1. Home

    Silsiladdii Halac-dheere  iyo Haameey

                                                                 

     
     
     
     
     
     
     
     
     

    Qore: Cawaale Xuseen

    awalle@gmail.com

     

     

    Inkasta oo ay adag tahay inaan qisadan salkeeda soo xaadhno, gabayadii laysu tiriyeyna aanaan wada helin, haddana inta nasoo gaadhay iyo sida ay noo soo gaadheen uun aan soo gudbino.[1] 

     

    Silsiladdani waxay asal ahaan ka dhex aloosantay niman Reer Qorraxey ah iyo kuwo Reer Bari ah.  Gadaalse way baahday oo xilligaa raggii gabyi jiray kuwa ugu tugtug roon qaarkood ayaa soo galay.  Bari iyo Gobolada Dhexe ee Soomaaliya waxaa loogu yeedhaa Silsiladdii Halac-dheere; Galbeed, Doollo, Ciid iyo Qorraxeyna waxaa looga yaqaanaa Silsiladdii Haameey.  Halac-dheere ninkii sanado, hayn jiraan ahaye iyo Haameey xaggee jiray markii, Halac la sheegaayey ayey labada magaci ku kala abtirsadaan.  Billowga sheekadu waa sidan:

     

    Nin la odhan jiray Axmed Buraale[2] ayaa doonay gabadh la sheegay inay Ina Keenadiid ahayd.[3]  Axmed wuxuu Qorraxey ka kaxaystay rag gadh-madoobe u badan oo fardooley ah.  Axmed iyo asxaabtiisii waxay safar sii ahaandaanba habayn dambe ayey usoo hoydeen Cali Sharmarke[4] oo ay gabadhay usoo qasdeen xigto ahaayeen.  Sidii dhaqanka Soomaalidu ahaa Cali martidii wuu sooray.  Subixii markay kallahaad u hogbadeen ayaa ninkii la odhan jiray Xuseen Canshuur Cali,[5] oo quruxda iyo qoodha Alle ku mannaystay awgeed Halac-dheere lagu naanaysi jiray, wiil yar oo gogoshii martidu ku seexatay uruurinayey wuxuu ku yidhi “adeer, orodoo aagaan biyo ah ii keen.” 

     

    Yarkii oo aan wali dhaqaaqin ayaa Nabaddiid Guraase Xaaji Cali[6] oo ragga galbeed ka yimid ka mid ahaa si kaftan ah wuxuu u yidhi “War Halac, hadduu Cali Sharmaarke yidhaahdo: Halac-dheere ninkii sanado, hayn jiraan ahaye, maxaad samayn?”  Raggii meesha joogay oo dhanbaa qoslay.  Gabankii oo hadalka raggu ku kaftamay maqlayey ayaa balow yidhi oo Cali Sharmarke gaadhsiiyey meeriskaa.   

     

    Cali Sharmarke ayaa halkaa fursadi uga soo baxday oo wax hore oo uu tirsanayeyba damcay inuu hadalkaa nimanka kaftamay is dhaafsadeen ka faa’iidaysto.  Geedkii ayuu yimid oo yidhi “wadadu waa cabsiyee, ciidan ayaan idinku darayaaye fardaha ka dega, maantana hadhsada.”  Maadaamuu Cali Sharmaarke yahay oday degaankiisii marti lagu yahay kuma aanay gacansaydhin ee nimankii fardihii ayey ka degeen. 

     

    Cali Sharmarke qeylo-dhaan ayuu u kala diray afarta jahaba wuxuuna abaabulay martisoor weyn.  Xilli qadadii ku aadan ayaa nimankii waxaa loo keenay sooryo geedaysan.  Garte in meesha wax ku jiro oo taataabasho iyo eed ka carar ha joogtee, kal iyo laab uma aysan qadaynin.  Martidii kolkay faraxalatay ayuu Cali Sharmaarke mariyey afarey kaftan ah oo meeriskii Nabaddiid Gurraase ugu culus yahay.  Wuxuu yidhi:

     

               Gobonimo inay hodan tahay, oo horay naloo siiyey

               Hanti tiisa isagoon wadanoon, tolkii iga horaynin

               Halac Dheere ninkii  sanado, hayn jiraan ahaye

     

    Meerisyadaa ayaa dhinac walba u duuflaalay oo butaaciyey silsiladdan.  Waxaa kale oo ay meerisyadaasi Cali Sharamarke ku noqdeen cambaar ragga kuwii isaga la safnaa mooyee mid walba oo kale ku halqabsado maxaa yeelay martidoo la dhibsado, laga seexdo ama lagu dhagahadlo waa ceeb Soomaalida dhexdeeda.   

