Home

Tuug Baroole

                                                                Cabdi Ibraahim Magan (Cirjiidh)                                    

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygaan la magac baxay Tuug Baroole waxaan tiriyey markii aan ka war helay in ay niman Soomaali sheeganaya Kiiniya heshiis kula galeen in Kiiniya loo ogolaado in ay qaadato qaybo ka mid ah badda Soomaaliyeed. Nimankaas waxay wax ku saxiixeen magaca dawladda ku meelgaadhka ah. Arintaa waxaan maqlay 10/04/2009 goor galab ah, habeenkii ayaanan ka seexan xannuunka ay igu beertay, waxayna noqotay arin tiiraanyo badan.  Markaas ayuu gabaygani igu soo dhacay.
 
Barfasooradaan aaminnnee buugagga u dhiibnay
Baldadaha raggii wada sitiyo suudhadhkiyo baylka
Baalxooftadii hore raggii loo birdhigi waayay
Bakhti iyo nijaastay faleen beerku ii gubaye

Barbarreeyayeey xalay miyaan jiifka bogan waayay
Biixida miyaan ooga jabay cadow i boobaaya
Bahalkii Wajeer cunay miyaa baylah iga qaatay
 
Baranmaysid Soomaaliyeey Tuug Baroolaha e
Sidii ruux barii'uu dushaa uga bidhaamaaye
Bashar iyo qof saaxiib ah baad bilicda mooddaaye
 
Mar waa sheekh billaahida maroo diinta kaa badine
Marna waa basaas horor ah oon baab xidhaa jirine
Boqor iyo suldaan buu noqdaa beelo daaja ahe
 
Baryo wuxuu iskaga kaa dhigaa Naasax beer nugule
Waa baxar sitiin aan lahayn baasaboor mida e
Kolba boqol ilood buu middood kuula soo bixiye
 
Sidi ruux baldo u dhoofayuu boorsa weyn yahaye
Danta inuu badbaada u yahuu ba'uhu sheegtaaye
Bidix iyo markuu midig dayee kaa bogsado shiishka
Billaawaha wuxuu kaa marshaa meesha baydda ahe
 
Kuwii shalay dadwaynuhu baxshee shacabka boobaayay
Hunguri baa baleeyay iyo waxay bililiqaystaane
Bal ogoow dalkoodiyo inayn hoygi badar dhaafsan
 
Ummad yahay baddii aad lahayd boojisyaa helaye
Inta aysan baaqiga hadhiyo
Calanka beecgaynin
Maad baraarugtaan ciiddu waa birimadeenniiye
 
Baxdin raysan waydiyo hadday boogi kugu taallo
Dusha lagama baantee guntaa laga bineeyaaye
Inkastood bastaa tahay marbaad ciil baddalantaaye
Maad baraarugtaan ciiddu waa birimadeenniiyee

Dugaaguba hadduu dhicid bartiyo bawdka jabintiisa
Bilaash kuguma dhaafiyo inaad barad u jiiftaaye
Baaq iyo digniin culus intaan boodhadh ku caddayno
Maad baraarugtaan ciiddu waa birimadeenniiye
 
 
MACNAHA EREYADA
baldad:suudh
barbarrayn:dhinacyayn,isrogrogid
biixida:bawdada, laxaadka
bahal:waraabe,dugaag
wajeer:dagmada wajeer(NFD)
barii':dambi la'aan ah, aan waxba gaysan
naasax:daacad ah
baldo:waddamo, magaalooyin
baydda:dhuunta,halista
boojis:qawlaysato,budhcad
Birimo:waxa ugu mudan,muhiimsan
hoy:dalka

binayn:dawayn
barad:qabow
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.