Home

Durdur

                                                              Cumar Cabdullaahi Ciise (Fakad)

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Durdur waa gabay uu u tiriyey nimankii Isaaq ee ay isu jawaabi jireen ee ay ka midka ahaayeen Banfis, Dheeg, Bashiir iyo kuwo kale.  Durdur, Daarood ku fuul, Gantaal iyo gabayo kale oo aad dhammaan doollo.com ka helayso ayuu Fakad ku lahaa silsiladdan. 

Wuxuu ahaa:

  • Ma duugowdo taariikhduyoo, waa duruus qorane

  • Dawgeeda kama leexatoo, dirrato weeyaane

  • Diiwaanadaa lagu qoroo waa, wax daabacane

  • Danbi lagama sheegee runtaa, lagu dalluugaaye

  • Haddii waan dafiri aad tidhaa, way ku dabartaaye

  • Sida Doxorka Iidoor anoon, dalab u yeelaynin

  • Dad dillaale oo fule anoon, marin dariiqiisa

  • Sida danabka waw dhici jiree,, diiradda aan eego

 

  • Duruufihii lasoo maray haddaan, duluc ka faaloodo

  • Duulaamadeenii badanaa ee, is dabajoogay

  • Meeshiyo Darwiishiyo Gurey, danabyadii Leego

  • Iyo dawladnimo raadintii, lagu dadaalaayey

  • Gobonimo daraadeed wixii, geesi lagu duugay

  • Wixii doob la gawracay barbaar, loogu dirajeeyey

  • Dumar iyo caruuriyo wixii, odayo loo dooxay

  • Soomaali wixii loo daldalay, doonistii calanka

  • Dayaaradaha Reer Yurub wixii, nalagu soo daayey

  • Dusha sare waxay nagaga timid, baladdii duulaysay

  • Madfac dirigriglayn iyo garneylaad, dundumo moodid

  • Darandoori wuxuu noogu riday, diir-cadow Ferenji

  • Danbaskaa wixii lagaga dhigay, dad iyo maalkeena

  • Waxay beel danaayeysan subax, dumisay eey leeftay

  • Dabaabaad wixii nalagu galay, daakirkiyo waaga

  • Dabracelinta kaaraha wixii, nala dabaalsiiyey

  • Dirir hore dorraato iyo shalay, duhurka aan joogno

  • Iidoor dagaal nalama galin, dab iyo baaruude

  • Dufan-jeceshu waatay kufriga, daris ahaayeene

  • Dabadhilifka nimankii ahaayee, na dubanaayey

  • Nimankii iblays duufsadayee, doofil naga raacay

  • Markii Eebbe noo deeqayeen, dawladnimo gaadhnay

  • Deegaanta noo curatay way, uga daraysaaye

  • Maantana waxay doonayaan, duudxamaalnimo e

  • Doobkaha ku jira caanahay, daadinooy qubiye

  • Haddaan sida dameeraha la xidhin, dabarra loo yeelin

  • Oo laysku sii daayo way, kaa dardarayaane

  • Dushay kaaga baxayaan inaad, dacaydo mooyaane

  • Haddii aadan daqlaha waran ka gelin, kaama dagayaane

  • Dulli iyo xummaan waxaan ahayn, kuma dawoobaane

  • Annagaa iska daynayee intaa, way na durayaane

  • Dad aan ila sinayn baanan rabin, inaan la doodaaye

  • Dibnahayga uma quudhi jirin, daalin iyo tuuge

  • Isdaleefyadii baa kibrayoo, diiday nabadiiye

  • Daaxuuradaan korin jiraa, ii dardaar warine

  • Wuxuu Dabacayuun nagu hayaa, waa dubbuurnimo e

 

