Home

Cadka Rag Walaaleeya

Wiilwaal                                                             

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Qore:  Cawaale Xuseen

awalle@gmail.com

 

Dhaqanka Soomaaliyeed waa dhaqan hodan ku ah sheeko xariirta ay sameeyaan af-shaxanno ku xeeldheer mu’allifnimadda dhinaceeda tiraabta.  Qayb Libaax  iyo sheekadii Habar Dugaag ee uu abwaankii garaaddo goyska ahaa, waa Xuseen-Dhiqle ee, billadda gabayga ku hantiyey, Suul Baruur, Juuq Dhagayste, Dhig Dhexe Jabiye, Dhag Dheer, Araweelo iyo Oday Biiqe, in yar uun aan xusnee, ayaa ka mid ah sheeko xariirta caanka ah.  Waxaa kale oo uu dhaqankeenu la ciirayaa  sheekooyin xaqiiqi ah oo jiilba jiil usoo gudbiyey, sheekooyinkaa oo aad u xikmad badan.  Middan aan maanta kugu soori doono waxay ka mid tahay noocaa dambe

 

Xilli lagu qiyaasay qarnigii 16aad ayaa waxaa jiray boqor Soomaaliyeed oo la odhan jiray Wiil Waal.  Waxaa lagu sheegay inuu ahaa nin xukun adag xikmadse badan.  Wuxuu ahaa hoggaamiye cimrigiisa badankiisii ku idlaystay duulaan iyo difaac joogta ah oo tolkii kula jiray Galla degaankaa muddo gaaban ka hor ka talinaysay.   

 

Nin dadka aad u imtixaana oo isku daya inuu qof walba garashadiisa dhudhumiyo ayuu ahaaye, maalin maalmaha ka mid ah ayuu shir weyn wacay oo uu isagu yeedhay odayaashii Bartire.  Wuxuu codsaday in nin walba oo soo gaadhi kara shirka yimaado.  Il-laawe iyo lug-laawe kol ay ku tahay, Bartire wixii akabaabiga ka dhawaa ayaa isu yimid.  Af-niijiye (qof dadka warka gaadhsiiya siddii makarafoonkii) ayuu idmay oo intuu shirkii ka dhex kacay faray in nin walba gurigiisii ku noqdo, shirka barrito la isugu imanayana uu keeno cadka rag walaaleeya.”  Raggii shirka yimid oo yaaban oo war tolow maantana muxuu arintan cusub uga jeedaa is leh ayaa dib u geddoomay. 

 

Way shireen oo war rag talo kama dhamaatee muxuu Wiil Waal raadinayaa is weydiiyeen!  Cadka rag walaaleeya ayaa in badan laga dooday.  Muxuu yahay mase jiraa?   Si guud iyo gooni gooniba raggii way u shawreen hase ahaatee dhakafaar ayey ka qaadeen in kasta oo ay arinta sii rogrogaan.  Ninba ninkuu garasho ku tuhmayey ayuu dhinac ula baxay oo war maxay kula tahay warsaday.  “Maantana maxay noqon siddii, Muxamed loo yaabye” ayuu xaalkoodu ku sifoobay.  Markii ay isku daaleen wax ur ahina u bixi weyday ayey ku kala faadhumaysteen war bal faq iyo gorfeyn waxba ku soo saari weynayee, nin walba iskii ha uga soo fakaro arinta, cadkii uu ka badin waayana barito ha keeno. 

 

Aqaladdoodii haddii ay tageen wuxuu nin walba reerkiisii warsaday in neefka adhiga ugu shilis la gawraco hilibkana si cajiib ah loogu sameeyo.  Nin walba wuxuu si gooni ah u codsaday cadkii uu islahaa ragga ayuu walaaleeyaa.  Midbaa codsaday in garabka loo diyaariyo, midbaa codsaday in sararta loo diyaariyo, mid kalaa codsaday daqayda, midba cad gaar ah ayuu codsaday.

 

Waxaa raggaas la xujeeyey ka mid ahaa nin caydh ah oo aan bar adduun ka nixin tobaneeyo neef oo adhi ah mooyee, caruur rajooyin ahna korsada. Aabe mutaxan ama ‘single father’ ayaa dhici karta in dadka qaarkii u yaqaano ninka noocaa ah.  Caruurtaa waxaa ugu weynaa gabadh 16 jir ah oo la wariyey inay qurux iyo qiimaba bogcad cidla ah u taagnayd.  Gurigiisii ayuu tagay odaygii wuxuuna  gabadhiisii faray inay gawracdo sabeenta neefafkooda ka dhaqaaqaysa.  Ee aabo, miyaad waalatay caydh ayeynu nahay ee miyuu inaga baxaa neef aan gawracno maanta, maxaadse sabeenta adhigaba laga qaato ku maagtay, ayey weydiisay.  Aabo miyaan khayaar leeyahay saw Wiil Waal raggii ma amrin inay sidaa yeelaan, waynu ku qasbanahay ee aabo sarakac oo durduri, ayuu ugu jawaabay.  Way u muuqatay danyaraanta gabadhu ka calaacashay laakiinse wuxuu laabta ku hayey cidhib xumada ka dhalan karta amarka Garaadka oo uu ka madax-adaygo ileen “Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale.”

