1. Home

    Cabdi Gorod Wuxuu Yidhi...

                                                                 

     
     
     
     
     
     
     
     
     

    Qore: Cawaale Xuseen

    awallea@gmail.com

     

    Markii aad u kuurgasho tuducyada kala ah nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban, dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii hore e iyo gablan talo adduuney maxaa tu walba loo joogay waxaad qiyaasi kartaa maskaxday kasoo balqeen meerisyadaasi inay ahayd mid hoy u ahayd gabay aad u qiro weyn.  Haddii aad horay u taqaanay Cabdi Gorod waxaan filayaa in aadan sina iigu khilaafin jumladdaa, haddii kalese bal maanta la kulan. 

     

    Cabdi Gorod wuxuu ahaa gabayaa aad u midho culus.  Gabayadiisa inta nasoo gaadhay ayaana arintaa u markhaati ah.  Markii aad dib u jalleecdo xilligii uu noolaa iyo raggii uu la heerka ahaaba waxaad qalinka ku duugi kartaa inuu lahaa dhimir iyo garaad gabayga ku ababay.    Hase yeeshee Cabdi maansada wuu iska dhawri jiray oo tirinteeda ma badsanin. 

     

    Cabdullaahi Dhoodaan oo duraamanaya Cabdi Gorod ayaa waxaa laga hayaa hadal macnihiisu ahaa Cabdi Gorod nin ka gabay badan ma jiree, wuusan gabyeynin.  Iska dhawrkaa uu gabayga iska dhawray waxay dhalisay inaan magaciisu aad ugu baahin Soomaali Weyn.  Inkastoo Qorraxey, Ciid, Doollo iyo degaamada ku hareeraysanba aad loogu halqabsado gabayadiisa, haddana sidii ay mudnaayeen uma aysan xulin dhammaan gobolada Soomaaliyeed.

     

    Cabdullaahi Dhoodaan gabaygiisa caanka ah ee Garnaqsi markuu soo baxay 1974kii sida ba’anna u faafay ayaa waxaa isna sidoo kale aad u firdhay magaca Cabdi Gorod.  Isagoo xiganaya laba eray oo gabay Cabdi Gorod tiriyey ku jiray ayuu Cabdullaahi Dhoodaan ku billaabay Garnaqsi:

     

    ·         Cabdi Gorod garaadkii markuu, gabayga saaraayey

    ·         Gablan talo adduuney wuxuu, ugu guraabaasay

    ·         Macnuhuu ka goolaabayaan, Biixiyow[1] galaye

     

    Halkan riix si aad u dhagaysato Garnaqsigii Cabdullaahi Dhoodaan.

     

    Erayaduu Cabdullaahi Dhoodaan xigtay gabaygay ku jireen wuxuu caan ku yahay Gablan Talo Adduuney.  Wuxuu Cabdi Gorod gabaygaa ka tiriyey arin Qorraxey ka dhacday oo taariikh gaar ah lahayd.  Arintaasi waxay ahayd iyo sababaheedu ha inoo dambeeyeene, gabayga waxaa ka mid ahaa:

     

    ·         Gablan talo adduuney maxaa, tu walba loo joogay

    ·         ...

    ·         War ma Taaliyaa loola kacay, tookhii Ina Haybe[2]

    ·         Wali Timiro Ina Sheekh miyaa, timaha feedhaysa

    ·         Oo aan tafteedii la rogin, gabadha toolmoon ah

    ·         ...

    ·         Ninkii laga tol roonaa miyuu, gaal u tabareeyey   

    ·         Bah Bartire[3] miyaa loogu tagay, toomo Guri Xaashi

    ·         Birtuu gaalku tumay miyaa, lagu tagoogeeyey

    ·         War ma tanaga oo dhaansanbaa, tuurta laga saaray...

