayey
2.  Oo haro la soo joojiyoo kureygu heegaayo
3.  Oo hoobey loo qaaday iyo hadal Walwaaleedka
4.  Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye
5.  Hadday hawl yaraan idin la tahay aniga way hooge
6.  Ayadoon xabaal lagu ham siin waanan ka hadhayne
7.  Hammada beena baan idhi malaha waad la hurudaaye
8.  Hareertayda oo madhan is idhi haabo gacanteeda
9.  Goortaan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday
10. Hogaansigeedii dambaan soo habaabiraye
11. U haylhaylay gogoshii sidii halablihii Aare
12. Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye
13. Haab-haabtay labadii go'oo shaadhkii maan heline
14. U hamiyey sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene
15.  U handaday sidii geel biyaha hoobay loo yidhiye
16.  U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene
17.  U hiqleeyey sida naag la yidhi huray dalaaqdaaye
18.  Wax aanad haynin ood ku hammidaa hadimo weeyaane
19.  Ho-heey iyo Ho-heey maxaa hadimo la ii geystey
 
2)         Hubiyey kaygiiye
 
1.      Sida hogol kaliishii da'doo milicdu ay hayso
2.      Ama lebiga Hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey
3.      Oo haadku dhaafoo shimbiro cimilo goor heesa
4.      Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye
5.      Anna xiisahaan kuu hayaa kaba hanaan dheere 
 
6.      Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye
7.      Oon heer-kastay qurux katahay hawlin taa kale e
8.      Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale
9.      Qaarbuu gabdhaa hilibku iyo hugu cusleeyaaye
10.    Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawr-jeere
 
11.  Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan
12.  Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane
13.  Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey
14.  Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya
15.  Ilko aan hoggoodii ka lumin kalana hoosaynin
      16.  Sankaagaa hanaankiyo qorshaha hadiyed loo siiyey
17.  Dhabannada hareeraha wejiga halalac nuuraaya
18.  Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye
19.  Luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisay
20.  Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay
21.  Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey
22.  Dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin
23.  Hannaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleen
 
24.  Gobonimo haddii laga hadlana waa hirsood runa he
25.  Hoo iyo waxsiin waxa ka roon haab garaab qaba e
26.  Adiguna hantiday oo caqligu waa hub kuu dihine
27.  Hadaaqaba ma dhaameen haddaan hadalku toosnayne
28.  Hayeeshee warkaad hurin taqaan haa adoon odhane
29.  Mar hadaad hufnaan gees kastaba aad ka hanaqaaday
30.  Adigey hibaaqeey naftani heegan kuu tahaye
31.  Adaan hiirta waaberi dartaa habataq luudaaye
32.  Hanfigiyo kulayl-kiyo haddaan halowga soo jiidho
33.  Oo aanan haabkiyo dhabtiyo laabta kugu haynin
34.  Ma'haraado oonoo biyaha hoos uma dayo e
35.  Haamadayga dhaxanta cabaar hooy kama galo e
36.  Hawlaha dalkeygiyo xilkaan baaye hananaayey
37.  ku habsaamay taadii markaan taydi hoos dhigaye
 
38.  Magaalada hareertaad ka taal eed u hoyonayso
39.  Inaan helo haddii aan yartaay haabka aan geliyo
40.  Aaweey hubqaad wacan anaan hadal cid weydiinin
41.  Hillaacaan sidiisii maraa hagida aad taale
42.  Haatufkaan sidiisii walaal ku hor imaadaaye
43.  Haddii aan haddeen gelin intaan dunida hoos joogno
44.  Inaan kaa hawoodaa marnaba waa habeen tegeye
45.  Hayeeshee Illaah baa hayoo calaf ku hoos yaale
46.  Haddaan Eebe hoo odhan wuxuu u hunguroonaayo
47.  Qofna abid ma soo helo wuxuu haari ku ahaaye
 
48.  Haddii aynu kala haayirnoo laysu hiran waayo
49.  Oo aan Hibaaqeey nasiib adiga ii haynin
50.  Nacas hayle-foosh iyo qorqode garan hagaaggaaga
51.  Midaan ku hidda-raacayn asaan haybed kugu beerin
52.  Urdun xumaha hanfiifsada kolkay hawli soconayso
53.  Haddii talada aan hayn lahaa kuma horgeeyeene
 
