Qore: Maxamed Cusmaan Ducaale "Guddoomiye Ducaale"
guddoomiye123@hotmail.com
Waxaa dhawaan ku geeriyooday
magaalada Columbus, Ohio ee dalka Maraykanka, Allaha u naxariistee,
Cabdulqaadir Xirsi Siyaad (Yam-Yam). Geerida abwaanku waxa ay si
xanuun leh u tababatay guud ahaan bulsha weynta Soomaaliyeed, gaar
ahaan, bahweynta jecel nabadda iyo inta ku dhaadata suugaanta.
Marxuum Cabulqaadir Xirsi Yamyam waxa
uu ka mid ahaa hormuudka maansayahannada Soomaaliyeed. Waxa uu
kaalin mug leh ka qaatay tirinta, ururinta iyo fidinta suugaanta
Soomaaliyeed. Waxaa u ahaa nin Eebbe ku mannaystay aftahannimo,
jilitaan iyo curinta qaybaha kala duwan ee maansooyinka.
Sida aan kor ku xusay, iyadoo ummaddu
gebi ahaanba ka murugootay geeridii ku timid Cabdulqaadir Xirsi
Yamyam, haddana aniga waxa ay ii taabatay si gaar ah. Inkasta oo aan
jeclaa in aan mar nolol isku horfariisanno, haddana Rabbi ma
qadarin,oo waxa uu Yamyam iishay annaga oo aan weli kulmin.
Haddaba, aniga oo aan ararta ku
dheeraan, waxaa aan jecelahay in aan isku dayo in aan soo bandhigo
dhowr qodob oo aan isleeyahay waxa ay ka mid yihiin dhaxalkii
Marxuum Cabdulqaadir Yamyam nooga tegay kuwa ugu mudan in lays
xasuusiyo. Waxa ayna kala yihiin:
1) Soo Kordhinta Tidcan:
Marka aad si deggen u dhexqaaddo duugaanta Soomaalida, waxa kuu
muuqanaysa in ay u kala baxdo, labo xarig oo kala ah Tix iyoTiraab.
Haddaba, farsamo ahaan, laba xarig waa soohmaan ee ma tidcamaan.
Marka Tixda iyo Tiraabta oo ah labada xarig oo ay suugaantu ka
koobnayd si ay u tidcamaan, waxa Marxuum Cabdulqaadir ku kordhiyiy
TIDCAN. Waxa ay isku tidcaysaa labadii xarig, waxayna u beddelaysaa
saddex xarig oo isku tidcan. Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa
labada tuduc oo gaagaaban oo aan kala soo dhex baxay tidic uu u
tiriyey UNka( United Nations) oo ku saabsanayd faqriga iyo mid kale
oo ku sabsan jacaylka Waxa uuna yiri:
Waxa faqriga keena UNka
Waxay jecelyihiin colka
Waxay necebyihiin khayrka
Waxay abaabulaan shirarka
Waxay dabraan heshiiska
Waxayna rabaan khilaafka
Wax dan ah kama laha xishoodka
Afkoodu ka weyn duleelka
Dhurwaa liqi kara dameerka!
Tan kale oo jacaylka ahnna waxa uu ku
yiri:
Alla gabadha daya luqunta
Cabaadhyaha ku yaalla qoorta
Dhabankeeda xaadda leh labeenta
Hammiga ku jira xasuusta
Akhristoow, haddii aad si wanaagsan
ugu dhabba-geshid Tidcan, waxa kuu soo baxaysa in ay leedahay baadi
sooc u gaara. Waxayna ku socotaa qodob naxweedka lab iyo kan dheddig
oo kala ah qodobka 'Ka" iyo kan "Ta" oo labaduba dhacaan xarafka ugu
dambeeya tuduc kasta.
2) Waxa uu ahaa nin hal adag
Waxaa lagu xasuustaa Marxuum
Cabdulqaadir in uu ahaa nin hal adag oo aan runta ka gabban.