     

    Nimankii safarka ahaa inkasta oo ay beydadkaa kore qoonsadeen, rag gabyana ku jiray, ma jawaabin ee dhabbada ayey cagta saareen waxayna muddo gaaban ka dib gaadheen raaskii Keenadiid, gabadhiina u gole-fadhiisteen.  Soomaali hadal kuma dhex qarsoomee, Keenadiid meerisyadaa kore maqal.  Wuxuu haddaba golihii keenay dhawr gabdhood oo tii raggu soo doonay mid ka tahay, kuwo kale oo dadka sida gardarada ah loo haybsooco ahna ku jiraan.

     

    Sida la maleeyey, wuxuu islahaa nimankani gabadhii ay dooneen ha ka garan waayeen kuwan kale dabadeed mar kale haloo gabyo.  Nin la odhan jiray Seeraar Cali Baadhil[7] ayaa gabay mariyey gabaygaa oo uu ku baadhayo gabdhihii isu ekaa ee goobta yimid.  Seeraar isaga oo aan tixraacaynin hadalkii hore ee Cali Sharmaarke, Keenadiidse tusaya inuu fashilan yahay ayuu wuxuu yidhi:

     

               Hal-jilleedu geelay sidii, hurugo laacdaaye

               Hayinkii baxsani awrta, wuu  ugu horreeyaaye

               Wiilkii halyeey ihi ragguu, haybad dheeryahaye

     

               Neefkii habsami jeedalkuu, ka hanfariiraaye

               Horta garanay hoobaan lamood, hogoshadaadiiye

               Hagoogta iska qaad naag gobaa, hadal la taartaaye

     

    Dabinkii Keenadiid markuu Seeraar sidaa u fashiliyey ayaa gabadhii la bixiyey, sooryadiina la kala qaatay.  Kadibna Axmed Buraale iyo raggiisii waxay usoo ambabaxeen Qorraxeey iyo degaankoodii.  Kolkay Qorraxey tageen ayey Qamaan Bulxan uga warameen siday wax u dhaceen.  Qamaan wuxuu ahaa gabayaa caan ah, dadkana si daran u kala yaqaana.  Halac ayaa haddaba dareemay in Qamaan jawaabi doono oo uusan saddexdaa meeris indhaha ka laabanaynin.    

     

    Halac wuxuu u tagay Qamaan kana codsaday in aanu jawaabin.  Sida la wariyey wuxuu si kaftan ah u yidhi “Qamaanow, waa aleen qonosh ah oo Dhabayacee adigu boodaan weyn ha ii xidhin oo ha u jawaabin.”[8]  Qamaan wuxuu ahaa af-hayeen idman, sidaa darteed way la ahaan weyday inuu aamuso.  Wuxuu isagoo ka jawaabaya tixdii Cali Sharmaarke yidhi:

     

               Halkaad Cali Sharmaarkow na tidhi, waa huf iyo beene

               Waana hiijo godobeed raggaad, naga hafraysaaye

               Haaraanka iyo faanku waa, haayir kala dheere

     

               Harti waxaan ku nacay dheef yar buu, hilin dhan moodaaye

               Waxbaan heli karaa baad na tidhi, waadna hibataane

               Gobonimo hadday hodan tahay, oo horay laguu siiyey

               Hah maxaad u tidhi wiil marti ah, hilib intaad siisay?