54.  Waxba yaanan sii hadaltiyeyn hadalka qaarkiiye
55.  Ihaleel jacaylkii intuu soo hamaansadaye
56.  Heensiyo hubkaa laba dhacuu igu hogaanshaaye
57.  Hayin aan biyaha daadin iyo iga dhig hawl-mooge
58.  Dhulka meesha hodaniyo nimcada igu ag hayn waaye
59.  Hogob laga hayaamiyo cidluu ila hadaafaaye
60.  Hiil qodaxle iyo jeerin buu igu hagaajaaye
61.  Waxaan hadimo soo maray waxaan halowyo soo meeray
62.  Hohi cabasho weeyee mar qudha hiiftan maan odhane
63.  Halbawlahaad i heertiyo lafahan hilibku naafoobey
64.  Nabaradan bog hoosiyo wadnahan halac ka oogaaya
65.  Haddii aan ku helileey bogsoon haarta qoomaniye
 
66.  Waa hubaale hays odhan wax buu kuu hadoodilaye
67.  Waa hadal nin waayeeli yidhi hiila kaa raba e
68.  Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu harraad qabaye
69.  Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu hadfee lumaye
70.  Waa hadal ka soo baxay ninkaa soo hiloow ku lehe
71.  Waa hadal qofkii la hordhigaa oohin hoorsadaye
72.  Waa hadal qofkaan caashaq helin hawlyaraan la'ahe
73.  Waa hadal markaan kugu hamiyey aan higaad qoraye
74.  Waa hadal wax badan baan habraye uurku hayn karine
75.  Waa hadal halkaad igaga taal hoo ogoow ku lehe
76.  Waa hadal hayii kugu lalabay soo halaan-halaye
77.  Caashaqa hareertaada qabo hubiyey kaygiiye
 
3)         Dayax iiga muuqdheer  
 
1.      Nimanyow dabuub gabay beryahan kuma danuukhayne 
2.      Kolba aniga oo daayey baad igu diraysaane 
3.      Idin diidi maayee waxaan dood u celin waayey 
4.      Mid duushoo yarbaa Eebahay iigu daw galayey 
5.      Aqal daahyo weyn derged iyo daar middaan galaba 
6.      Dalaalimo habeenkii haddaan meel dudo ah seexdo 
7.      Dayax iiga muuqdheer midduu duunku caashaqaye 
8.      Iga daaya hadal qaadkeedu waa iiga darayaaye  
 
4)         Sahwi 
 
1.      Marka horeba anigaa sahwiyey Ina-Adeeroowe 
2.      Ooduba xigtay leedihiyo ubaxa geedaaye 
3.      Abtiyaaladay baa ii ekaa inaan adeecaaye
4.      Ammaantii Ugaadh Cumar lahaa Ereg maxaa geeyey 
5.      Qaar hooyaday u eedo tahoo aada baa jira'e 
6.      Allahayoow afkaygiyo sidaan aadmiga u eeday
 
7.      Ama darayo Oodweyne way omos badnaayeene 
8.      aagaamo haddii loogu shubo ma engegnaateene 
9.      Abaaraa ku doogoobi laa erayadaydiiye
10.    Allahayow afkaygiyo sideen aadmiga u eeday 
 
11.   Iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye 
12.   Wixii kaa adkaadaaba waa aakhiroo kale'e
13.   Waa laygu eemaray cishqiga inan ku ooyaaye 
14.   Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eeday
 
15.   Ahabtaba ma galo ruux hadduu aamin-goys yahaye
16.   Axdigaad ka booddaa janada oodda kaa rogaye 
17.   Adigiyo ashahaadaduna waysku Alla seegtaane 
18.   Ha u qoonsan aakhiro waxaad urursataa yaale
 
5)         Hillaac 
 
1.      Inaadeer hagaagtaye haddaad hilinka sii qaadid 
2.      Hataq iyo Illaah kuguma rido hogobihii Sheekhe 
3.      Mid hubsiimo badan baad tahoo halo la siiyaaye 
4.      Adigaan halyeey kuu gartiyo horintii Daa'uude 
5.      Hillaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye 
6.      Hurdadana habeenkii maledo hadiyo waagiiye 
7.      Sida hoorimaad baa qalbigu ii hanqanayaaye 
8.      Waa lay horjoogaa sidii horudhacdii geele 
9.      Inaan haybis keed dhigay hadday Hodan i moodeyso 
10.    Gabdho kale oo aan haasaawiyaa wayga haniyaade 
11.    Haddaan hadyad caano ugu diro hooh-lidaa gubiye 
12.    Maxaan kula hagaagaa yartu way hanweyn tahaye
 
