Home

Dal Maasheeye

                                                  Singub

 

 

 

The largest online collection of Somali poetry

 

  1. Collaadahan isdaba jooga iyo qiiqa demi waayey
  2. Dilka iyo dhibaataday qabto iyo degelka naafoobay
  3. Dumar iyo carruurtii ka madhay doobka reeruhuye
  4. Duqay iyo wax-garadkii la laa daadahayn jiraye
  5. Dillaal iyo Mallaalkii cunay yaa daanyo-qaad u ahe
  6. Dadqallada mindida dheer leh unbaa loo durbaan tumaye
  7. Ninkii dilayey baa doodayee nabadba yow doonay?

 

  1. Dix-fadhiisigii baa ka degay damalkii waynaa

  2. Digadii hulaaqdoon bakhtiyin damal la saarsaar
  3. Doqonna kuguma wadin baa intaa lagu dagaayaaye
  4. Dulli iyo nin liita unbaa qabiil soo dugaashada’e
  5. Dabargooyayaashii ayaa duubka loo xidhaye
  6. Daallin iyo Iblays tuug ah yaad daba ordaysaane
  7. Dadqallada mindida dheer leh unbaa loo durbaan tumaye
  8. Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay?

 

  1. Kuwa dibadda jooga iyo kuwaa gudaha dooxaaya

  2. Labaduba dugaag weeye oo wax isma doorshaan
  3. Taar bay dul wada yuururtaa oo war dayday ahe
  4. Dawarrada wixii lagu helayna waa wada diraynaa
  5. Dayday baa masuul looga dhigay dalawideeniiye
  6. Doonyaha belaayada sida baan daadah leenahaye
  7. Dadqallada mindida dheer leh unbaa loo durbaan tumaye
  8. Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay?

 

  1. Maskaxda yay dawaar nagu xidheen daabac aan go'ine

  2. Dhegahay naga dabooleen indhahay naga dahaadheene
  3. Debnihiyo afkay naga xidheen oon diidayba lahayn
  4. Sida haan daloosha yuu warkuba naga dusaayaa
  5. Dareenkii waxa nagala tegay duul habaar qaba’e
  6. Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
  7. Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doontay?

 

  1. Siday diintu tidhi, ruux wax dilay daahir noqon waaye

  2. Rabbina muunan dedin oo sharciga diirka ka caddeeye
  3. Doofaar ku taabta iyo isagu wax isma doorshaane
  4. Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
  5. Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay?

 

  1. Dammiin aan wax qorin jaahil aan downa garanayn

  2. Dirri aan wax gelin oon aqoon deris walaalaynta
  3. Oon soo duweyna barran inuu didiyo mooyaane
  4. Nin isdoortay kelidii intuu duur cidla ah aaday
  5. Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
  6. Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay?

 

  1. War dorraad buu Kobruhu kugu hanqadhay danabka tuuraa

  2. Dan bayna naga lahaayeen inay soo degaan Xamar
  3. Dembina mayna gelin culimadaa gaalku deydeyi
  4. Dadka go'aya waa baarcaddii uu dalku lahaa
  5. Dhiiggaynu wada daawannaa soo darroorimaye
  6. Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
  7. Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay?

 

  1. War hay diidin Soomaaliyey waan idiin digiye

  2. Waxaan dooni een rabo ayaan diirka ka caddayne
  3. Qoys waliba intuu kii dilay mayada deeqsiiyo
  4. Derbi adag quraanjo leh intaan diilinta u saarno
  5. Garbaduub intaynu u xidhniyo xarig aan sii daynin
  6. Xakame aan damayn oon baxayn dalaq ku soo siino
  7. Oo derisku ay wada hadlaan daaqsintiyo foofka
  8. Danwadaagtu qaadaadhigaan hadal an daalaynin
  9. Ha la doono Soomaali-Wayn ul iyo diirkeed ah
  10. Ama daadsanow qaaradaha lagugu dooxaayo
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.