     

    Gob haddii aad tahay, horena sidaa cid kuugu qirtay ay jirto, marti aad soortay maxaad u kohatay?  Mase is qabtaan sheegashadaada iyo ficilkaagu?   Sidaa ayuu Qamaan ku dooday.  Hah maxaad u tidhi wiil marti ah, hilib intaad siisay waxay noqotay halqabsi aan waxba hambaynin, Cali Sharmarkena shaabad ku noqotay, qof walboo kalena madaxa u ruxay. 

     

    Wuxuu Qamaan gabaygiisa ku xusay magaca Harti.  Cali-dhuux Aadan oo ragga tolkaa ee gabya ka mid ahaa ayaa soo galay.  Wuxuu yidhi:

     

               Hagagaba aan daynee Qamaan, hor Alla ruuxaaga

               Halac oo hir dheer la eg hadduu, hogob kasoo muuqdo

               Idinkoo la hayb ahiba waad, wada habaartaane

               Harti maxaad ku geli Eebbahay, horror hadduu keenay

     

    Wuxuu ku dooday in Qamaan qoyskiisu ka naxo aragtida Halac, habaarna ay waliba ka horgeeyaan heeladkaba markuu soo maro.  Maxaad nagu eedaa haddii nin aan waxba hanbaynayn Alle nagu saliday, ayuu xujaystay.   

     

    Faarax Caytame[9] ayaa soo galay gabaygii isagoo ku dooday in Harti qadaf iyo hiil aan munaasab ahayn is raaciyey.  Qadaf: nin marti ah oo waliba xidid ah oo habayn la sooray dabadeed hafaryo iyo hiiftan la isu raaciyey.  Hiil: Cali-dhuux oo sheekadii kusoo biiray, kaftankii Cali Sharmarke iyo Qamaan Bulxanna kor u raray.  Isagoo mar goodinaya marna afeefanaya ayuu wuxuu yidhi: 

     

               Halaaggii ka dhaca labada reer, ee hurgumo reeba

               Inaanaan hortii hore lahayn, una hoggaan jiidin

               Halla ogaado waataad Hartow, hiil kurtaa tahaye

     

    Waxaa meeriska ugu dambeeya laga fahmayaa inuu jiray gabay kale oo aan ka Cali-dhuux ahayn oo dhinaca Harti ka yimid.  Halla ogaado waataad Hartow, hiil kurtaa tahaye!  Tolow hadduu gabaygaasi jiray kumuu ka ahaaday?

     

    Intaa ka dib, waxaa silsiladdii soo galay Sayid Maxamed Cabdille Xasan.  Sayidku ugu horrayn  wuxuu canaantay nimanka bari aaday ee ay silsiladdu ka kacday oo uu u arkaa niman hunguri xaggaa u hoggaamiyey.  Inkaartaydii ayaa ku habsatay, Huwan iyo dhinaceeda may aadaan maxaa Hobyo iyo bari u kaxeeyey, ayuu ku dhaliilay.  Caydha aan horay u dhacay ee aan waxba haysan maxaa u geeyey jiilaal dhexdii.     

     

    Canaantaa ka dib ayuu dhalleeco dusha kaga tuuray nimankii martisoorka ku hadlay.  Niman Daarood iyo Hawiyeba ka dhaqan duwan inay yihiin ayuu ku tilmaamay.  Hawiye iyo Daarood markuu leeyahay wuxuu ujeedaa Soomaali oo dhan.   

     

    Dabadeed, wuxuu gabaygii u duway dhinaca Qamaan Bulxan.  Wuxuu yidhi meel sanbaa laga guursadaa ee maxaa idin qaaday oo Hobyo idiin la kacay, maxaad uga hortimaadeen jihaadka iyo baaqaygii gobonimo doonka ahaa?  Diinta iyo dariiqada haddii aad qaadataan kuma aydaan khasaarteen, waxaase idin rogay ninkaa hadalka Keenadiid u hanqaltaagay. 