6)         Saanad
 
1.      Ma samaynin waayahan tixdii saaniga ahayde 
2.      Waataan ka saahiday tan iyo sebenkii dayreede 
3.      Xaluun ba saqdii dhexe hurdada wax i salaameene 
4.      Aan sifeeyo inantii tiriig saxan la moodaayay 
 
5.      Ilkaa sadaf la moodiyo wajiga lagu saruureeyey 
6.      Timaha basari baan subkine saaran garabkeeda 
7.      Sanka iyo indhaha iyo afka sida sabiibeed ah 
8.      Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye 
9.      Soomaali, Carab iyo Hindiga sooyo laga keenay 
10.    Inta sabada joogtiyo khalqiga waad u sidataaye 
11.    Soo soco sidciyo qaaliyey saanad baad tahaye 
 
7)         Murugo 
 
1.      Nimanyahow gabay waa murti iyo maaran kala waaye 
2.      Rag uun baa maroor wax u tusoo kaygu waa malabe 
3.      Sida Sheekh mufti ah oo cilmiga meel ku marinaaya 
4.      Waw muhanayaa maansadaad mari i leediine 
5.      Hadanse madal ka sheegaayo oon walle ku maansoodo 
6.      Martuba way ka dhici layd hablaha muxibbo owgeede 
7.      Murugada calooshayda iyo muhanka laabtayda 
8.      Miyi waxan la tegi waayey iyo madaxdii Daa'uudka 
9.      Meeraysigeedii waxaan ula madoobaaday 
10.  Nin mataanihiisii gacmaha meel dhigtaan ahaye 
11.  Mid kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye 
12.  Muruq kuma kaxaysanine rag buu magansanaayaaye 
13.  Haddii aanan mahiiggiyo ka biqin murabidkaa gaalka 
14.  Amase aan mashraqo lay sudhayn maalin ma hayeene 
15.  Alla magane sow dowladani meesha kama dhoofto 
16.  Afartaa intaan miin ka dayey marin ma qaadsiiyey 
17.  Mid kalena waa maansaday muhatay laabtaydu 
18.  Mariid baa qardhaas loo tolaa meelo la qabtaaye 
19.  Mirirbaa la gooyaa cishqaan cidina maareyne 
20.  Inantaan naftayda u makalay way i moog tahaye 
21.  Mid kalaaba loo meheriyey ooy meel u gogoshaaye 
22.  Micna gaabanow dumar inaan malo la waydiinin 
23.  Waa waxa martiyo loogu xidhay marada shaydaane 
24.  Muxubiyo makaawo wakiil magac waxaan siiyey 
25.  Maydhkii khasaaraysay iyo maaddi gabayeede 
26.  Waa ii muraadday iyo waxaan uga muraaqoone 
27.  Misaalkeeda waan heli lahaa Maydh haddaan tago e 
28.  Mudanihii Cismaan iyo bal aan Maakhir haybsado 
 
8)         Allahayow 
 
1.      Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eeday 
2.      Marka horaba anigaa sahwiyay inaadeerowe 
3.      Ooduba xigteey leedihiyo ubaxa geedaha e 
4.      Abtiyaaladay baa ii eekayd inaan adeecaaye 
5.      Ammaantii Ugaadh Cumar lahaa ereg maxaa geeyey 
6.      Qaar Hooyaday u eddo tahay oo aada baa jira e 
7.      Alahayow afkaygiyo siddeen aadmiga u eeday 
8.      Ama darayo Oodweyne way omas badnaayeene 
9.      Agaamo haddii loogu shubo maigmanaateene 
10.  Abaaraa ku doogoobi laa erayadaydiiye 
11.  Alahayow akaygiyo siddeen aadmiga u eeday 
12.  Iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye 
13.  Wixii ka adkaadaaba waa akhiroo kala e 
14.  Waa laygu eemaray cishqiga inaan ku ooyaaye 
15.  Alahayow afkaygiyo siddeen aadmiga u eeday 
16.  Mad-habtaba ma galo ruux haddu aamin gooys yahaye 
17.  axdigaad ka boodaa jannada ooda kaa xidhiye 
18.  Adigiyo ashahaadaadu ways ku alla seegteene 
19.  Haw oonsan aakhiro waxaad urursataa yaale  
 