Xilligii ay ugu xoogbadnayd dowladdii Kacaanka, sanadkii 1974,
markaas oo xiisaddu aad u kacsanayd oo dad badan doorbideen in ay
aamusaan, qaar kalena miciinsadeen in aysan toos u abbaarin runta ee
ay sarbeeb miciinsadaan. Marxuum Cabdulqaadir Yamyam waxa uu u
bareeray wax kasheegga Dowladdii kacaanka, isagoo ku eedeeyey
musuq-masuq waxa uuna yiri:
Waxaa jira wasaarado lumoo aan war
laga haynin
Waxaa jira wakaalada dhintoon weera laga daynin
Warshado lagu qayilay baa jiroo waa dhow soo dumaya
Dadkii wayda waligood ahaa weelkii wow eber
Waxaa jira wan subag aanu rabin laga waraabshaahe
Sidoo kale, dowladdii lagu unkay
Jabuuti ee Carte, waxa Marxuum Cabdulqaadir ka ahaa xildhibaan. Kama
ilduufin in uu runta ka sheego waxa dowladda iyo baarlamaanku ku
hayaan golayaasha. Waaa kii lahaa:
Ninkii maal rabay ka hodon
Ninkii magac rabay ka waa
Midnnimo kii rabay hungoow
Haddaba akhristoow miyaanay kuu
muuqan in marxuumka aan jago iyo qabiil ama hunguri aan midnaba lagu
dabi karin.
3) In loo bedelo Aadene tuugnnimada
Alle bari
Waxaa beryahan dambe soo korortay, in
haddii dadka abaar ama aafa kale asiibto, ay baryo waydiistaan UNka
ama dowladaha qaniga ah sida Maraykan ama Yurub. Waxa bulshadu ka
codsadaan dowladahaa in ka taakuleeyaan dhibkaas, lana soo gaaraan
mucaawino deg-deg ah.
Haddaba, Allaha u naxariistee
arrinkaa Cabdulqaadir Yamyam waa ka biyo diidey. Waxa uu safar ku
kala bixiyey qaybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya. Waxa uu
ummadda kula dardaarmay in ay Eebe baryo waydiistaan intii ay Aadane
u sacabbo hoorsan lahaayeen.
Ogaantayda, Yamyam waxa uu ahaa
ninkii Soomaaliyeed ee ugu hireeyey oo 99 magac oo Eebbe isugu
keenyay hal gabay oo qur ah, Isim kastana waxa uu bardhigay
sifadiisa.
4) Waxaa uu ku khasbay in dowladda
Ingiriisku mowqifkeeda ka noqoto
Waxa la sheegaa in horraantii
todobaatanaadkii in Boqortooyada Ingiriisku goosatay in ay xirto
laanta Afka Soomaaliga ee BBCda. Arrintaasu waxa ay ka dambaysay
markii dowladdu ka cabatay in aanay awoodin dhaqaale ay ku sii waddo
barnaamijyada ka baxa Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda.
Haddaba, Allaha u naxariistee
Cabdulqaadir markii uu arrinttaa maqalay waxa uu tiriyey gabay uu ku
leeyahay Boqortooyada Ingiriiska: Waxaa murugo leh adinka oo ka mid
ah dowladaha dhinaca dhaqaale hore ug maray in aad awood u yeelan
weydaan in aad maal gelisaan Laanta Afsoomaliga ee BBCda oo ah
Idaacad laga dhagaysto gebi ahaanba meelaha ay ku noolyihiin dadka
Afka Soomaaliga ku hadla. Waxa aan idinka codsanayaa in aad
Barnaamijka sidiis u dhaaftaan, wixaa kharash ahnna aad ku soo
dalacdaan Cabdulqaadir YAM-YAM.
Gabagaa markii loo fasiray dowladda
Ingiriisku waa ka garaabeen, waxa ayna faraha kala baxeen howhii
BBCda. Waxayna soo fareen: Yam-Yam u sheega Idaacaddiina waan
fasaxnay, wax qarash ah oo laga raban majiraan.
Haddaba aqristow miyeysan mudnayn
intaas iyo in ka badan in Cabdulqaadir lagu xasuusto. Marka dhigiisu
suugaanta u adeegsadeen in ay ku dumaan colaadda ama dhuuni doon.
Waa arrintaa midda igu kaliftay in
aan ka iraahodo laba erey wixii aan ka bowsaday Cabdulqaadir
Yam-Yam. Ilaah Janadiisa Firdowsa haka waraabiyee, eheladii,
asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodaynna samir
Allaha ka siiyo.
Guddoomiye Ducaale wuxuu ka mid yahay
odeyaasha magaalada Edmonton ee dalka Kanada.
|