Home

Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)

                                                    Darin iyo go’ wadato

Daacad
Kaamil
Dal Maasheeye
Riwaayadaha Singub
Haatanba Ogaada
More to come...
 

 

 

The largest online collection of Somali poetry

 

  • Hadba dunida yaab kale,         Ha udiir xadhaadhine

  • Afka duub kolkaan idhi,          Damiirkayga garashiyo

  • Jidh dubaaxintaydaa,                Dayn wayday hadalkee
  • Dagaalada kasoo hadhe,           Ha akhriyo diwaankee
  • Caawana balaan dago,               Digo rogashadaydii
  • Doqon baa halaaboo,                 Doon doonistiisii
  • Markii day-day lagu helay,      Hadal kama damani yidhi
  • Barraan duurka galayaa
  • Lo’da kii dareershee,                 Docada ceelka ugu horay
  • Aseen fulinta ugu darin,           Dugaaguu uloogaa
  • Duulbaa sheekh habaaroo,       Laydin doori buu yidhi
  • Iyana way kadiireen,                 Ducana waabay noqotaa
  • Hadalada badh waa dadan,      Qaarra wayska daalacan,
  • Diin bay niman yidhaahdeen,  Gudcur roobku uu di’
  • Orodoo dab noo keen,               Dadku siday u sugayeen
  • Yuu dilaacay waagii
  • Ee dadkan aan caddaaladi,       Daaqsin geel u soo marin
  • Duugii kasoo hadhay,               Ma dabkay ku shubayaan
  • Kud kadagoo qanjo u durug,   Darin iyo go’ wadatadan
  • Jeerigaan dawarisadan,             Teendhada ku doodadan
  • Waaba looga sii daray
  • Dalkan aynu leenahay,              Diraac iyo jiilaalkeed
  • Sodan gu’ iyo doogaad,             Duhur galay dharaar qudha
  • Xisaabihii la daabacay,              Daalacan tanaa dheer
  • S’adan la’isku wada dagay,       Ee magac duleedka ah
  • Nin waliba dadkiisiyo,              Duul qabiil ah soo tubay
  • Kuli daar bur-buriyahan,          Dabaylaha fadhiistoo
  • Dibadaha usoo baxa,                  Looga dhigayo darajada
  • Waxay dood wadaagaan,         Kii dilay ninkii yidhi
  • Waan ladnahaye iga daa
  • Dawladahan horuu maray,      Warshadahan danbiiluhu
  • Reeray dab galiyeen,                 Dagaal ay ka oogeen
  • Oy is dila yidhaahdeen,            Kolka dagalku baro kacee
  • Daaduumo caydhii,                   Warkan ay dal-dalayaan
  • Daawiyo cuntaba keen,             Wuxuu uga dan leeyahay
  • Baalaley dab loo shiday,           Kolka roobku uu da’o
  • Nuur bay dareentaa,                  Kudawow tidhaahdaa
  • Dabadee ku gubataa
  • Kud kadagoo qanjo u durug,   Darin iyo go’ wadatadan
  • Jeerigaan dawarisadan,              Teendhada ku doodadan
  • Waaba looga sii daray
  • Guuguulahan damaaciyey,      Waayahan daroorimay
  • Ama degel-qandoodsaday,      Wuxuu daarran yahay yaab
  • Juuq galawgan daystee,             Danbarsaday belaayada
  • Ama labada fiiddamo,               Duulaanka ka hor kacay
  • Ma saadaal danbaysaa?             Mise waa dareen tagay?
  • Dugsi waa bakayluhu,               Daad baa usoo galay
  • Yuclulkii ku sii durug,              Dugaaguna wuxuu yidhi
  • Dabkii xalayto aan shiday,        Doobkii dhaxanta kama bi’in
  • Doobir buu ka baaqsaday
  • Nin i dilay i daawee,                   Nin i dagay i daadihi
  • Daa’uus baa wuxuu yidhi,         Quruxda aan is daawado
  • Nabar aan dawo lahayn,             Waa wixii I daashaday
  • Ee la’iigu dawgalay
  • Daan yeerbaa wuxuu yidhi,       Dadkan wada xun yaa dhalay?
  • Kud kadagoo qanjo u durug,    Darin iyo go’ wadatadan
  • Jeerigaan dawarisadan,               Teendhada ku doodadan
  • Waaba looga sii daray
  • Askarigii dirayskuun,                 Docda kala  usoo rogay
  • Ee jamhad loogu magac daray, Siyaasadday dumaayeen
  • Dadka ay u sheegeen,                 Ma guryahaaga dumi baa?
  • Ma doolaalo baro baa?                Ma daaduumi caydhaa?
  • Dulli iyo dhibaatadase,              Ma ku dabar go’nowbaa?
  • Dadkan leeya raaca ah,               Doolaaladoodii
  • Doonyuhu guraayaan,                Baduhu ay la dagayaan
