Home

Quusgooyo

                                                      Xarbi Ismaaciil Samatar              

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  • Rag qabiilo weyn iyo gobbaan, soo qareensadaye

  • Iidoorka qaylkiisa xumi, iguma qooqeene

  • Nin qisaasi keentaan ahaye, qadaw ma joogeene

  • Inaan qoorta laadlaadiyoon, quustay la i moodye

  • Waa badan qabiil liicay oo, soo qandoodsadaye

  • Qabniyo xoog qaddiimadiyo faro, qiimi lagu kuunyo

  • Qudh la gooyey qaafilad la dhacay, qaad la kala hoyiyey

  • Xeryo qaawan qayrooyin badan, qani la caydheeyey

  • Qaadhkiisa geel lagu surmiyey, qori sagaalley ah

  • Dhaaxey qabiilana dhaceen, qolana riixeene

  • Ma qaddiimad meerin tolkay, waliba waa qaare

  • Qaafada Ammaadin iyo Caamir, Qulul u soo guurye

  • Qarrigii ka yimid Maalinguur, qoofalka ahayde

  • Qudhicii Sabsabanuu Ugaas, Qayradii furaye

  • Qorraxeyda weyn Keenadiid, qaarkii baa yimid

  • Qabridaharre Faraskoodu waw, qoob aroor tagaye

  • Xiddigii qalloocnaa wa kaa, soo qummaatiyey

  • Qoodhay iyo xeraday inuu, qiil idiin baxaye

  • Ha ka quusanina Eebahay, qaan ma duudsiye e

  • Qorbaase aniga ii dheer, wuxuu qabo Ogaadeene

  • Way lay qulquladeynayaa, haydin qoonsade e

  • Ana sida duq qadaw laacin baan, qulubsi luudaaye

  • Qiil baan u haystaa hadday, igu qalloocdaane

  • Intaan qoriga weyniba i mudin, qodaxdu way laynin

  • Qarni horre Bidhiidh suu lahaa, way i qabataaye

  • Qudhaanjaa u yare meel hadday, kugu qaniinayso

  • Qaarkeed habeenkaas hurdada, kaaba qadiyee e

  • Ninkii gob ahi wuu qoomamayn, qawl xunuu yidhi e

  • Ama wayska kay qabanayaa, iima quudhaba e

  • Qanjaafila gumeedkaan afxumo, iga qarraaceyne

  • Kolba kii qunbiyo nayl wataa, way qallacayaaye

  • Dhaaxaad sidii qabay dhanaan, noo qudhqudhiseene

  • Kolkan qayriddiinnoo jabtaa, waydin qabataaye

  • Allahayow qilaaf idin dhexgali, qoysba dhan u rooro

  • Qoof Eebe wuu badan yahaye, kolaad qamiisoodowdo

  • Rabbi qoorta kuu gali wuxuu, qabo Ogaadeene

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.