     

    Gabay intaa aan hadda ka hayno ayuu ahaa.  Garnaqsigii Dhoodaan markuu hanaqaaday waa kii Cabdullaahi Dhoodaan mucaaradka ku noqday dawladii Maxamed Siyaad, kana soo jeedsaday Herar.  Waa kii Maxamed Siyaad wax walba isku dayey si uu Cabdullaahi Dhoodaan u aamusiiyo ama uu dib ugu soo celiyo Xamar, khayaar iyo qasab kay dooniba ha ku dhacdee.  Sidoo kale waa kii Maxamed Siyaad gabayaaga badan abaabulay si uu gaashaan ugu helo halgaadda Cabdullaahi Dhoodaan. 

     

    Waxay kacaanlayaashii dowladda u dhaganuglaa isku dayeen inay Cabdi Gorod isticmaalaan oo uu gabay diro iyagoo ku beerlaxawsaday inuu is bariyeelo maxaa wacay ninkii mucaaradka xukuumadda isku taagay ugu weynaa ayaa ku halqabsaday.  Haddii aadan la aragti ahayn oo aydaan is uur ogayn sidee kuugu halqabsaday.   Kacoo maanso kacaanka difaacaysa tiri ayey kula jalbeebeen.   

     

    Cabdi Gorod arintaa wuu ka dhaga adaygay.  Markay afhayeenadii dawladdu qoryo-qoryeynta ka deyn waayeenna wuu raadgatay oo wuxuu kasoo jeedsaday Doollo iyo Qorraxey iyo meel aan gacantii Kacaanku dhib yaraan ku gaadhin.  

     

    Ha raadgato laakiin kama maarmin Jamhuuriyadda Soomaaliya oo wuxuu ahaa nin xad beenaadka labadiisa dhinacba ku dhaqan.    Isagoo is leh aad laguu dhooroofi mahayo ayuu Soomaaliya kusoo noqday.  Nimankii horey isugu dayey inay gabay gacan-ku-rimis ah ka helaan ayaa mar kale u tafaxaytay inay maanso ka duubaan oo Reedyow Muqdishu kasoo daayaan.  Maskaxdiisii ayaase godlan diiday, isna inuu xoodaamiyo oo uu gabay dirqi-ku-islaam ah tiriyo wuu ka sariigtay.   

     

    Halkaa iyadoo birinbirqaynaysa ayuu wuxuu kol dambe maqlay war dhiilo leh oo ay ilo lagu kalsoon yahay kasoo tabiyeen fadhiyadii hoose ee kacaankii dalka taladiisa hayey.  Waxaa loo sheegay in xul kumaandoos ah oo sida shabeelka u booda loo dirayo Adari si ay habeen madow usoo dafaan Cabdullaahi Dhoodaan uguna soo simaan gacmahii Maxamed Siyaad iyo Geelle Yuusuf.  Dabadeed khayaamo qaran oo ciqaabteedu dil toogasho ah tahay lagu xukumo, maalmo kadibna tiirka lagu xidho. 

     

    Doonitaankaasi hadduu hirgalo, sow ninkii ugu mudnaa gabayaaga Soomaaliyeed oo dhan maxkamad dulmi ku dhisani rasaas hawda kaga saarimayso.  Sow afhayeenkii halgankii Soomaali Galbeed ee dawladihii Jamhuuriyadda isaga dambeeyeyi majarahabaabiyeen godka la dhigimahayo.  Sidaasi hadday dhacdo gabbal dumay, halyey aakharo u guuray, gabay agoontoobay, halgan gaagaxay, gaydh iyo gabaraydam sow ma aha?

     

    Haddaba boqorka Cabdullaahi Dhoodaan ahi maanta garab ayuu u baahanyahay, ayuu is yidhi.  Oo muxuu qaban karaa isagaaba gacan-ku-gabbad ahee?