 

Sabeentii ayaa la xalaaleeyey.  Markii la diyaariyey ayuu odaygii kala doordoorasho galay isagoo kolba cad qaadaa-dhigaya oo leh tolow ma kanaa mise waa kaa.  Ugu dambayntii ayuu doortay bawdo oo uu yidhi tanaan la tagayaa?  Gabadhii ayaa mar kale la yaabtay aabaheed oo su’aashay xaggeed geynaysaa aabo?  Garaadka ayaa na faray in nin walba shirka la yimaado “cadka rag walaaleeya” sidaa awgeed waa inaan bowdadan qaadaa aad bay iila buuran tahay una malaynmahayo in cid mid ka wanaagsan keeni karta ay jirto, ayuu ku juwaabay.  Wax Alla wuxuu uga jeedo garanmahayo, laakiin jid kale iima furra inaan warka Garaadka yeelo ma ahee, ayuu iksu dayey inuu gabadha ku qanciyo. 

 

Gabadhii ayaa qadar gaaban aamustay oo ka fakartay xujada aabaheed iyo raggii kale ee Bartire haysata.  Aamuskaa gaaban ka dib ayey tidhi maya aabo ha qaadin cadkaa maxaa yeelay ma aha midka Wiil Waal doonayo!  Odaygii ayaa ku adkaystay inuusan cad aan kaa ahayn shirka gaynaynin.  Gabadhii oo ku dadaalaysa in aabaheed xujada furo, ogna in cadkaa odaygu dadaabtay aanu ahayn kii xujada furi lahaa ayaa mar kale tidhi maya aabo ha qaadin kaa.  Anniga i kadbo oo waxaad qaadaa hunguriga!  Hunguri!!! Odaygii ayaa amakaag iyo af-kalaqaad qabsaday!  Ma anigaa shirka hunguri la taga, oo Garaadka waxaas oo xurmodarro ah u gaysta.  Alla maxaad gabadhyahay waalan tahay anna inaad i waasho damacsan tahay.

 

Aabo aniga i aamin ma rabo inaan kuu sheego sababta maxaa yeelay Garaadka naftiisa ayaa kuu sharxi doona ee adigu hunguriga shirka la tag, wixii denbi ah ee halkaa ka dhashana anigaa dusha u ridin doona, ayey tidhi.  Odaygii ayaa dhiiranaanta iyo isku kalsoonida gabadha yar ka muuqata la yaabay.  Kolkaa ayuu cabbaar qadariyey fikraddeeda.  Waxaa u muuqan waayey sababta yartu hunguriga u xulatay iyo inna wax hunguri dheer yahay cadadka kale.  Wuxuu mar is yidhi waa dhallaannimo iyo waayo aragnimo la’aan, laakiin isla markiiba wuxuu xusuustay in gabadhu caaqilad weyn tahay oo aan haba da’yaraatee talo ay soo jeedisay hadda ka hor lagu hungoobin. 

 

Mar wuxuu is yidhi, adiga ayaa lagu xujeeyey ee Allaa ku lehee arinta go’aankeeda ku calool adayg sida kula qumanna yeel.  Laba qalbiyeyn iyo walaac ayaa coobbaha is tubay.  Waxaa dhagihiisa ka guuxay “wixii denbi ah anigaa oogada u ridin doona.”  Mar dambe ayuu ku jawaabay waayahay waxaan qaadayaa hunguriga maxaa yeelay gabadh caqli badan inaad tahay ayaan ogahay.  Calool adayg waa Alla wehelkii, ee hadday dan mooddo baddunna buurta ha talowdo ayuu isku tirtirsiiyey.  Yartii ayaa aad u faraxday.  Waxay dareensanayd inay ku guulaysatay furidii xujadii Garaadka, aabaheedna inay magac usoo jiiday.  Farxad, isu hambalyeyn iyo is mahadin ayna muujinin ayaa saaqay.     

 

Shirkii ayuu odaygii u dhalandhoolay.  Wuxuu ugu tagay raggii amarka la siiyey oo mid walba cad soo qaaday mid walbana ka kale ka qarinayo cadka uu doorbiday.  Way is fiirfiiriyeen, isfiirfiirin tuhun iyo Allow ceeb astur ku dheehan tahay.  Wax yar ka dibna Garaadkii ayaa soo muuqday.  Asalaamu calaykum?  Wacalykuma salaam iyo waxay isku dareen ‘quumuu li sayidikum’ war Garaadka u sarajoogsada.  Fadhiista idinkoo mahadsan nin walbana shaaca ha ka qaado cadka uu soo saaray, ayuu si gaaban u ogeysiiyey. 