9)         Dhadhab 
 
1.      Nimanyahow dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye 
2.      Dhulkuun baan xarriiqaa siday dhiillo ii timide 
3.      Sida qaalin dhugatoobayoo geelii wada dhaafay 
4.      Dhallinyaro ma raacee kalaan dhaxanta meeraaye 
5.      Dhaqtarkaa la geeyaa ninkii dhaawac wayn qaba e 
6.      Iyana waygu dheeldheelayaan dhamacda Daa'uude 
 
10)       Gardarriyaa 
 
1.      Intaan adiga kugu gooniyaa geed hadaan la hadlo 
2.      Ama aan gawaan qodayo may gama'sanaateene 
3.      Gaalada ha joogtee sidaan gacal ma yeeleene 
4.      Gardariyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey 
 
5.      Sidii aad go'aygii tihiyo macawistaan goostay 
6.      Ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin 
7.      Ama aan geyiga lagu ogeyn gabadh kaloo joogta 
8.      Gardarriyaa maxan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey 
 
9.      Gadiidkii an toosaba adaan kuu guntanayaaye 
10.  Goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye 
11.  Sidii aad gidaar tahay maxaa kaa i garab taagey 
12.  Gardariyaa maxaan hodan cabdaay kaaga goi waayey
 
13.  Mana guursan kari waayinoo geesi baan ahaye 
14.  Adaan kaa gungaadhaayey oo helay geddaadiiye 
15.  Gardarriyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga goi waayey 
 
16.  Haatanse bal waan guursan haddii guulle ii wacaye 
17.  Oo weliba gedahaa ka dayan gobolladiiniiye 
18.  Iyadoo gabiib u eg markaan uga kaxaynaayo 
19.  Ee aan gahaydhiyo la tago gubanadii hawdka 
20.  Ee aan ganuunta ugu shubo Gooha lebenkeeda 
21.  Gibladiyo cayaaraha markuu geeljiruu tumayo 
22.  Ha geyoobin waataad lahayd gool jabaan helaye
 
11)       Hadhka galay 
 
1.      Hadhka galay hurdadu way xuntee hohey maxay seexshey 
2.      Muusow hungoobaye maxaa hodan i weydaarshey 
3.      Hoygi ay joogtiyo maxaa hilinki ii diidey 
 
12)       ka maqsuuday 
 
1.      Kolba aniga oo sahashaday oo saari ka ahaaday 
2.      Ayuunbaa siraab midabkileey lay sawirayaaye 
3.      Sidrigay ku daabacan tahee uma sakhraameene 
4.      Sidii saacaddiibay qalbiga iiga socotaaye 
5.      Habeenkii markaan seexdo way ila safaaddaaye 
6.      Salaadii horay iga tagtaa ooy siigo noqotaaye 
7.      ..... 
8.      Maryama Xaashi iyo tuu Gahayr Madar ka sheegaayo 
9.      Iyo marantiduu Cige Baraar meel fog kaga boodey 
10.  Muran maleh Ducaalow inay muunad dheer tahaye 
11.  Maankaba ka jaray naago kale muhindiskoodiiye 
12.  Haddii qaaddi ii meheriyoo midigta lay saaro 
13.  Ka mabsuuday dunidaba illeen maalintaa qudhahe 
 
13)       Qariya laabtiina
 
1.      Hadday ili wax qabanayso o lagu qaboobaayo 
2.      Ama qurux la daawado mar uun aadmi ku qancaayo 
3.      Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane 
4.      Wax badan baan qumaati u hubsaday qalanjo naagoode 
5.      Ha yeeshee qaraan baa igu galay qalay naftaydiiye 
6.      Idinkuna halkii i qoomanayd baad i qabateene 
7.      Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene 
8.      Bal qiyaasa waataan qandahday qamareey awgiine 
9.      Qalaaxyaha gacmaa iyo junuhu way qarraqayaane 
10.  Qosolkaa yaryari waa waxaa nagu qaldaysaane 
11.  Inaan eebahay idin qatalin qariya laabtiina 
 
