Home

Daahir Cali Nuur

                                                                                  Soobir-Gaydho

Yaa muran ka qaba
Kaad Imooday Baan ahay
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

1.      Adaa Soobir-gaydhooy sir qaba, oon samaan wadine

2.      Dadku wuu sarquumaa ninkaad, saaxib noqotaane

3.      Salaadaha udgoon iyo cilmiga, wuu ka saahidaye

 

4.      Saqaafaha ninkii kuu wadee, sahanka kuu waalay

5.      Siigada ninkii kaa ceshee, saxarka kuu diidey

6.      Sargooyada aleemada ninkii, kuu sursurey koorta

 

7.      Saydhada ninkii kaa baxshee, qodoxda kaa siibay

8.      Ninkii garabka kaa saray adoo, meel ka socon waayey

9.      Adoo rimay ka saahiday ninkii, gacanta kuu suuqay

10.  Sancadaada oo idil ninkii, saayaq ku ahaadey

11.  Iyo abid sibcowl aadan arag, waa wax kuu simane

12.  Maxaa saatan kuu galay la waa, nimaad saluugtaaye?

  

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.