Home

Lillaahi iyo Ladqabo (1992)

                                                 Maxamuud Cabdi Kaadheeri

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  • Adduunyaddan liqaanliqu go ee, ligantay taariikhdu
  • Adduunyaddan lugaha taagtay ee, madaxii laalaado
  • Adduunyaddan liciiftay ee, liito arageedu
  • Adduunyaddan likaacada dhashee, luluga daacaysa
  • Adduunyaddan lafaha qaawan iyo, noqotay looxaanta
  • Adduunyaddan luddii madhatay iyo, lulatadii jiidhku
  • Adduunyaddan uu laydhkeedu damay ee, laanbaddii gubatay
  • Adduunyaddan labeentay lahayd, lagu heshiin waayey
  • Lahel iyo lawaa baa ahayd oo, lasoo maray e
  • Liite iyo nin ladan baa jiroo, laguna noolaaye
  • Labadiiba waayahan lagdee, luunka qabadsiiyey
  • Inay libidhay buu sheegay oo, laaxinkii hadhay e
  • Nin la seejin toobada Allaa, lagu lunshaa saane
  • Lurka oogmay leexada kacdiyo, laxawga meeraaya
  • Lalabahan uu aadmigu shidiyo, loolanka istaagay
  • Luulaanyo weeyaan murtida, laga yidhaahdaaye
  • In kastooy abwaaniin luxdan oo, laashin ihi joogto
  • Ninba qoriguu liishaan yaqaan, wuu la helayaaye
  • Lixlahayga maan qaato oon, liifadda u gaabsho
  • Maan laado kubaddaan la dhigay, laynka dhinacayga
  • Oon laabta kala eegto oon, shabbaqa leefsiiyo
  •  
  • Lillahidii laqdabo aamintiyo, waliba laakiinta
  • Oo yidhi labaan nahay Ilaah, laab kawada beeray
  • Oo yidhi lahaanshaha adduun waxaan, labeen haysto
  • Lix jir gool ah, laalays irmaan, qaalmo wada laacay
  • Lo'da xay cadkeedii sinmiyo, kuman lag oo adhi ah
  • War intaasood dhay iyo lis ka heli, ama laguu loogi
  • Mood lacag ah, looliyo nimco ah, laago malaboobay
  • Qunbahayga ligligaa hayee, wada labeelaysan
  • Oo aan lagaa xigin cun oo, laydha ku cawaysin
  • Laab jileec daraadii nimaad, laxowsigii raacday
  • Nimaad lahashadii aamintood, siisay lihigaaga
  • Oo leebka kula gaadayiyo, lugunka baaruudda
  • Oo luxudka kuu qodahayoo, kuu lid ah baa jirra e
  • Qalbigii Lilaahida qabee huray labeentiisa
  • Ma labbooday laantii sirtee, loo sabaansabayey
  • Luulaanyo ma ku ciirtay iyo, lama iloobaanba
  • Laqdabana markuu naaxay ee, labacu weynaaday
  • Oo laba jirkiisii u koray laqan ah oo haaneeday
  • Labo shawr ka kula saa'ida iyo, liite maqal uun ah
  • Intuu lambarro baadi ahna yidhi, igu lammaanaada
  • Ma isbiday laxaad iyo awood, in aan la gaadhaynin
  • Mana yidhi anaa leader ah oo, laga dambayn tayda
  • Mana yidhi lagtaan iyo hundaha, lihi anaa sheegtay
  • Mana yidhi Lillaahida anaa, laaday taladiisa
  • Mana yidhi laftuu sheegan iyo, laaya magaciisa
  • Mana yidhi badhbaa laga helaa, lagu sabaa maale
  • Laaluush anaa bixinaya iyo,  lacago waaweyne
  • Laxaadkooda qaar soo saboo,  liiska soo galiya
  • Lillaahina warmoog buu ahaa, jeer lasoo galay e
  • Lagu kaddi lix saac maalintii, weerar loo dumaye
  • Lagdintii khayaanada ahayd, laga hel goolkiiye
  • Maalintaa la'dda yaa maali jirray, lagu guraabaasay
  • Rag aan labbalafood moodayey oo, leexday baa jirra e
  • Liid madoobe ******* oon lahaa, laacib adag weeye
  • Show waa laba jir raad weyn leh oon, garsho loo uumin
  • Labadiblaha ninkii shalay u xidhayee, laayey maxastiisa
  • Maantana lugaha goyn rabbuu, laanbadda u shidaye
  • Lagaroone ******* sow ma noqon, laaskii gudhay dhowre
  • ******* sow lugooyada tolkii, leebo uma qaadan
  • Sow loobac ******* muusa noqon, lumiyey taariikhda
  • Kulli soow laf aan feen lahayn, looma galin ruumad
  • Lexojeclo ka haysiyo bal daa, lihi ay sheegtaane
  • Jubbaland inay leexiyaan, soow umay lahanin
  • Liqdin bay tolkood dhaafsadeen, saxan ay leefaane
  • U lug qabasho goortay galeen, laynkii uga boodye
  • Lillaahidii Lillaahi buu u tagay, kala lumeen jeer e
  • Siddii labo mataanno ah oo in badan, laab ku kala raagay
  • Markii laysku soo baxay ayaa, laysku bayraqaye
  • La is aamin, axdi la isu dhigay, tallana loo laabay
  • La is yidhi iyadoo laalantaa, loo baxshaa hilin e
