Home

Singub

                                                 Haatanba Ogaada                                              

 

 

 

The largest online collection of Somali poetry

 

  • Habluhu waagii hore waa tii, ay hadal yaraayeene
  • Wa kii lagu hawoon jirey intii, hadhac la ootaaye
  • Waayagii harraadkiyo dhibtiyo, hawsha kululaaye
 
  • Maantana dad wada hoodhay, oo hoogay baa jire
  • Intay gacanta kuu haadiyaan, yey ku hodayaane
  • Bal inuu hanaankii lumay oo, la is-halaagaayo
  • Oo aan wixii hore lahayn, haatanba ogaada
 
  • Hantideenu maalkay ahayd, oo la hayn jireye
  • Hadhuub caana ah iyo waa tii, aad hilib cunayseene
  • Maantana hudheellaa jiroo, lagu hagaagaaye
  • Shaah dibinta kaa hoolayaa, hiirtii loo kiciye
  • Bal inaan wixii hore lahayn, haatanba ogaada
 
  • Hangoolka iyo gudintaa ahaa, heensihii wacane
  • Maantana wax sida haad lala, oo haw leh baa jire
  • Hubka saanada aadiyo bambaa, laysku huriyaaye
  •  
  • Haydala iniinkiyo midfaca, la is haleelsiine
  • Sabmariin badaha hoos mariyo, heegan baa kace
  • Balaan inaan wixii hore lahayn, haatan ba ogaada.
  •  
  • ................

Tix Raac: Far-Guri:  Qore: Xuseen Cabdi Xalane

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.