 

Dhinacii odaygii miskiinka ahaa fadhiyey ma ahee dhinaca kale ayaa dhawaaqii u horreeyey ka yeedhay, nin walbana daboolka ka rogay cad aad loo soo habeeyey.  Ma bowdaa, ma garabbaa, ma sararbaa, cadba cadkuu ka gashin wanaagsanaa.  Odaygii ayaa talo ku ciirtay oo hamiyey in dhulku la go’o.  Allow i xil furo mooyee weedh kale ayuu afkiisu haleeli waayey.  Wuxuu is yidhi adiguba bowdadaa hebel keenay oo kale unbaad la iman lahayd ee tii yarayd ayaa Alle kuusoo diray.  War ileen talo isuma kaa sheegto iyo Alla caqligu xaasidsanaa ayuu hoostaa ka guray.  Gabadhiisii ayuu hiifay ileen iyadaa usoo xambaarisay cadkan baasee.  Hadal afka ka weyn iyo talo haween raace tagoogtuu ka jabaa iyo maahmaahyo la midab ah ayuu xusay. 

 

Garaadkii ayaa weydiiyey: oday adna maxaad soo qaaday?  Meel uu ka noqdo ma joogee wuxuu daboolka ka rogay hungurigii ka dib markay dhawr jeer gacantiisu dib uga noqotay.  Talo dhabaqday!  Wixii rag shirka fadhiyey ayaa mar kaliya af-labadii dhawaaqay.  "War ninku miyuu waashay mise wuu soo wataa" ayaa gees walba ka yeedhay.  "Ma foolxumo intaa la eg iyo ixtiraamdaro heerkaa gaadha ayaa Garaad Wiil Waal maanta loo geystay."  "Lun adduunoow! Hunguri sideebuu madasha u keeni karaa!"  Qaarkood haddii aysan Wiil Waal wajigiisa ku ixtiraamaynin gacantooda ayaaba gaadhi lahayd ninkan ay u arkeen inuu lama maqal lamana aragta dhigay.  Odaygii oo awalba walbahaarsanaa ayaa sawaxanka ragga ka yeedhay rucbi iyo naxdin hor leh u keenay.  Hoos ayuu indhaha u rogay isagoo iska dhawraya in indhihiisa iyo kuwa Garaadku kulmaan.  War ileen ceeb iyo cadho naftu kaagama takariso!

 

Cabbaar ayuu Wiil Waal aamusay si canaanta iyo eedayntii shirku soo jeediyey u kala degto.  Odaygii oo la yaaban waxa ragga kale afxumo kasoo baxaysa iyo aamusnaanta Garaadka ayaa isha ku biciriiriyey wajiga Wiil Waal.  Mise wuuba dhoolla-caddaynayaa oo nin lagu gafayba uma muuqdo.  Hubsiimo halbaa la siistaaye, dhawris labaad ayuu u celiyey mise qosol ayuu gaws-ka-gaws Garaadkii ka wareegay.  Mar kale ayuu fajacay.  Wixii madasha san-ku-neefle fadhiyey ayuu cid kale oo aan Garaadka ahayn oo nuuxsata ka waayey.  Wuxuu is yidhi ama waad yara khafiiftay ama waad riyoonaysaa ee sidani kolla xaqiiqo ma aha.

 

Cabbaar ayaa shib la yidhi.  Kolkii aamuskii yara dheeraaday ayuu Garaadkii hadalkii dib u furay.  Wuxuu yidhi, tolow i maqal, waxaa idinku jira oo kaliya hal nin wax caqli iyo garasho dhamaystirin Eebe siiyey.  Laba ma aha, oo saddex ma aha, waa uun hal nin oo kaliya.  Odaygii ayaa qaadan waayey odhaahdaa.  Isagoo dhakafaarsan ayuu Garaadkii sidaa u eegay. Wuxuu ka shakiyey in qawlka Garaadka afkiisa kasoo degay iyo ka dhagihiisu maqleen ay isku mid yihiin.  Qalbigiisa ayaa rumayn waayey maqalkiisa.