  • Lugaheenan dhooqada ku jirra, kee la bixin maanta?
  • War marka horre kan leemaarsan, ee laga shidaal qaato
  • Wixii lumay wixii luxudka tagay, badi suntaa laysay
  • Laxda xoonka meeshaan lagalay ee, micida leegaystay
  • Isagoon la qaban ama aan likaha, xididka loo siibin
  • Waxba laanta bidix ha u kicina, laadku waa midigta
  • Labadii Lillaahi ee is helay, kaartadii libinta
  • Ku liglige laxaadkii xarbiga, laarmiga u tuure
  • Durba laace meeshii laxdiyo, xoonku ay lulatay
  • Lugna kaga bax liigii in baddan, dhariga laaqaayey
  • Lowlow orodka leexada bustii, woow labeen subage
  • Lagtuu jiidhay looliduu dardaray laamihii xananka
  • Laankiyo haraadkaa uga daran, laabta kala jeexay
  • Laajinimana uun kale ka bari, magan la siiyaa dheh
  •  
  • Afartaasi guul lagu hantiyey, laadkii midigta ah dheh
  • Luugaanyo midhaheedii iyo, lugan xasuusteed dheh
  • Hayeeshee Lillaahidii u noqoy, laamihii kale dheh
  • Usoo laabay looyaan dagaal, laylo gobo'lay dheh
  • Siddii laqan maroodi oo cartamay, labakaclayn weyn leh
  • Oo siddii libaax boodayoo, loo birdhigi waayey
  • La dul yimid laqdabo oo fadhiya, laaskii wuu mamay e
  • Lufad ururtay baan haysan karin, maal rag lee yahaye
  • Sawaariikh lalaysa iyo gantaal, leefi holiciisu
  • Liishaanka moow ciiriyeen, leexin bidix toos ah
  • Lafta dhabarka lowgiyo margiga, lugo ma googooyey
  • Ma lahelay lagdini waa sahal ee, mid uu la daaduunsho
  • Laxowgiyo xanuunkii ma yidhi, leefa mudankiina
  • Oo liigaanyadaad madhaxsateen, liqa abaalkiina
  •  
  • Isagoon lihiin adag u dhalan, loolan dirireedka
  • Ninkii yidhi anaa leader ah oo, laga danbayn tayda
  • Ninkii yidhi lagtaan iyo hundaha, lihi anaa sheegtay
  • Ninkii yidhi lillaahidii anaa, laaday taladiisa
  • Markii lays xiniin taabtay buu, liicayeey yidhiye
  • Leeda orodka waa lagu yaqaan, booda lalankeede
  • Naftu luuqyaday marisay baan, wali la yaabnaaye
  • Isagoo laleemoobay oo, lugaha jiidaaya
  • Isagoo liciifnimo darteed, liito dhabankiisu
  • Isagooy labada kood mudhxeen, labiyaduu jiidhay
  • Hadba kayn wixii laga baxshoo, lugu sigaa meelba
  • Leeleelka luufuuf ku gudub laynka seeraha e
  • Nimaan libiqsanayn baa iwaduu, Laamo ka lahaaye
  • Aabihii halkii laajinimo looga qoray gaadhye
  •  
  • Afartaas Lillaahidii halgamay, libintay gaadheen dheh
  • Luulaanyo midhaheediyo, lugan xasuuseed dheh
  • Laqdabana abaalkuu liqiyo, lumintinkiisii dheh
  • Afar kalana lunbaaxda aan u shidoon, luuqda u adkeeyo
  • Oo aan lixlaydana irmaan, laalan korre raacsho
  •  
  • Nimanyahoow laftii dhuungasha ee, liganta waa jaan e
  • Loxogoroyo waa cudur haddana, laasin waa durray e
  • Laa xawla naar lugu gubtaa, laga ducaystaaye
  • Inkastoon likihii tuurnay oon, laadnay kabihiisa
  • Inkastooy midnimo laacday oos, muuqdo labaceedu
  • Inkastooy labeen qurux leh iyo, laydhu udug keentay
  • Wali laasku wuu calowsan yahay, laga cabaayaaye
  • Leexbaa biyaha saaran oo, lulumo waa buuxe 
  • Lo'da caanaheedii listiyo, dhayda lagu keenay
  • Haddaan liinta nimankaa ku riddi, weelka laga gaadhin
  • Labku beesha kama suulayee, talo haloo laabto
  • Maansadii Lillaahi iyo Ladqabo een, furay ligaageeda
  • Luulaanyo waa iga intaa, laashinimadayda
  • La wareeg Gandaaloow adaa, limi yaqaan gabay e
  • Lurna kuguma haysoo abwaan, waana la hubaaye
  • Badda laabta kuu jiifta baad, laba albaab furiye
  • Lixkor da'ay siddiisii khalqigu, ha u ladaabteene
  • U shid laydhka laafyaha rid oo. lulo Makaytooy dheh

(*******) Waa magacyo rag siyaasiin ah oo uu abwaanku saluugsanaa siddii ay u howl galayeen xilligaa uu gabayga tiriyey.  Waxaan door bidnay in aanaan magacyadooda ku qorin halkan.  Raali ka ahoow wixii fahamxumo ah ee ka dhasha magacyadaa maqan.  Haddii aad si gaar ah u xiisaynayso magacyada siyaasiyiintaa email iisoo dir.  Mahadsanid.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.