Home

Maxamuud Cabdi Kaadheeri

 
Goondhabe
Lillaahi iyo Ladqabo
Ha ku Dubato
Dhabayac Law Kuusan
Balwad Dhabayaco
Ku Luqluqo
Bilbil iyo Banbaano
Kudkii Bari
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Maxamuud Cabdi oo dadka badankiisu u yaqaano Kaadheeri waa abwaan ku caan baxay abuurista iyo xaladaynta maansada Soomaliyeed.  Dhamaan daafaha iyo dacallada Soomaliyeed  waa uu gaadhay magaca abwaanku waxaanna laga heli karaa maansadiisa dhamaan goobaha uruuriya amaba iibiya Suugaanta Soomaliyeed.  Wuxuu abwaanku bilaabay tirinta maansada isaga oo ah wiil yar oo kuray ah, ilaa iyo maantana waa uu tiriyaa oo uu hadba soo saara gabayo taxan oo ka hadlaya waayaha Soomalidu ku jirto.

Wuxuu Maxamuud ka gabyaa dhamaan dhinacyadda nolosha oo dhan, hadday tahay nabad raadis iyo dib u heshiinta Soomaliyeed, hadday tahay guubaabo iyo garab gal uu taageerayo qof uu markaa isagu u arko in la dulmayo, haddii ay tahay aarsi iyo qof kusoo gardarooday oo uu kaga aargoosto gabayga, haddii ay tahay halxidhaale iyo jimo tuurad maanso, iyo dhinac kasta oo maskaxda qofka insaanka ah ku soo dhici kara.

Waxaad boggan ka akhrin doontaa suugaan badan oo kale duwan oo abwaanku curiyey xilliyo kala dambeeyay.  Waxaan ugu horraysiinaynaa illaa sideed gabay oo kala ah Goondhabe, Lillaahi iyo Ladqabo, iyo lix gabay oo kale oo isku xidhan oo uu abwaanku tiriyey 1995/6 kii oo kala ah Balwad Dhabayaco, Ku Luqluqo Xumaatda, Haku Dubato, Kudkii Bari, Dhabayac Low Kuusan, iyo Bilbil iyo Banbaano.  Lixdan gabayba abwaanku wuxuu ugu jawaabayaa nin magaciisa la yidhaahdo Xirsi Dheere oo Majeerteen ah hadda ka horna gabayyo u soo tiriyey Maxamuud, Ogaadeen,  iyo qoyska uu ka dhashayba.

Xirsi Dheere gabayadiisii waxba kama hayno hadda, haddii aad aragto nala soo socodsii fadlan.   

Haddaba raac ishaarada ku tusaysa hadba gabayga aad xiisaynayso.  Siddaa iyo akhris wanaagsan.

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.