Home

Khadar Boojaali

                                                       Jawaabtii Ciil ka keen

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Agoosto 26keedii, 2007dii waxaa nasoo gaadhay gabay uu tiriyey Xuseen Cabdi Xalane oo uu u bixiyey Ciil ka keen.  Sidaad la socoteen, gabaygaa isla maalintaaba wuxuu kusoo baxay bogga hore ee doollo.com.  Waxaanu helnay fariimo badan oo gabaygaa la xidhiidha.  Fariimahaa aanu helnay waxaa ka mid ah gabay uu tiriyey Khadar Boojaali oo tixraacaya Ciil ka keen.  Gabaygii Khadar Boojaali waa kan ee akhris wanaagsan.    Wixii falcelis ah ee la xidhiidha gabaygan kusoo hagaaji mail@doollo.com Khadar wuxuu yidhi:      

  • Xalanoow dabuub gabay baryahan, waanigii daday

  • Dubaaqayga waataan ka jaray, dihashadiisiiye

  • Hayeeshee danbaa tidhi inaan, dib ugu laabtaaye

  • Darartiyo warkaagii markaan, dacal ka faaloodo

  • Darxumiyo dhibkiyo reer tolkeen, daranyadaa haysa

  • Dulligiyo gumaadkay qabaan, kama dahsoonayne

  • Kamana diirnaxayn geeridoo, dirir ma moogeyne

  • Dagaalna way wadeenoow waqood, dayni mahayaane

  • Daafileey Amxaar iyo Tigree, nama dulleysteene 

  • Markaanse daandaamiyeen, dadab u tuuraaba

  • Dakaniyo colaad raagtay bay, dib u xusuusiine

  • Darwiishkiyo waxay soo qabtaan, Koofil dillidiiye

  • Dacalka Afrikaad oodhan baan, duban lahaa wiige

  • Dawlado shisheeyiyo Kufraa, loogu dawgalaye

  • Afartaa daliilshay hadaan, dayo Ogaadeenka

  • Dammanaansho Cowlyahan markaad, doqon ku sheegayso

  • Darraatiyo wixii dhacay Jubbada, aan dib ugu laabto

  • Dacdaacsigii Ina Siyaad iyo, dawladii kibirtay 

  • Markuu sharafta naga diirayee, weerar nagu daacshay

  • Nimankii Absame daafacee, xumaha noo diiday

  • Ee duunyo iyo maal naf huray, dahab wixii yiilay

  • Dumid iyo waxay mudan yihiin, doonid iyo baaqe

  • Doqonimo ku sheegaagu waa, deerooy kala yaace

  • Afartaa daliilshaye haddaan, dacal kale u leexdo

  • Makaahiilku deyrbuu ahaa, lagu dangiigaye

  • Dabka ay shidaan buu Absame, diirsadaa abide

  • Dushana ceeb ma saartaan haddaan, lays dafirahayne

  • Dabadhilif ku sheegaagu, waa daciifnimo e

  • Kol hadday dagaal tahay la waa, niman la doodaaye

  • Imisay Amxaar dooro weyn, kaga daryaansheen

  • Imisay rag daandaansi wada, daanka jabiyeen

  • Imisay difaac kaga jireen, Doollo iyo Faafan

  • Reer Sacad dulqaadbuu lahaa, daa’in abidkiiye

  • Darbina way ahaayeen aan jabin, oo dareen kulule

  • Eeggana   docday iga jiraan, dayro kama yeedhin

  • Afartaa dalliilshaye haddaan, dacal kale u baydho

  • Dawlad weeye oo Reer Subeer waa, dad fara weyne

  • Dabaqoodhina lama waayo iyo, dayro qaar sida e

  • Dadna  wadar isuma raaci karo, Aadan dabadiiye

  • Duco iyo baryaan Eebbahay, dumid ka tuugaaye

  •  

  • Afartaa daliilshaye  haddaan, dacal kale u leexdo

  • Af-xumadii aad daadiseed, daan walba u saydhay

  • Weyteenka duubka leh iyo raggaad, docadocaynaysay

  • Dafiraadda Cabudwaaq iyo, dumar ku sheegaaga

  • Jidwaaqda aad dayriseed, daafida ku cayday

  • Heestaadu waxay daaran tahay, iima daadagine

  • Daantaa Qalaafiyo  Bahgari, Daaakhatiyo Faafan

  • Digiino iyo Reer Baare iyo, diracyadii Baalcad

  • Cabdaluhu Miraaad kama dammana,  oo ma duudsiyine

  • Goortay dareemaan baa qalbigu, wada dubaaxshaaye

  • Hadii aad danaynayso ooy, daacad tahay heestu

  • Danta guud haddii aad jeclayd, amaad dabiibaysay

  • Damacaagii baa kula hadhiyo, faraskii doolaabe

  • Daantaadii baa jaban oo, daad kasoo galaye

  • Nin daboolan baan kuu arkaa, sidan daraadeede

  • Dawlado shisheeyiyo raggaa, dibada meeraaya

  • Dacalkii aqoonyahanadaa, layga dilayaaye  

  • Adiguna dilaal baad tihiyo, Yuu En dabaroore

  • Doolaar iyo waxaad raadisaa,   duunyo iyo maale

  • Danna kama aad lihid ruux kalooy, daranyo haysaaye

  • Dubaaxdaada shiiloo   ninyahow, dayso hadalkaaga

  • Hadii kale waxaad dalaq ku odhan, dawyo kala dheere

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.