     

    Cabdi Gorod ciidan isku heedaama Cabdullaahi Dhoodaan oo gaadeha ka ilaaliya ma heli karin.  Taar iyo telefoon uu si gooni ah ugula xidhiidho oo uu ugu digo ma heli karin.  Waraaq haddii uu qoro oo uu baqshad ku aabudho, socoto Herar usii jeedana u dhiibo wuxuu ka baqay inay nabadsugidii kacaanka iyo ciidamadii joogay goobihii baadhista ee waddooyinka daadsanaa midkood u gacan gasho. 

     

    Sidaasi hadday dhacdo ammaankiisa iyo kii ninkuu badbaadi islahaaba khatar culus ayey galayaan.  Muxuu haddaba yeelay?  Mukha ayuu tuujiyey oo sidii lagu yaqaanay ragga gabayga loo qiray fariin qafilan diray.  Gabay ayuu habayn madow tiriyey una sii dhiibay nin uu ku kalsoonaa si uu u gaadhsiiyo Cabdullaahi Dhoodaan. 

     

    Wuxuu isu ekaysiiyey inuu yeelay codsigii kaga yimid hawl-wadeenadii dawladda.  U fiirso siduu dhiilada u sifeeyey isagoo ku dadaalaya inuu warku gaadho Dhoodaan iyadoon innaba wax shaki ah Hangashtii Xamar ku dhalanin. 

     

    Wuxuu ku billaabay wax canaan iyo dhaliil u eg laakiin uu ku gaaray mucda fariintiisa.  Wuxuu ka dhigay Dhoodaan nin laba cadow oo aan midna u naxaynin u dhexeeya, nin meel aan nolalba laga dayin u guuray, nin hal aan ib dhiiqdaba lahayn toobke weyn u wata oo caano ka beeqaaqaya. 

     

    Saynsaabkaa uu ku marinhabaabinayey Nabadsugidii Xamar kadib  wuxuu u gudbay hadafkii gabaygiisa.  In rag soo dafa kusoo fool leeyihiin, in raggaa amarka la siiyeyi yahay Herar badhtankeeda inay kasoo afduubaan kuna soo celiyaan Xamar ayuu u sheegay.  Sheegid kaliya kuma ekaanine wuxuu usoo jeediyey talo uu u arkayey inay lama huraan tahay. 

     

    Wuxuu ku yidhi haddaad fadhiday istaag, haddaad taagnaydna dhaqaaq oo col hortii hub lahow.  Intaan helay wuxuu yidhi: 

     

    ·         Dheri dhardhaar iyo dabbaad, kala dhextaalaaye

    ·         Lafo dhuuxba laga waayeybaad, dhabaqsanaysaaye

    ·         Hal dhurwaa candhada gooyeybaad, dhiil u sidataaye

    ·         Adoo Adari dhaantada ka tumi, yaa dhab lagu siine

    ·         Ka dhaqaaq kobtaad taagan tahay, dhabano weynayde

     

    Dhoodaan fariintaa hel, taladii Cabdi Gorodna qaaday, waxaana gaadh ka qabtay niman fidaa'iyiin ah oo ammaankiisii sugay.  Haddaba meerisyadaa Cabdi Gorod waxay fashiliyeen dabinkii ilaa Xamar daadsanaa ee aan Hangash, Nabadsugid, Guulwade iyo Koofiyad Cas toona u kala hadhin.  Damacii kacaanlayaashana halkaa ayaa gabal baas ugu dhacay.  Markaa mar dheh...

     

    Mar kale ayuu Cabdi Gorod turuqiisa gabay curineed kala bixiyey oo inoo reebay gabay cibaaro culusi ku aasan tahay.  Arimo badan oo geyiga Soomaaliyeed ku cusub oo dadkii dhakafaar ku riday ayuu isna la yaabay dabadeed dareenkiisa gabay ku cabbiray.  Waxaa naga soo gaadhay:

     

    ·         Birtan dadani ee uun digriyi sidii, wadaad duub leh

    ·         Durba hadalka kuu iman intuu, Xamar kasoo duulo

    ·         Dadkan yoomi ee kula fadhiya, kaana sii durugsan

    ·         Dib maxay ka noqon waa adduun, doorshay kii hore e!

