Home

Dhidib u aas

                                                              Qamaan Bulxan                                   

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Qamaan oo ka xogwaramaya siddii iyo sababtii uu isagu keenay qoysaskii Reer Magan ee uu ku mideeyey dalladda Baha Magan ayaa gabagan hoose mariyey.  Wuxuu sheegay in haybaddii iyo hormuudnimadii uu tolka dhexdiisa ku lahaa korodhay oo raganimadii, aftahanimadii iyo gabayaanimadii ay ugu soo biirtay xoog iyo tol weyn.  Wuxuu qeexay dhibkii uu u maray aasaaska Baha Magan inuu dheeftiisii helay oo gaal iyo Islaanba cududiisa iyo ciidankiisa la tixgaliyey dhinacna looga leexday.   

Gabaygu intan wuu ka dheer yahay, laakiin waxa hadda naga soo gaadhay waa meerisyadan hoose.  Wuxuu yidhi: 

  • Anigoo dhukaan iyo sidii dhugato lay moodo
  • Dhulka inaan ka jiitiyo anooy, dhimasho ii joogto
  • Oo dhabarka raayaha marsaday, sida dhabeel naag ah
  • Dhadig iyo labood anigoo, kala dhex joogood ah
  • Oon dheefta cunin oo misana, dhogor madoobaaday
  • Miyaan dhudaha Reer Magan Warfaa, dhaar u kala qaaday
  • Oon dhaabad laysugu xidhmiyo, hal u dhaxaysiiyey
  • Nin dhib galay waxbuu ugu xishaye, dhidibka maw aasay
  • Dhaandhaanka tagay sow Berbera, lama dhaqaalaynin
  • Sow gaalka dhoorkale dadkii, wax uma dheeraynin
  • Sow dhabanno-hays iyo la yaab, kaa aan dhigay ma aha
  • Sow haatan dhuubkiyo mudadadu, igu dhamaanmayso
  • ...

Soo dhamaystir ...

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.