Home

Kudkii Bari

                                                 Maxamuud Cabdi Kaadheeri

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  • Kasmo gabay abwaanada ka tirin, koonkan gudihiisa
  • Markii ay u wada kaalmadaan, kaatun xidhidiisa
  • Nin waliba karaankiisu togan, kiilka maansada e
  • Aniguna mid aan soo kilkilo, amase koolkoolsho
  • Ka'da mudan ku naaloonshaheed, karadhii suugaanta
  • Indhawaydba kooraha naxwada, uma kal-xaadhnayne
  • Ma kashbicinin waayadan murtida, kaamilnimadeed e
  • Ma karoosin kayd soo ma furin, kooba waayaha e
  • Kuligeedba waataan banadday, kabanadeediiye
  • Hadba anoo kitaabkeeda dhigay, yaa laygu kiciyaaye
  • Markaasaan karkaarkiyo ridada, kaalintoow galiye
  • Oo aan kamiin iyo durduur, wada kafaysiin e
  • Maantana kanaalkeedaan furi, kaahna woow shidiyee
  •  
  • Korantaddii aan damiyaan haddeer, kicin matoorkiiye
  • Karaar qaadashada waan ku dumin, kadab aluubnayde
  • Kabuubyadda fartaydaan ku mudi, meesha kaaramiye
  • Kasoobaxa waan koobaabayaa, keenay boogaha e
  • Kugta maasha soo kuusan baan, gubid ku naafayne
  • Kaneecadu dadkay hayso baan, Kadi ku daawayne
  • Ka hortagna badhbaan siinayaa, ka adag duumada e
  •  
  • Kaska leexday maankaa kadmay ee, kabali waydaarshay
  • Kabog iyo madheedh baan cabsiin, koob uneexo ahe
  • Kordhis iyo kariir baan u qoyn, kayn galiilo ahe
  • Kun dawaale baan ugu dhaxdari, wayna kaafiyiye
  • Kulan lagu midoobay ka dhalan, kaashi nololeed e
  • Kal u oomanaayoo heloo, kabaya dhuuxooda
  • Kurdiska iyo kama-naaska ay, Kaankaradu hayso
  • Ee kula dhexjira baan u karin, Kabatir beerkeed e
  • Ha yeeshee dadbaan keeno sudhi, koorna (court) soo tubiye
  •  
  • Korkoodaan ku miisaamayaa, kiilo xoog badan e
  • Koor lagu gartana waa u xidhi, oo ka kolo' layne
  • Kunbuyuutar xaaqaan rakibi, kooxda caabuqa e
  •  
  • Afartaa kanoonigaan caliqay, keebka ma tuujay
  • Ma la helay kudkaan shiishayiyo, kabanadiisiiba
  • Kudunbuurta yoolkaan ku waday, sow ma kala goynin
  • Kase gudub ujeedada ku hirro, kala hadh weeyaane
  •  
  • Kana sheeg kalaamkii run ahbaa, been ka qirro waeyne
  • Kuftinloow kuraantoo baf tidhi, waad ka kacaysaaye
  • Kub is dhaaf ah bowdadii ku jaban, way ku kabantaaye
  • Kurbo noqotay qowmiyad kurteed, kayl u tiimbadaye
  • Hayeeshee kaloorahan dhacaan, sheegi kii wadaye
  •  
  • Cirka oo kalkii hooray oo, karadha soo daayey
  • Raxmad Eebaheey keenay oon, kala go'ayn waayo
  • Kalay buuxa dhiijaamo  kidh ah, rahu ka dhaaleeyey
  • Kaymaha caleemoobay iyo, doogga kala seexday
  • Umad nabad ku daaqdoo xornimo, ugu kifaaxaysa
  • Oo aan kadeed iyo dhib qabin, kala irdhaysiiya
  • Oon diin ku kala leexan oo, yahay kitaabkoodu
  • Kalaamkii Ilaahay ku yidhi, koonka anigaa leh
  • Kol qudha' wixii kala furfuray ee, kooxba dhan u caydhshay
  •  
  • Waabay kankoontiyi wixii, kiciyay duufaanta
  • Markii aan u kuur galay in badan, kadiso waa yaab e
  • Diiwaanka kaydiya dhacdada, kala rogoon baadhay
  • Kudkii Bari ka yimid baa kulkiyo, keenay aafada e
  •  
  • Kadha qoriga keeb lagu rogmado, kalafta yeedhaysa
  • Kumanyaal kurkii lagaga jaray, kuman laxaad beelay
  • Kumanyaal agoontoobay oon, korin itaalkoodu
  • Kumanyaal waxay kayd dhigteen, kolonyo waysaaqday
  • Kala lumidda kuman aan lahayn, kab iyo raad toona
  • Soomaalida kadeedkaa ku dhacay, kala jabkaa gaadhay
  • Kudkii Bari ka yimid baa kulkiyo, keenay aafada
  •  
  • Bal inay karaahadu yihiin, koron iblays fuulo
  • Waa niman kobtii ay tagaan, nabad ka duuf tahaye
  • Waa niman ku xaasid ah khalqiga, kii lanool abide
  • Waa niman kitaab been ah marra, kun iyo kow jeer e
  • Waa niman kadaabnimada helay, koobkii loo dhigaye
  • Waa niman kobtuu kheyrku yaal, ka anfariiraaye
  • Kurtun weeye suul kaawiyiyo, nacab ku hoos yaal e
  • Kabbiinada gumaysiga waqood, kama fogaadaan e
  •  
  • Kolse hadduu kabaalkii la jabay, kaar Allow dayaye
  • Kabmo li'i haday taagan yihiin, kaamil ladi waa ah
  • Kax banaana wada kuududaan, oon ku karantiilay
  • Waa inaan ku tiiqtiiqsadaa, kooxda caabuqa e
  • Kalmadaa idhaahdaana waa, Kir iyo kooy' e
  •  
  • Afmadoow Kismaayo iyo Dhasheeg, wabiga kaarkiisa
  • Kalka xeeb Kudhaadii ku tiil, amase Kaanbooni
  • Karuurkeeda meeshay barteen, Koonfur iyo Waamo
  • Hub aan kaga nabaad guuriyaan, keebada u qaban e
  • Kufri magad leh shaydaan kabtiyi, iyo kama naaska
  • Kama hadhayo anigoon ku celin, Kaabadii Bariye
  • Kolaygoodii caydhaan ku rari, kiishaduu dhigay e
  • Korka qolofta kaad ka guran jirteen, kuraankurtii diinka
  • Carsaanyadaad ku noolaan jirteen, dib ugu koorseeya
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.