     

    ·         Sheekhaashtan duulaanka kicin, sida Daraawiishta

    ·         Duni Xaaji iyo Aw Sadiiq, duhurkii geel qaadi

    ·         Oo rayfal daasadi dhextaal, dib ula soo jeedsan

    ·         Ogaadeenkan daanyada ku jira, daalac iyo naasil

    ·         Dib maxay ka noqon waa adduun, doorshay kii hore e!

    ·         ....

     

    Maanta haddii mawdku ku simi lahaa, tolow muxuu odhan lahaa?

     

    Cabdi Gorod wuxuu noolaa xilli waranku taliyo oo ninkii aan cudud ka baqan Alla ka cabsi iyo xurmo kale toona aysan xakamaynin.  Wuxuu ku garaadsaday tolkii oo Soomaali qoyskii uu doonaba daaduunsha. Wuxuu hanaqaaday xilliggii Maxamed Cumar Dage sida islaweynidu ku jirto u lahaa:

     

    ·         Santaag laguma wada joogi karo, sabada Ciideede

    ·         Sanahaabadaa nala kacliyo, seefta dhiigga lehe

    ·         Dadkuna waxay na saacidi markaan, galino soodhkiiye

    ·         Soomaali maa loo waramo, Siiyahay magane

     

    Tolkii oo wuxuu Cabdi Gorod arki jiray yad mooyee aan adduun nabadgalyo iyo xanaano kale ugu tanaadin.  Maalin dambe ayuu wuxuu arkay niman Ogaadeen ah oo gawaadhi, maal iyo badeeco badan si nabadgalyo ah ugu kala gooshinaya Soomaaliya oo dhan.  Wuxuu xusuustay wixii rag kala qabsan jiray haddii maal dagan mar uun la arko.  Wuxuu kaloo arkay dad badan oo gawaadhidu badeecada ay wado ka faa'iida oo bilaash ku hela adduun kale duwan.  Maalintaana wuxuu mariyey mid ay naga soo gaadhay:  

     

    ·        

    ·         Gaadhiyaal isjiidoo u raran, niman Ogaadeen ah

    ·         Oo iib la'aan loogu furay, maanta waa ugube

    ·         Nin adduun ku noolow maxaa, aragti kuu laaban

    ·        

     

    Gole-ka-fuul: Dadka gabayga qalamadha waxaa ku jira qaar aaminsan in gole-ka-fuulku yahay nooc lagu cabbiro gabayaanimada abwaanka.  Waxay qabaan haddii gabayaagu isagoon ku seexanin oon kusoo toosin uu gabay fiican marin karo isla daqiiqadda laga codsadaba waxay calaamad u tahay in hadduu ka fakaro oo maalmo isku soo duwona uu gabay kaa ka sareeya tirin karo.   

     

    Kuwo sidaa qaba ayuu Cabdi Gorod maalin la qadeeyey.  Kolkii gasiinkii lasoo hordhigay ayey waxay ku gujiyeen Cabdow raashinkan horteena yaala ka gabay haddaad gabayaa hufan tahay.  Halkaa ayuu haddaba gabay ka mariyey.  Gabaygaa waxaa ka mid ahaa: 

     

    ·        

    ·         Fandhaal Cali Cadduur[4] qoray haddaan, lagu fajaasaynin

    ·         Fud malaasan caanaha haddaan, fiiqdu daba joogin

    ·         Siddii awr faruur xidhan haddaan, foorar lagu raagin

    ·         Ma fogaato gaajadu haddaan, feedhu kor u toosin

    ·        

     

    Sida sheekadu nagu soo gaadhay waxaa jirtay colaad u dhaxaysay Cabdi Gorod iyo nin kale oo Carab la odhan jiray.  Waxay dakanadaasi gaadhay heer ay gacanta isa saaraan labadaa nini.  Cabdi Gorod, ninkii arkaa garanee, wuxuu ahaa nin bar yar, Carabna waxaa lagu sheegay nin aad u laxaad balaadhan oo u turuqyo weyn. 