14)       Waa lay warrami 
 
1.      Hooyaalayeey gabayga waa lagu wanaajaaye 
2.      Anna waayirkiisaan ahee waano iga qaata 
3.      Weegaarka caadku waa indhaha walalac beeneede
4.      Waxku-aragu waa wiilka oon waayo kaa heline 
5.      Addinkoy wax gaaadhaanna waa loo wakinayaaye 
6.      Weheluhu baddooy kala tagaan wiiqan ubadkiiye
7.      Walaxdii dhinaataaba way kaa weyrixisaaye 
8.      Iyadana wadeecada aduun wiil kalaw baxaye 
9.      Wadaamii qalbiga waxa la tegey wililigteediye
10.  Intay waaninaysan dhulbaan weel ka gurayaaye 
11.  Waa lay warramayaa dadbaan weeye leeyahaye 
12.  Waxakani wareer iyo ka badan caashaq waaxidahe
13.  Walaalooyinoow waxan ka biqi inan ku waashaaye 
14.  Markan inan wareegaan damcoo webiga jiidhaaye 
15.  Wiirada ragiyo baan ka tegi wadhida naagaaye
16.  Wadankeeda Soomaali waan sii wadacayaaye 
17.  Wuxu Eebahay ii waciyo waadanbe aan dhawro 
 
15)       Caashaqa haween 
 
1.      Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye 
2.      Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye 
3.      Caruurtay sideen meesha iyo ciise nabigiiye 
4.      Cidla lagama Beermeen dadkoo cuuddi waaxida e 
5.      Waxa qaarba cayn looga dhigay hays cajabiyeene 
6.      Soomaalida caado xune iguma caydeene 
7.      Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye 
8.      Kuwii ii calaacalayey baan camal tusaalayne 
9.      Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo 
10.  Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya 
11.  Curuuqdiyo maxa kale dhex geli cadaha hoostooda 
12.  Ma cidaamkanaan jabinayaa cunaya dhuuxooda 
13.  Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho lay diidye 
14.  Caqliga yaa ka biin tuu Illaah ku cir-cadeeyey 
15.  Cimrigayga oon jirin intii lagu cirroobaayey 
16.  Mugga inaan caddaadaan ka biqi canab daraadede 
17.  Cududuhu ma naaxaan qofkay talo ku ciirtaaye 
18.  Casharkay wadaadu qoreen cudurkan goyn waaye 
19.  Cilmi iyo daawaba doontay oo waayey cilinkiiye 
20.  Jeeroonse canabeey ku helo caafimaad dhimaye 
21.  Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye 
22.  Illayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay 
 
16)       Heeska caashaqa 
 
1.      Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye 
2.      Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye 
3.      Sida ubadku hooyada u tabo kuu hafeeftamaye 
4.      Haddii aanan ku lahayn yartaay kuma haleeleene 
5.      Habeenkii yimaadaba lix jeer kuma horjoogeene 
6.      Hal abuurka kuumaan tirsheen heeska caashaqa e 
7.      Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga 
8.      Hareertayda ood joogtid baan ku hami qaataaye 
9.      Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye
10.  Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye 
11.  Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye 
12.  Markaan keligeey haasaawayeen aan isla-hadlaayo 
13.  Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey 
14.  Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugaygiiye 
15.  Hadaaqa ay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne 
16.  Haabkooda may gelin cishqiga hawsha dabataale 
17.  Inta uu hadhuuudh-laha ku daray ama hed soo gooyey 
18.  Hal-hal tirada waan lagu heleyn tan iyo haabiile 
19.  Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye
20.  Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e 
21.  Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye 
22.  Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane 
23.  Waa waxan hir-doogliyo caleen ugu horseedaaye
 
17)       Luxudkaan la gelayaa 
 
1.      Luqun madoobe awrkuba kolkuu laacdan baranaayo 
2.      Isagaa u laakima badnaa laqanka xoolahe e 
3.      Hadba qaalmo laacdan ah wuxuu luqun jibaadhaba 
4.      Lix intaanu jirin haduu laacib ku ahaado 
5.      Lama loodin karo jeeray liicdo bowdaduye 
6.      Anna laabta kama gooynin caashaqii ladane 
7.      Luxudkaan la gelayaa sidaa igaga liil dheere 
8.      Midnaay hays ku kay lurin qalbigu laba jeclaan waaye 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.