 

Wiilwaal wuxuu ahaa nin aragti dheer sidaa awgeed dareenka wajiga odayga ka muuqda ayuu ka shakiyey oo is yidhi see wax u jiraan! Wuxuu is yidhi malaha  odaygu fikradda maba keenin, xujadiina ma furin.  Shakigaa dabadii ayuu hadal baadhis ah kusoo tuuray oo yidhi; saaxiib adigu fikradda ah inaad hunguriga soo qaado ma aadan keeninee yaa kuu sheegay?  Odaygii ayaa madaxa xoqday.  Maya, anigu, haddee, em! Tu yaroon dhalay oo aanan u ducaynin ayaa igula talisay ayuu ku jawaabay!  Wiil Waal ayaa mar qudha haw fadhigii kasoo yidhi oo dhammaan intii madasha joogtay soo jeediyey.  Maya ayuu yidhi idinkuma jiro hal nin oo caqli leh siddaan hore u sheegay ee waxaa idinku jirta hal gabadh oo caqli u saaxiib ah.  Hal gabadh ayaa dhamaantiin idin dhaanta oo idinka aragti saraysa. 

 

Sababtu waxay tahay idin ma weydiinin inaad hilib ii keentaan, waxaan idin weydiiyey in nin walba keeno cadka rag walaaleeya.  Ma gaajo iyo caydhnimo ayaad igu ogaydeen ama igu tuhmayseen?  Hadalkayga guntada, oo xikmadayda dhagaha u fura; hungurigu waa cadka rag ama walaalo ka dhiga ama cadow ka dhiga.  Adduunku waa nin qatan oo indhaha ka xumbaynaya iyo mid quuta oo dibbiro la daaca qudhunsan, hayste iyo mahayste, taajir iyo faqiir mucsur qaawan ah. 

 

Qatane quutuu rabaa inuu ka qaato ama la qeybsado, faaqiirna taajirka ayuu in ka daadso is leeyahay, ma haystane haystaha ayuu hunguriyeeyaa kolkaa ayey dhexdooda ka oogantaa oo ay dagaal iyo difaac tagtaa.  Bal ii sheega, maxaa kale oo aan hunguri ahayn oo rag isu geeya?  Waxse ka weyn oo kale oo rag walaaleeya bal ii sheega?  Kalmado noocaa oo kale ah ayuu ku canaantay.  Raggii cargaagtamay markii ay hunguriga arkeen ayaa marxabbayn iyo weeye wajiyadooda laga dareemay. 

 

Haddii aan ka yara leexdo sheekada, waxaad moodaa in Karl Marx (1818-1883) iyo saaxiibkii Frederick Engels (1820-1895) oo ahaa nimankii qoray “The Communist Manifesto” ay baal ka mid ah falsafadan Wiil Waal amaahdeen markii ay lahaayeen hadalkii macnihiisu ahaa:  sooyaalka taariikheed ee dunidu wuxuu waliigaba ku dhisnaa dagaal dabaqadaha u dhexeeya.  Addoon sayidkiisii iska dhici is leh, saanaca iyo ka hoosada uu ka shaqeeyo leh, dulmane iyo kii dulmay iwm oo daa’inkood dirir ku jiray.  Marka laysku soo uruuriyo waxay isku haystaan wuxuu isugu imanayaa hawo adduun iyo hunguri sida Wiil Waalba caddeeyey qarniyo ka hor Marx iyo Engels.

 

Sidoo kale waxaa si xikmad badan arintaa gabay ahaan ugu cabbiray Cabdullaahi Badel Cabdi Qamaan oo ah gabayaa isu geystay hal-abuur hodan ah iyo falsafad culus Waa kii lahaa:

 

- Shanta qaaradood waxa ka riday, qayladiyo buuqa

- Waxa qamarka guud iyo hawada, qaraxa loo saaray

- Waa quud nin haystiyo mid raba, inuu ka qaataaye

- Ama qaab uu gumaystuhu bartiyo, waa qoqoba riixe

 

Sheekadii aan gunaanadee, intaasi markay dhacday ayuu Wiil Waal wajahay dhinacii odaygii. Wuxuu ku yidhi hadal macnihiisu ahaa: gabadhaadu waxay ka garaad wanaagsan tahay dhamaan ragga halkan fadhiya.  Qof rag iyo dumar toona u dhigma ma jirto, sidaa awgeed waxaan rabaa inaan kula xidido.  Odaygii oo ay horay neefi uga soo booday ayaa waayahay waa lagu siin gabadha Garaad ku jawaabay. 

 

Adiguba haddii aad xilligaa joogi lahayd, fursad aad kula xidido Garaad Wiil Waalna heli lahayd miyaad ka labalabayn lahayd?  Waa maya jawaabtu ayey ila tahay.  Halkaa ayaa gabadhii xujadda furtay loogu dhisay Wiil Waal ciddiina ku qaraabowday.  Walaalayntii ragga wuxuu hungurigu ku darsaday inuu ragga xidid ka dhigo maxaa yeelay hungurigii geedka la keenay ayaa sababay in gabadhada Garaadka loo dhiso.  

 

Dhammaad. 

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.