  • Ee dawlad xumidii,                     Male loogu sii daray
  • Kud kadagoo qanjo u durug,    Darin iyo go’ wadatadan
  • Jeerigaan dawarisadan                Teendhada ku doodadan
  • Waaba looga sii daray
  • Ubadkaan dabkuu shiday,         Een lixdankii dugsi u helay
  • Danyartaan abaabulay,               Tacabkeedi laga dumi
  • Sida adhiga doonka ah,              Ama waylo diririqay
  • Ama doon dhukaan helay,         Ama gari duqooboo
  • Degal maray abaareed,               Soowkan daanku dheeryahay
  • Dunida ceebta taalliyo,               Dembigii islaamkaa
  • Irbaddeedi lagu duray,               Kolkay dihatay fooshii
  • Dambarkeedu waa dhiig
  • Kud kadagoo qanjo u durug,   Darin iyo go’ wadatadan
  • Jeerigaan dawarisadan,              Teendhada ku doodadan
  • Waaba looga sii daray
  • Maxaa gabadh daruur u eg,      Laga jaray dawaarkii
  • Maxaa sodoh dednaydoo,         Dadka qaar la xidid yahay
  • Laga diiray maradii,                   Maxaa weliyo daahiray
  • Loo dilay ayaad tahay,              Maxaa oday duqooboo
  • Dalka qiimo ku lahaa,               Duunyadiisii laga dhacay
  • Dumar iyo caruur iyo,               Duqay iyo dhallaan iyo
  • Boqor duub leh iyo oday,         Boqolkii badhbaa dagay
  • Uu diiradluhu cunay,                Dilaa iyo ma-naxe iyo
  • Daallin iyo iblays iyo,                Jirri iyo dugaag iyo
  • Dadqal maataddooxiyo,            Dan-gaarlaa ku soo hadhay
  • Kud kadagoo qanjo u durug,   Darin iyo go’ wadatadan
  • Jeerigaan dawarisadan,             Teendhada ku doodadan
  • Waaba looga sii daray
  • Waageeray diidane,                   Madulqaadan cansane
  • Mar la’aragu deel-qaaf,              Diga rogay xidaarigu
  • Ma aqaano doonniye,                 Dul-baxriin wuxuu yidhi
  • Xiddigaha dushaadiyo,             Kala baro dabaylaha
  • Yaan dariiqu kaa lumin,            Sheekee la dagihii
  • Dulmiqabena hiinraag,              Qooraansi daba socay
  • Dux ma helin dhadhamaraac,   Damac yuurur baadilay
  • Doonyaysay sugihii,                   Dawdhaafe wuu qaday
  • Gacal wayday doqontii,             Laga daaday leexada
  • Dorraad waayihii yiil,                Maantay ka daran tahay
  • Sugra waxay ladaris tahay,       Madhantiyo dagaarida
  • Diilin habari- jiideed,                 Lo’da dow habawgii
  • Daymo- xumay xidhiidheen,    Toddobku uma daacine
  • Lix-kor buu dib ugu dhacay
  • Kud kadagoo qanjo u durug,  Darin iyo go’ wadatadan
  • Jeerigaan dawarisadan,             Teendhada ku doodadan
  • Waaba looga sii daray
  • Ninba degel yar waageer,         Duddo qaybti laga guur
  • Waxay daaqday ciinkii,             Sharafteedu waa duug
  • Laga diid aqoonsiga,                 Dacar baa laraamsaday
  • Deemaaq baa lacalashaday,      Danbas bay haraatiday
  • Caana daata dabadood,             Nin qabtaa ma daaficin
  • Kud kadagoo qanjo u durug,   Darin iyo go’ wadatadan
  • Jeerigaan dawarisadan,             Teendhada ku doodadan
  • Waaba looga sii daray
  • Haddiise dirirka ururkiyo,       Dayaxoo nagaadiya
  • Naylajaliye daba maray,           Ogoluhu dabayl raac
  • Mannagaan dariiqii,                   Afyuub dawga muu helin
  • Cadaaduhu dantood jire,          Cirjiidhana il bow daban
  • Soo durug mariikhii,                 Nin-lagayaa dul joogsaday
  • Allahayow ducay keen,             Ha ladooddo qaybshe e
  • Waxaase iiga sii daran,             Madalooliyaashaa
  • Madareemayaashii,                   Lagu muday daroogada
  • Weli daafacaayaa,                      Allow dagalkan bara kacay
  • Dabayl caafimaad sii,                 Allahayow dul badanow
  • Deeqdaada noo badi,                 Allow kibirka doqonimo
  • Danbi dhaafid naga sii,             Allow way dur-durisee
  • Aanay dalag ka kala jabin.

Waxaa ku deeqay Xadiis Axmed Caabi.  Mahadsanid saaxiib.

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub|

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.