Home

Kaamil

                                                  Singub

 

 

 

The largest online collection of Somali poetry

 

  • Kaamiloow kawlaan baan ku fari koriyo hoos dheh
  • Koorreey haddaad gaadho iyo kadinka geeleena
  • Kambalkiyo duleedkaan rabaa inaad ku sheegtaaye
  • Koowkow u tiri hadalladaan kugu karaameeyay
 
  • Taariikhdan soo korodhay baan koobi leeyahaye
  • Kansho malaha adduunyaduna waa kadis ku noolow e
  • Kiiskii horaan iga dhammaan lays karkabadeeye
  • Kor madoow hamoodina inuu uunku kaa xigo e
  • Kufaar waa kufaar uun haddana kii cad baa naxa dheh
  • Mindiyaha kureed lagu lisaan nidhi na kaalmee dheh
  • Kadeed iyo dhib baana dilay dadkii Kenya soo galay dheh
 
  • Kadarna waan ka laadlaadsanahay koriyo buur dheere
  • Karkaarkay na waydaariyeen kaalinkii dhexe dheh
  • Dadkuna waa nakuufiyo suge, iyo koor wad baw sudhan dheh
  • Kibir iyo ciyaar lalama tago meel kiyoosa ah dheh
  • Naf kadeedan baa lagu qashaa kaymo bahaleede
  • Kalaajiin waxay nagu qasbeen kuudud waaqlada dheh
  • Kuman jeelkii baa lagu dhex dilay aan kirna lays odhan dheh
  • Kumana waa maxaabiis walina, koodhkii may iman dheh
  • Kumana waa haboow uu dugaag duur ku haaligay dheh
  • Kumana Dhuudhi baa kaday lugaha oo dhex kuududa dheh
 
  • Boqolkiiba kontan bay dishaa mici Kaneecaad dheh
  • Kumanyaalka soo hadhayna xeryahay kololo'eeyaan dheh
  • Dumarkiina karreeb dhoofidaa lagu kaxeeyaa dheh
  • Kurkaa laga jaraa aabbe nooloo kaynta yuurura dheh
  • Labadii is kaalmayn lahayd waayahaa kulul dheh
  • Kuurkuursi baa lagu jiraa kuudud bahaleed dheh
  • Korkaygana cadhaa lagu salliday kuudud nabareed dheh
  • Kaadidana ma celiyaan kelyaha kaydii dabac dheh
  • Cudur kama kacaan Aidsna waa laga kurboodaa dheh
  • Kariimka waxaannu barinnaa inaan kaasi noo iman dheh
 
  • Karaamadii uu Soomaal lahaa kaadh xun baa gubay dheh
  • Dad kalsooni waayey baannahayoo weewe loo kaday dheh
  • Kal geeddi baan nahay kolkii waagu kaaho dheh
  • Waana nala karbaashaa ulay nagu kaxeeyaan dheh
  • Karinna waannu leenahay sidii awr kidhaalaha dheh
  • Ninkii koob maharako ah helaa ayaa kiishka buuxsaday dheh
  • Kayd waxaannu haynaa cuntada kaabash baa jira dheh
  • Kolkol baannu labaleey qadnaa keena madhanleey dheh
 
  • Kuukaayadiina way kacday oo laysku kululaa dheh
  • Kurka inaaba faas la isku jaro yey kaabiguu timid dheh
  • Nimaam lacagta Kenya lahayn kadinka loo diid dheh
  • Kuuja iyo leetta iyo keen kaydkii raamsade dheh
  • Jeebkaygu kolay buu u yahay kaydiyaa lacag dheh
  • Korkaygaa xafiis looga furay kaambaluushaha dheh
  • Kastamkoodu waa boobe iyo kiis la daydayo dheh
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.