     

    Wuxuu Sayidku ku xidhay inuu si gobonimo leh usoo dhawayn una soori oo uu hilib iyo caanaba gadhka u galinayo, sidaa darteed ay tahay iyagoon daba ka maqnayn inay haleelaan xaruntii dariiqada iyo Daraawiish.   Sidii Sayidka lagu yaqaanay, gabaygiisu wuu ujeedo badan yahay, dano siyaasadeedna wuu ku fushanayaa.  Wuxuu yidhi:

     

               Hunguriga Subeer wuxuu ka ridi, hogobyo shaydaane[10]

               Mar haddaanu heeg dheer lahayn, ama hoggaan ceeja

               Wax hubaala waa inuu ka iman, Harodii Ciideede

     

               Waa waxaan habaaroo Illaah, heeray boqontiiye

               Hidyaa wadatay wiilkii hadduu, hilinka soo qaaday

               Huwan[11] muu u kaco kuma qadeen, hodon-qabeenkaase

     

               Hartigaba wax badan baa ku nool, hilib ugaadheede

               Koluu Hiiradoo[12] kale noqdoo, ibilka[13] haaneedo

               Bal maxaa Hobyo u dhigay arladu, kala hoyaad roone

     

               Hargawaaxiddii baan ku dilay, tuugga haysha lehe[14]

               Hangadhkii rasaastuu wadnuhu, la holcanaayaaye

               Guutooyinkii  loo humeey, hadafkii raaceene

     

               Iyaguba halaaggaan badeey, la hundhudhaayaane

               Daraawiish hinfiri nimay wax badan, hanatay reerkiisa

               Waxay la hanfariireenba waa, huubo dooro lehe

     

               Hanbo kaa sugaa ama hoheey, kugu haguugaaba

               Hanti nimaaan lahayn looma tago, holaca jiilaale

               Hawiye iyo Daaroodba waa, hayb ka gooni ahe

     

               Ma way sooryadii heli karaan, ma hagranaayaane

               Miyey hadi karaayaan wax bixin, hunufku waa ceebe

               Haaweydan aan dhacay maxaa, haatufka u geeyey

     

               Nin hamuunta kaa bi’in karaa, lagu haddoomaaye

               Mar hadduu hadaadumo xarrago, haybaddeed ma lehe

               Haadaa-qabiil nimaan ahayn, hibo miyuu dhiibi!

     

               Qamaanow hiddaha meel sanbaa, lagu hagaajaaye

               Hadku waa hadkii idin khatalay, Haro Digeedkiiye

               Hannaankiina nimankii yiqiin, waydinkii huraye[15]

     

               Haddaad diinta soo haybisaan, kuma hungowdeene

               Haadaan[16] waxaa idinku guray, habaskii gaabnaaye

               Hadalka Keenadiid buu maqlaye, haayad kale mooge

     

               Haddeer iyo haddeer gool qallaa ama, halabba keenaaba

               Haamaan idiin shubi lahaa, halab karuurkeede

               Haleelooyinkaa idinku filan, hoota-nuugta ahe

               Hareerihiina waan dhigi waxaad, ku himbilyootaane

               Intaad higis dhan soo qaadataan, Halacna soo raacsha

     

    Waxaa gabaygii ku noqday Qamaan Bulxan.  Sababta ku celisayna waxay ahayd, qoyska Qamaan oo meel degan ayaa waxaa kusoo baxay niman socoto ah oo u muuqday inay reerka hoyaad ku yihiin.  Qamaan ayaa kob dheer ka arkay.  Waxaa la yidhi, si uu ku gartayba, Qamaan wuxuu aqoonsaday in nimanku Harti yihiin.  Intaysan wali soo gaadhin raaskiisii ayuu horay aqalkiisii u galay haweenaydiisiina ku yidhi "nimankaa safarka ahi haddii ay ku weydiiyaan Qamaan ma joogaa, maya dheh.  Haddiise ay ku su’aalaan Qamaan Bulxan ma joogaa, haa dheh."

     

    Sidii iyagoo xandhagaysanayey Qamaan ayey afadii waxay weydiiyeen "Qamaan Bulxan ma joogaa?"  Haweenaydu inay hilmaantay iyo inay iyada naf ahaanteedu ujeedo kale lahayd Allaa u cilmi leh, waxayse nimankii ugu jawaabtay "mayee Qamaan Bulxan ma joogo."  Hawraartaa haweeynaydu kolkay dhagihiisa kusoo dhacday ayuu kor usoo baxay, nimankiina maqashiiyey tix in gaaban uun aan ka helay. 

