Home

Dhabayac Low Kuusan IV

                                                 Maxamuud Cabdi Kaadheeri

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Gabaygii ugu dambeeyay ee jawaabtii uu abwaanku u celiyey Xirsi Dheere.  Wuxuu yidhi:

  • Adduunyada ninkaan dhimanin, ee dhaaxa lagu daayo
  • Waagii soo dhalaalaba wax buu, dhab u bilkaydaaye
  • Dhacdo ugub ah waakii arkiyo, dhabano hayskeed e
  • Aadamiga dhulkaan loo goglee, dhooban guradiisa
  • Dahab dhiifsan kii loo dhigee, dharafta loo buuxsho
  • Dhaadanaanta kuma joogo iyo, dharagguu haystaaye
  • Dhitadaa u been sheegta iyo, dhiilka xoorta lehe
  • Isma dhaho dhigaa baa ku celin, kaana dhoor lullane
  • Dhasalaalaq buu ula tagaa, wiil ka dhumuc weyn e
  • Dhangad bullad leh baa lala dhacaa, dhamas xanuun weyne
  •  
  • Dharaarahana taan aragnay, waa dhigantideediiye
  • Dhankoodaba anoon eegin oon, dhuganin jaahooda 
  • Dhanbaal cay ah dhoodho af xumo, dhur iyo waaqay ah
  • Lagu dhahay dhaleecaa ku taal, dhaadashana raacdo
  • Kuwa maanta soo dhiibay ee, ugala soo dhiirtay
  • Waa dhalaankii hooyadii dhashiyo, aabo dheel baraye
  •  
  • Dhurdihii shinnidda dhaaf is yidhi, malab dhitayntiisa
  • Oo dhigaalka kaydkii uu dhuray, dhuub ka badan waayey
  • Wax ka dhigan dhankii loo dayaba, dhimir xumaantooda
  • Kuwa gabayga soo dhiibay ee, dhumucda xoogayga
  • Dhudhumada lammaan igu xantiyo, cududa lay dhaliyey
  • Qof dhamays ihi xubin dhuuban ma leh, dhicisna maa ihiye
  • Kolse haddii dhabihii maansadee, dhacanta aan saaray
  • Laga rogay dhadhaabtaan ku xidhay, furantay dheeshiiye
  • Ninka hadalka soo dhoofiyoow, gabaygaad soo dhiibtay
  • Dhita subag ah, dhayliyo karuur, dhuuni ugu fiican
  • Ama xabag dhunkaal iyo marriid, dhooban oo halis ah
  • Labadaa midkuu ku dhalaad, dhabaqsan doontaaye
  • Dhaxalkii jawaabtaada hoo, dhaqayadood maasho
  •  
  • War dheegga Aadan waxa loo dhanbalay, oo dhadigga loo uumay
  • Ha dhaleen dad weeyiyo inaa, lagu dhuroobaaye
  • Dhaabaddaa haddaan loo askumin, dumar dhamaantiiba
  • Dhalfo dararsan oo lala dhacoo, dhumuc leh mooyaane
  • Dhuuni kale af aan looba qorrin, laguma dhaabeen e
  • Dhuuntiisa shay kale ma marro, uu dhadhamiyaaye
  • Haddii aan u dhiibnana ileen, waa wax loo dhigaye
  •  
  • Waxse dhaygag aadmiga ku riday, taad ku dhaqantaane
  • Haddaad idinku dhabarka u goddaan, dhigasho xaalkeeda
  • Dhawaaquna masayr kaa yahood, dhalfada weyn dooni
  • Dhankaa kama naqaanee ugee, kii kubaray dheesha
  • Dhiidhiibso isagaa ku odhan, kuguna dhaantayn e
  • Dhadig iyo labood baa tihiin, wax u dhexeeyaaye
  • Dhalfadii daboolnayd markuu, kuu dhilqiyo gaalku
  • Adoo dheehu kaa duulay baad, dhiirin socotaaye
  • Hayeeshee wax dhacay baa jirrooy, dhibi ka joogtaaye
  • Umad dhacantay baa muuqata oon, dhurra u laabnayne
  • Haddaad idinku wada dhuuqsateen naago dhex- xidhkoodii
  • Dhabahoodii idinkaa maroo, dhaclihii qaba e
  • Dhadiggiinu dhinacay u kici, waabad dhaxasheene?
  •  
  • Afartaa dhakada moowga riday, dhabayac low kuusan?
  • Dhamac kulul qalbiga ma uga rogay, dhuxulo naaroobay?
  • Dharbaaxooyinkaygaan aqiin, dhaaw! makaga siiyey?
  • Hadda micida kuma dhuujin oo, waan ka dhimayaaye
  • Dhawaaq kale markay soo ceshaan, taan ku dhigi doono
  • Dhabanada haddii ayna qaban, dhagaxyadaan saarro    
  • Allay lehe dhiggood baan ahay, iyo Dhabayac low kuusan  
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.