Home

Ha ku Dubato (III)

                                                 Maxamuud Cabdi Kaadheeri

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Gabaygani waa gabaygii saddeexaad ee uu abwaanku ugu jawaabayey Xirsi Dheere.  

  • Xirsiyoow dabuubtaada gabay, deexsigiyo faanka
  • Deelqaafka caydaad duntiyo, dacar higoodkaaga
  • Dacdaad qooshtay duulaan afxumo, soo dal marintaada
  • Dadnimiyo aqoon diin leh iyo, daacadnimo aadmi
  • Umad darajo kaa badan Xirsoow, cay ku dabandeebka
  • Dabcigiina weeyiyo waxaad, dir u lahaydeene
  •  
  • Doogtiisa ruuxii is ogi, hayb ma daakhilo e
  • Dun xumaanta aad leedihiin, dihashidii hooyo
  • Iyo duridda tiina ah haddaad, dhab u dareemayso
  • Waligaaba duul kale afxumo, kulama diideene
  • Dabno been ku waynaaday baan, run u dalaabayne
  • Dulmi furihii adigaa noqdoo, daaray salafkiiye
  • Haku dubato adaa soo dalboo soo, durbaan tumay e
  •  
  • Duni horre wax laga soo tagoo, daawo laga yeeshay
  • Dib usoo qufkaagiyo halkaad, dooxi nabarkeeda
  • Waxaad uga danleedahaan ka garan, diirka oogada e
  • Iidoor haddaanu is dilnoo, duunyo kala qaadno
  • Dad walaalo ah baa nahay ilaa, duudki nabigiiye
  • Daris baan wadaagnaa duda iyo, doh iyo ceelkeed e
  • Dirir nagu fogaataana jirrin, nabar dilaaciise
  • Haddii aan is dayniyo haddaan, nabad dalaynaaba
  • Dantanada maxaa kaa galood, ugu dul meeraysan?
  • Yaa daano horre baadh ku yidhi, daalin yahoow wayni?
  • Ma anagaa dacwiyo kuula nimid, xaajo daba dher leh?
  • Ma adaa damiin noo ahaa, daadka naga moosa?
  • Waa maxay daboolkaad rogtiyo, dakanadaad faagi?
  • Dulanyahoow, dillaal yahoow, waxyahoow boqolka diimood leh
  • Durrayahoow, duqaanyahoow la mid ah, duumo cudurkeeda
  • Dab aad ololisaad doonaysaa, duul aad galisaaye 
  • Dabakeena waa lagu yaqaan, dacar higoodkaase
  • Gobta daristay reeraha dul iyo, dooxa wada yaala
  • Dabnahaaga how celin mar kale, kaa dun fiicanin e
  •  
  • Waxaad tahay dar Eebahay mid aan, abid ku daaqayn e
  • Dowliskii aad qabateen marbaad, abidkiin doontaane
  • Dadaabaha markaad haysay eed, dararta nuugaysay
  • Danbarkeeda kaligaa markaad, daraysay weelkaaga
  • Sii durugsadii eede iyo, damac xumaantiiye
  • Dudun dheer hadaad fuusho ood, duubab soo xidhato
  • Ama aad daruuraha tagtiyo, dayaxa guudkiisa
  • Ama aad is kala daadisood, darin is laalaabto
  • Dib in aad u aragtaan ha sugin, dalawo naaskeed e
  •  
  • Ninka duunyadii uu dhaqiyo, daylo bahal raacshay
  • Iyo kii dadkaa aaminaa, wax isma doorshaane
  •  Dub Islaam in aydaan lahayn, diinna ku adeegan
  • Ood dufusha eygiyo siddii, harago doofaarka
  • Aydaan u daahirin waqiin, dirir kastoo hoorra
  • Daba joognimada gaalka iyo, darin la jiifkaaga
  • Yaa u noqon daliil muuqda oo, loox ku daabacan e
  •  
  • Dibad baxa dabayshiyo wakhtiga, daalka wada gaadhay
  • Daroodna adigoow lahaa, diifta uu qabo e
  • Sharaftoodi adigaa dunshoo, dhigay daleeshaase
  • Markaad dabino qoolayso baad, magaca doontaaye
  • Mar unbayna siddaan kuu daldalay, dayro kaa dhigiye
  • Ooy dabamaryeyntiyo sirtaad, dadi arkaayaane
  • Dab kulmisna intay kugu xidhaan, daaqad kaa bixin e
  • Ooy sidda Darwiishkii oo kale, kaa dildilin buur e
  • Kuna odhan markaad duudahiyo, dooxyo badan jeexdo
  • Daanyeerku meel uusan korin, danni ma jeexsiisay
  •  
  • Afartaa dubihii aan la dhacay, Daaman Yicisleey dheh
  • Dabakeenkii soo faantamee, cayda dabandeebay
  • Ma duldhigay gantaal duuban iyo, danab hilaacaaya
  • Docda kalana wali hayska damin, door dhan baa hadhay e
  • Dab lashiday daluun olol ah iyo, dhamacda oo daadaan
  • Ninka yidhi dareemiyo ma gubbo, daaqa iyo cowska
  • Iyo adigu doodaad Xirsoow, daabacdeed dhahayso
  • Duunyadii Ogaadeenka oo, lagu dabraynaayo
  • Dusha Biibi annaa caymiyoo, daaya idhi geella
  • Labaduba danbaab kama fogiyo, been ku duruggeed e
  • Nin difaacda tiisaa ku kale, xoog usoo dirra e
  • Duunyaba nin laga dhaariyey oo, dhaqan digaag baal leh
  • Ma daayeen nin dagan oos og yahay, dumasho mooyaane
  • Nafbaa diiday oo kula didaye, damac ma dhaafteene
  • Bal intaadse duri dhaawacay, kaagi baa dilan e
  • Adigaaba doog weyn qabiyo, nabar duleelkiise
  • Uus Fadhanfadh diirani ku sudhay, mici daboolayde
  • Diktoorana u baahdiyo, inaa lagu dabiibaaye
  • Inta aad dadaal caafimaad, igu daryeelayso
  • Dabadaada maad dhayatidood, adigu is daawaysid? 
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.