     

    Maalin ayey isku qamaameen oo samo-ka-talis meesha ka dhawaayi kala dhexgalay.  Kolkay foodda inay is galiyaan u suuroobi wayday ayey isu dhaarteen.  Wiilkii aabahay ma ihi haddaan fara kula gafo Carabow ayuu Cabdi Gorod yidhi isagoo bakoorad gilgilaya.  Caraboo indhaha kor u taagaya ayaa maradayda nin kuma jiro haddii aynaan mar kala quusan ku goodiyey.

     

    Waa la kala waday.  Iyagoo sidii isugu malmalcuunsan ayey maalin dambe si kadiso ah meel banaan mudh isku soo dhaheen.  Waa iyagii isu dhaartaye midkood walba ablay ayuu iska jaray.  Carab ayaa galka kala baxay saddex gees qaroofan oo dhudhun la eg.  Cabdi Gorod ayaa golonka laacay oo iska jaray gaaleef aan saa sii ahayn asii ahayd shayga kaliya ee uu markaa ku hubaysnaa. 

     

    Cabdi wuxuu arkay in laxaad ahaanna Carab aad uga feedho weyn yahay, hub ahaana ablayda Carab mid u dhiganta ama u dhow usaan haysan.  Hase yeeshee arintaasi dhiiranaan moyee wax kale uma kordhin oo wuxuu is yidhi haddii Carab foolnugayl kaa dareemo malagaa unbaa halkan ku gali doonaa. 

     

    Cagta ayey dhulka isugu dhufteen.  Cabdi Gorod ayaa lasoo haliilay toorridii yarayd.  Sida la wariyey Carab ayaa hashkadeeyey oo dhinac isu buusay wax iska dhicin badanna aan muujin.  Kolkaa ayuu Cabdi Gorod sidii aar weer kula booday oo dhawr oodood jiidhsiiyey dhinac isu qurquriyey.

     

    Intaasi markay sidaa u dhacday ayuu Cabdi Gorod maalin dambe wuxuu soo gaadhay magaalka, wuxuuna u tagay tumaal caan ku ahaa sancada biraha iyo tumidda tooriyaha.  Gabay ay dadka qaar wariyeen inuu intan ka dheeraa qaarna ay sheegeen in intan uun uu ahaa ayuu saanacii kula hadlay.  Wuxuu yidhi:

     

    • Shalay duhurkii Daahirow markii, Carab isoo doontay

    • Diilintii bannaanayd markuu, dumarku ooyaayey

    • Dabajiir midduu tumay markuu, igula soo duulay

    • Een Daabcaddaydii la baxay, soo degdegi waaye

    • Soofaha ku duug  maandhow waanigii, kuu ducayn jiraye

     

    Allow ha ku mudin.  Soomaalidu waxay caan ku tahay naanaysta ay ragga u bixiso.  Afar nin oo Soomaali ahi hadday isu timaado waxaa la arkaa saddex ka mid ah in loogu yeedho naanayso kaba caansan magacii waalidkood u bixiyey.  Naanaysahaasi waxay u badan yihiin kuwo xifaalo ah oo aan wanaag badan huwanayn.  Madaxey, Laangadhe, Dhidar, Timo Caws, Miriq, Low-Dhaako ayaa rag dhawr ah oo aan aqaano naanaysi ugu baxday. 

     

    Dumarka Soomaalidu ma naanaysto ee magacyo koolkoolin iyo amaan u badan ayey u bixiyaan haddiiba ay kala maarmi waayaan mid kale oo koodii saxda ahaa lagu ladho.  Cabdi Gorod wuxuu sebeno badan ku dhaqnaa degaanka Yucub ee Doollo oo wuxuu inan-la-yaal u ahaa niman ilma Caafi Dharag-xume la odhan jiray oo isla Reer Yucubkaa ah. 