     

    Rag oo dhan inuu ugu sito, socotadu inay soo haybiso soona hiigsato raaskiisa, inaysan la kuf ahayn inuu martida ka dhuunto hadduu sidaa yeelana aad loo ceebindoono ayuu ku dooday.  Mood iyo noolba wixii gacantiisa ku jira inuu si gobonimo leh u bixiyo inuu jecelyahay ayuu xusay.  

     

    Intaa ka dib, wuxuu u gondodegay hadafkii gabaygiisa.  Nimankay is hayeen ayuu ku sheegay niman iniq uun bixiya dabadeed codbaahiye qaata si ay u manasheegtaan.  Niman waxay sadaqaystaan baddel, gunno ama abaalmarin ka suga inay yihiin ayuu sii raaciyey.  Ma iyagoo kale ayeynu nahay maad martida dhib yaraan soortid ayuu ku xidhay.  Wuxuu yidhi:     

     

               Naagyahay horyaalnimo ninkaa, loo huraan ahaye

               Waxaan ahayn nin lagu soo hirtoo, heelan abidkiiye

               Ma huluulan karo buul anooy, timihii haarmeene

               Waakaa raggaan ka hambas idhi, galaya haybtiiye

     

               Waxaan heli waxaan haaban karo, iyo waxaan haysto

               Hiyiguba wuxuu doonayaa, inaan hibeeyaaye

               Iyagaa intay hiish[17] baxshaan,  heesi dabataale

               Oo ku hilbo qaybsada waxay, hor Alla geysteene

               Ma Hartaynu nahay soorta maad, hadal la'aan dhiibtid?

     

    Gabaygaa Qamaan ayaa Bari la geeyey.  Dabadeed waxaa mid jawaab ah soo diray Cali Sharmarke.  Haddaad Reer Faarax tihiin caano geel iyo cad la quuto midna ma haysaan oo caydh baa tihiin ee ma hilib dadbaad siinaysaan qofkii idin soo martiya, ayuu xagga Qamaan usoo diray.  Wuxuu yidhi: 

     

               Qolqoladda haddii ay martidu, qab iska soo siiso

               Qoladiina Reer Faarax[18] yaan, qadow ka foofayne

               Qabey caano geel lagu lisiyo, qado ma haysaane

               Ma dad baydun qali xoolo, waad ka qatanaydeene

     

    Gabaygu wuxuu ku socday xarafka ‘H’ sidaad aragtidna Cali Sharmarke ayaa ka baydhay oo xarafka ‘Q’ ku qotamiyey gabaygan aan intaa yar uun ka helnay.  Arintaa waxaa Qorraxeey looga arkay deelqaaf laga maarmi karay.  Sidoo kale kaftanka dulucdiisu waxay ahayd deeqsinimo, gobonimo, dheef-ku-kadal, bakhaylnimo, hunguri iwm.  Ma ahayn maal badni iyo fakhri midna.  Sida gabaygiisa ku cad, Cali Sharmarke dhaliishiisu waa caydhnimo.  Qodobkaana gebidhac ayaa Qorraxeey looga arkay.

     

    Si kastaba ha ahaatee, Qamaan ayey soo gaadheen meerisyadaasi wuxuuna ka celiyey jawaab.  Qamaan wuxuu ahaa nin looga dambeeyo anshaxa iyo asluubta miigan ee gabayga sidaa daraadeed xarafkii hore ee gabaygu ku billowday (H) ayuu wali ku dheganyahay oo uu gabaygiisii dambana ka qaaday.  Mar haddii uusan nin soo oodma ahayn, sabab uu xaraf kale u aado ma jirin. 

     

    Xayndaabkii hoose ee Qamaan mar haddii loo dhacay ma dhawrashay leedahay!  Harti iyo Absame isu gabya ha joogtee, maxaa gaadhsiiyey Faarax Xandule oo awowga labaad ee Qamaan Bulxan ah, ayuu aragtidadyda is weydiiyey.  Mar haddii qoysas hoose la sheegay bal ha la maqlo anna taan dhigo ayuu is yidhi, wuxuuna mariyey gabay aad looga dhibsaday dhinaca Bari.  Gabaygaas nasiibdaro waxaa iga soo gaadhay laba meeris uun.    