  • Kol hadduu ka duday maamulkaan, ugu danaynaayey

  • Kol hadday dushaydii badnayd, daawo dhali wayday

  • Dadaalkii iyo wanaagii haddii, dacati loo qaatay

  • Dabcigiisa ruuxaan aqaan, uma duurxulo e

  • Maantana dabkay hurinayaan, dogobyo maan saaro

  • Hadalkaba ha kala daysatee, dalowyo maan jeexo

  • Kolkaa maan ha daaqee suntee, dacarta leefsiiyo

  • Daandaansigoodaa bataye maanu, kala duufno

  • Daarood Ismaaciil intaan,  dan u heshiisiiyo

  • Walaalaha is dilay iyo tolkay, deynta kala siiyo

  • Dakanooyinkaa kala dhexyaal, cudurka daawaysto

  • Markii lagu damaashaado nabad, uu is darajeeyo

  • Anigu dawlad baan ahaye maan, yeelo sidaan doono

  • Iidoorka doobdhabi Berbera maan, durduro jiidho

  • Waxaan dirashadayda ogolayn maan, duldhigo xoogga

  • Dunta Habar Magaadliyo Xabuush, kii durriyad sheegan

  • Siddii darib baruureed Isaaq, daanka maan galiyo

  • Degaanada Hargaysiyo Burcaba, maan u wada diido

  • Maan dabada qool kala maroo, didiyo oo dhoofsho

  • Dufulkiyo harkihii ay dhigteen, maan dusha u saaro

  • Dakadaha wixii iigu jira amase, maal dawlo

  • Dayaaradahiyo baabuurtu way, ii daldalayaane

  • Markay dirawaliintaa wadaa, daal la kici waydo

  • Dameeriyo kolaan awr ku raro, waan is daaficiye

  • Dooxaadh anaan rabin inuu, dib u shaqeeyaaye

  • Dad xamaale meel laga helaba, maan ka dabar gooyo

 

  • Kol haddayna doon Ferenji wadan, dacalka raacaynin

  • Dabbaal kaga baxaa iyo bad weyn, damug ka siisaaba

  • Dalka joogimaayaan Isaaq, maanta dabadeede

  • Meeshuu kasoo degay mar hore, maan dib ugu laabo

  • Dirqi maan kuwado kii hadhow, diida amarkayga

  • Dinaahada libaaxaba dhurwaa, wuu ka didayaaye

  • Dugaag kale masoo galo halkii, aar dangiigsado e

  • Daryaankiisa feedhaha ka bixi, laysku deyi waaye

  • Dacaladda waxay uga maraan, waa dilaanimo e

  • Anna waxa dareeriga galaan, daw ka laliyaaye

  • Danabkayga meeshaan ku rido, waa duqayn jiraye

  • Malaha doobir-samidaydaneey, doqon i moodeene

  • Daganaanshahaygiyo la eed, daacadaan ahaye

  • Lagu dagay damani layga mood, deeqsinimadiiye

  • Kol haddaan digtoonaaday waa, kama dambaystiiye

  • Madfacaan dadaabada hayaan, soo diyaarsadaye

  • Degdeg aan u rido waa midkii, dilayey Iidoore

 

  • Hadduu diiday daanyeerkan xumi, nabad inuu daaqo

  • Duqduu yidhi shan madaxlayda, kaa iigu duurxulayey

  • Danbiguu ka galay maan ka gudo, dawgal baa wado e

  • Shaxduu degay dushaba maan ka xidhoon, deleb irmaan qaado

  • Dedban aan la garaynin iyo, duuban lebi saaro

  • Hadday debinka iisoo galeen, maan dallaco wiishka

 

  • Afartaa dawaar lagu gartiyo, daramal maw yeelay

  • Ma durduuray siddii daadka oo, ilo kasoo daacay

  • Ma dinaahshay siddii aar wax dilay, daakirkiyo waaga

  • Ma daliilshay siddii sheekh cilmiga, diinka dhiganaaya

  • Dayaxa iyo daruuraha cirkiyo samada, maw duushay

  • Dawanada ma lulay waa anigii, daayey waayadan e

  • Dirkii loo yiqiin baan ahaye, darajo maw yeelay

  • Iyadoo aan deelqaaf lahayn, ma idin deeqsiiyey

  • Derder oo ka gudub taasi waa, dawliskii hore

 