     

    Intii uu degaankaa ku nolaa ayuu la darsay qoysas kala duwan oo Reer Yucub ah, wuxuuna aad ula yaabay magacyada naanaysta ah ee midkood walba goonida u leeyahay.  Kolkaa ayuu dhawr ka mid ah gabay mariyey.  Waxaa ka mid ahaa: 

     

    ·         Jurijuri Jaamaale iyo Jagac, miyaan jabo la meegaartay[6]

    ·         Jinni xaarka saydhiyo miyaan, Wade-xun jeesaynay[7]

     

    Intaa aan Cabdi Gorod ka waramay iyo in kale oo badanba inuu ahaa waxaad ka garan kartaa meerisyadan hoose ee naga soo gaadhay gabay kuwa gabayadiisa loogu jecelyahay ka mid ah.  Wuxuu yidhi:

     

    ·         Qamaan iyo Ismaacill Miriyo, Qawdhan iyo Saahid

    ·         Qudhii Maxamed qawlkii Salaan, qodobyadii Raage

    ·         Qarnigii horeetaan ka hadhay, qoonkii gabaygiiye

    ·         Qabri baanan gaadhine adduun, qaatay calafkay e

     

    ·         Qorraxdii gudeysaan qabsaday, Qaahiraan tagaye

    ·         Qalin iyo waraaq baan sitoo, qaaradaan maraye

    ·         Wax i qaaday mooyee cirkaan, qadaw ka laacaaye

     

    ·         Qudha Adari quruxdii Jigjiga, Qaali iyo Faafan

    ·         Qawyaha Nogbeed iyo Wardheer, qaalinimadeeda

    ·         Qabridaharre iyo Dhoobo-weyn, qadadii noo tiilley

    ·         Qoorriga Suweys kama xumayn, qoodhay xeradeeye

     

    ·         Lagase qaaday qoonkii lahaa, taniyo Qaabiile

    ·         Ogaadeenkan qaxay jeer damboo, qaybta laga daayo

    ·         Oo qoriga laysla hor fadhiyo, qolo ku faa’iiddo

    ·         Qarxin mahayo gabaygaan hayee, hayska qamardaado  

    Allow kuu naxariiso muxuu waa baryey gabay boqol lagala bax ah tiriyey.  Adigu maxaad ka haysaa gabayadii Cabdi Gorod?


    [1] Cabdi Sheekh Biixi. Ogaadeen, Makaahiil, Abraahiin. Aqoonyahan waliba gabayaa ahaa oo ay Macallin Dhoodaan saaxiib ahaayeen.

    [2] Suldaan Maxamuud Haybe. Talyaaniga ayaa xidhay ismaandhaaf gobonimodoonka Ogaadeen iyo gumaysigii Talyaaniga dhexmaray ka dib.  Dadka qaar waxay qabaan in Roma xabsi ku yaala la geeyey qaarna waxay aaminsan yihiin in Xamar aan la dhaafinin

    [3] Khalaf Xirsi, Xaaji Cali Xirsi, Yuusuf Xirsi oo saddexdooduba Ilma Dalal, Magan, Warfaa, Cabdille, Ogaadeen ah ayaa Bah Bartire isku ah

    [4] Cali Cadduur: Wuxuu ahaa saanac ama farsamo yaqaan geedo-qoridda caan ku ahaa.  Cabdi Gorod seedigiina wuu ahaa oo waxaa gabayaaga u dhaxday Cambaro Cadduur

    [6] Jurijuri: Axmed Garaad Jurijuri. Jaamaale: Xasan Cabdille Jaamaale. Jagac: Reer Ismaaciil Jagac. Waa dhawr qoys oo Ogaadeen, Makaahiil, Gacan Weyne ah

    [7] Xaar-saydh: Dubbad Xaar-saydh. Wade-xun: Jaamac Wade-xun. Waa laba qoys oo Ogaadeen, Makaahiil, Gacan Weyne ah

     

     
     
     
     
     
     
     
     

    Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

    Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.