     

    Nasabka qoyskii hoggaanka u hayey Majeerteen isagoo duraya ayuu wuxuu yidhi:

     

               Hoos in laysu sheegiyo haddii, hadal la dayn waayey

               Hiddo xumo Bah Yaaquub nin ihi, hayb ma faaqido e

     

    Intaa dabadeed, nimankii Harti gabay dambe ma soo celinin ama soo celiyee wuuna nasoo gaadhin.  Kuwii Absame waxaad moodaa inay carcar hor leh galiyeen sheekadii.  Waxaa isku xigay saddex nin oo kala ahaa Ibraahin Cayo, Camanje Yogol iyo Faarax Caytame oo mar kale ku noqday. 

     

    Haameey:  Ibraahin Cayo[19]

     

    Ibraahim wuxuu ahaa Reer Wardheer, gabayganse markuu tirinayo wuxuu joogay magaalada Jigjiga.  Haameey: waa nin Harti, Dhulbahante ahaa oo Daraawiishta ka tirsanaan jiray hase yeeshee la wariyey in laga caydhiyey xaruntii Daraawiishta.  Waxaa la yidhi wuxuu ahaa nin hunguri weyn.  Maalinbaa waxaa la arkay isagoo aroortii halkuu cunto u fadhiistay hadhkii kaga wareegay, kolkaa ayey Daraawiishi waxay tidhi kan calooshiisa ayaaba ina caydheen ee ha ina dhaafo.   

     

    Haameey markii xaruntii Daraawiishta laga caydhiyey wuxuu u galay Talyaaniga oo uu asgari u noqday.  Ninkaa hunguri badnida lagu sheegay ayuu Ibraahin Cayo wan buuran u qalay.  Wuxuu ku yidhi cun, hanbana lagaama sugayee ka faraqabso.  Sida la wariyey, gabayguna u marag furayo, Haameey wuu ka noolaaday sooryadii, wixii calooshu u qaadi weydayna weel ayuu ku ritay oo gurigiisii la aaday. 

     

    Dhaqanka Soomaalida, martidu waxay markaa cuni karto ayey calfataa laakiin qaadashadu waa ceeb.  Ibraahin isagoo arrintaa ka hadlaya, gabayadii hore ee Harti ka yimidna ka dabaakhtamaya ayuu kan hoose tiriyey. 

     

    Wuxuu qeexay inaan dadku isku heer ahayn Talyaani iyo Ingiriis imaatinkoodii ka hor.  Wuxuu xusay shaki dhinacoodu qabay oo ahaa inaan Cali Sharmaarke gabaygu afarta beyd ee uu ka aloosmay lahayn ee uu nin Hunle[20] la odhan jiray u dhiibay.  Inaan hanbo laga rabin Haameey markii loo loogay iyo inaan nin gob ahi martisoor uu bixiyey hanbo ka sugin, ayuu ku dooday.  Inaan nimankan soo gabyey ceebta iska dhawrin, haddii aanay Haameey inkirinna aysanba nasab ahayn, ayuu sheegay.  Wuxuu xusay in dhaqanka Soomaalidu leeyahay xeer hufan oo haga martida iyo ka loo martiyeyba, xeerkiina uu Harti jabiyey siday isaga la tahay.  Wuxuu kusoo gooyey Haameey bal nala arka intaad Halac hadal haysaan.  Wuxuu yidhi:

     

               Dadka Dhabayaco heer lama ahayn, lamana heesayne

               Markuu Faranji heenseestay buu, soo hanbaabiraye

               Huurmoodka Deex Bari ka yimid, way hinbaabiciye

     

               Hebel magaca ay sheegayaan, uma hagmaayaane

               Hoggaan diid ah waatii dorraad, loo hanbooriyaye

     

               Dhabayaco hummaag been ah, ways kaga hadaaqaane

               Saddex haloo kugu huursanaa, tan iyo Haabiilba

               Kolkaad Orobo heegan u tahaad, la hardafaysaane

               Hunle Tanade weeyee hadduu, hadal yar kuu dhiibay

               Sidii heeshii webigoo kalaan, kuu hafinayaaye

     