  • Gabayadan lasoo duubayee, dunida loo faafin

  • Ee wiil dabbaal ahi tirshee, daa la odhan waayey

  • Qabiil dumidda Daarood colkii, dibin loo ruugi

  • Duqa caayidiisiyo Siyaad, waanu dilidooda

  • Dacar uurka jiiftiyo suntaa, daaha laga qaaday

  • Qayladan dalluumaysiyo guuxan, dami waayey

  • Nin rag ahi docdaa kama hadlee, waa daciifnimo e

  • Waa dawdarnimadii Isaaq, duulkan waalaniye

  • Kol haddayna gaal darin u dhigin, lana dakaynaynin

  • Oon daashka lala seexanayn, ways dibiriyaane

  • Iidoor dudmadu waa waxay, dir u lahaayeene

  • Dabcigooda weeyaan inay, kula dagaalaane

  • Goortii daroogiyo khamriga, daanka laga buuxsho

  • Ee laga dibirro jaad afxumo, kama darrooraane

  • Dekanooyinkii laga tageey, dib u xusuustaane

  • Taa waxaa daliil u ah haddaan, idin dareensiiyo

  • Dalka maqan dadkeenaa, jahaadka u dareeraaya

  • Docwareeme duubigaa halgami, danabyadeeniiye

  • Way dabamaraan maalintii, foodda lays daro e

  • Dacal qudha ma raacaane, waa laba dubleeyaane

  • Taa waxaa ka daran oo ka daran, oo kasii daranba

  • Dagaagiyo qaxootiga xeryaha, dibbadda loo ooday

  • Darbaalada maxay uga xadeen, lagu dugsiinaayey

 

  • Dirgo’ooyinoow Xabashibay, duray wadaagaane

  • Waa niman dariiqada Alliyo, diinta caasiyey

  • Duntii Mililikh iyo waxay sitaan, duubkii loo xidhaye

  • Dunjigoodu waa niman Yuhuud, nooga soo dagaye

  • Dadka waxay u ceebaynayaan, waa dan gooni ahe

  • Ha u daganin Soomaaliyey waan, idiin digaye

 

  • Dardar oo ka gudub taasi waa, dawliskii hore e

  • Caliyow durbaankaad tuntiyo, daramalkaad heestay

  • Waa damac gumaysigu watoo, uu kusoo diraye

  • Waxaad dawladdan u caayi baan, daaqad ka arkaaye

  • Dooxaa Hargaysee bannaan, labada daamoodba

  • Yaan layla soo degintu waa, xaalad daba dheere

  • Dusha kaama saarayn Tindheer, daaraduu galaye

  • Mareexaan wuxuu kaa dugsiin, waa dabaylaha e

  • Dagoodi iyo Raxan Weyn hablahaad, diida tidhi maanta

  • Iyagoo la daadihinayoo, timaha sii daayey

  • Dorraataadba kaga iibsateen, doobka caano ahe

  • Dardarahan cusubi waa inaad, deysay gaajada e

  • Kaa darajo roon Eelaaygaa, daajin xoolaha e

  • Hadday maanta kula soo darseen, digada aad joogto

  • Oo laysku daray guurku waa, nin iyo dookhiiye

  • Danaakiri hadday jecel yihiin, dumarka reerkiinu

  • Ha u diidin waa taad wax badan, Dahabo weydeene

 

  • Ha dafirin Hawiye oo ha odhan, dabato weeyaane

  • Inuu deyrka kugu meersan yahay, geli dubaaqaaga

  • Nimankaan daraadood ku helay, deeqda iyo kheyrka

  • Een sida dalaalin u hadhsado, daafac iyo xoogga

  • Reer Awga lagu diirsadiyo, awliyada duusha

  • Ha dacaayadayn culimo waa, laga ducaystaaye

 

  • Dadka yaal degmada Booramee, Dilla ka baalleeya

  • Dusha Harawo diilaha Cammuud, dooxa Gadabuursay

  • Dariska iyo walaalaha is jecel, ha u dardaar warinin

  • Waxba haygu dirin waxaanu nahay, ul iyo diirkeede

 

  • Daarood Ismaaciilna way, idin daryeelaane

  • Dusha sare dudada beesha iyo, daakhil iyo khaarij

  • Iyagaa dirayska u xidhoo, doonta kuu wada e

  • Adna dirashadooda ogolow, doobbi baad tahaye

 

  • Daaf iyo abaariyo jeer kiciyo, doofane

  • Duryadheer madfaca saaraniyo, diiratada Ruushka

  • Durujaaga Kuubiyo Amxaarka, aanu diriraynay

  • Idinkaw dusaayoo halkii, dagan ogaysiine

  • Waa kii Ina Ducaaliyo rag lihi, daadahayn jiraye

  • Dibidaatiyaashiini hore, dira sirteeniiye

  • Daldalaad Khaliif wuxuu u galay, adi daraadaaye

  • Danta guud ma eegtaan haddaad, doollar aragtaane

  • Dabadhiig ka qaadiyo sun iyo, waliba daacuune

  • Ubadkiina kii dooxibaad, dee walaal odhane

  • Dulliyahow dillaal iyo hunguri, dunida kaa reebye

  • Dalka nooga baxa waxaad tihiin, duul habaar qaba e

  

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.