               Hal waxaan ku idhi heybta iyo, habarwicii yeedhay

               Waxaad Koonbe uga haayirteen, Geri halaagiiye

               Harti goloha kama yeedhi jirin, eegga ka horowe

               Wixii harag cadcadi suu cabbaar, kuu hawadinaayey

               Wali Dhabayacooy kaama hadhin, huutanimadiiye

               Holla xumaddu waa duugagii, inaad hagaagteene

     

               Halla waxaan ka idhi kii haddeer, hononay ee faaney

               Hidda boqor ma gaadhide waxyahow, midig ka haaneedi

               Dhaqankiinii hiijada lahaa, ee huqdigu jiifo

               Iyo higiradiinaa yaree, idin hungaynaysa

               Hannaankii gun kaa dhigi jiraa, u hardi weynaaye

               Hiyigaad ku xeertiin sidaan, kuu haraatiyeyba

               Gooraad hagaagtiyo ma jirin, haro ku maydhaaye

     

               Gobonimada saad jeer habeen, uga huleesheenba

               Hadda sidii hormuud Kuumadiyo, haybtayada guudba

               Hulka xeebta idinkoo hundhudha, kuu horjoogsadayba

               Lama arag habeen uu wanaag, kuu hoyaadtimaye

     

               Halla waxaan ka idhi reer Hartiga, kaba han weyneyne

               Si’aad noo hareer joogsataan, dhaaxba la helayne

               Sumuc idinku heeryee Kufriga, loo hishiishiciye

               Inaad wada hanfadayaal tihiin, maalintuu hubiyo

               Sida waagii aad naga hadhuu, kuu haraatiyiye

     

               Hubka aan tolkay haysan ee, lagu halaagaayo

               Waxaa nooga hiirtaanyo badan, dood haweysiga e

               Huubooyin buu nagu af-baray, huura-eyluhuye

     

               Halla waxaan ka leeyahay hanbiyo, tii hungurigiiya

               Marti weelal heemaarsatoo, reer usoo hoyata

               Dad hanti leh hadhuub caano li’iyo, hoo intuu bixiyo

               Hibashiyo catow kuma dareen, dhiil la heensadaye

     

               Idinkaa hallada ceeba li’yo, hayla qaab darane

               Tu la hubo habaynkii Jigjiga, xeedhyo hilibaysan

               Hanbo lagama doonayn sidii, reer hadhuub suge e

     

               Waase Dhabayac uur hugucsan oo, dhabar higaagnaaye

               Wan habeed leh goortuu liqiyo, fuud hal jaban deeqa

               Kor u hilatadiisii intuu, hilib kasii buuxsho

               Baruurtuu hanbaday soo higoo, haysan kari waaye

     

               Hunqaacada kolkuu boodayee, sii hummaagsanayey

               Hankakoobsiguu fooraree, hogol butaacaayey

               Hucda iyo hacdii iyo wuxuu, kala hiinraagaayey

     

               Hayaay iyo haween soo didiyo, ubad hurdaa toosay

               Maxaa helay maxaa tallow hayiyo, hadaladii faafay

               Hoostiina kama dhawrataan, hogaga ceebeede

               Haddaydaan Hartiba ma aha odhan, hunufka saa yeelay

               Haameey xaggee jiray markii, Halac la sheegaayey?

     

    Waxaa soo galay Xuseen Yogol Furre (Camanje.)[21]  Isagoo hal dhagax laba shinbirood ku dilaya ayuu wuxuu gabayga isu mariyey Cali Sharmarke iyo niman kale oo Majeerteen ahaa oo askar Talyaani Jigjiga xilligaa joogay ka tirsanaa.  Wuxuu mariyey tix ay naga soo gaadhay: 

     

               Namiimnimo Majeerteen miyaan, wali ka niibkeenin

               Ma nifaaqii oo buuxiyuu, xalayto nooleeyey

               Naxligiyo nuxuustii miyaa, naari soo kiciyey