Home

Ibraahim Cayo 

                                                                                   Haameey:  Silsiladdii Halac iyo Haameey


Ibraahim wuxuu ahaa Reer Jigjiga wuxuuse asal ahaan kasoo jeedaa degaanka Doollo ee ay Wardheer caasimadda u tahay.  Xilligii ay socotay silsiladdii Haameey/Halac Dheere ayuu gabaygan u tiriyey nin Haameey la odhan jiray oo Harti ahaa. 
Haameey dadka qaarbaa sheega inuu Dhulbahante ahaa qaarna waxay yidhaahdeen ma ahayne wuxuu ahaa Majeerteen.  Ibraahin Cayo iyo Haameey waxay ka wada shaqayn jireen xadiidka tareenka ee isku xidha Jabuuti iyo Itoobiya.    Annagu ma aanaan aqoon ninkaa laakiin waxaa la sheegay inuu ahaa nin hunguri weyn. Gabayguna sidaa ayuu ku socdaa.  Ibraahin si uu u helo qodob uu ka gabyo wuxuu wan buuran u qalay Haameey oo ay saaxiib ahaayeen wuxuuna ku yidhi dhammee saaxiib.  Ibraahin isagoo arrintaa ka hadlaya, gabayadii hore ee Harti ka yimidna ka dabaakhtamaya ayuu kan hoose tiriyey.   

 

Waxay ugu muuqataa inaan dadku isku heer ahayn Talyaani iyo Ingiriis intaanay dalka iman.  Waxaa la sarreeya laftiisa kuwa kale ee uu gabaygu dhexmarayna way la hooseeyaan.  Wuxuu xusay shaki dhinacoodu qabay oo ahaa inaan Cali Sharmaarke gabaygu afarta meeris ee uu ka kacay lahayn ee uu nin Hunle la odhan jiray u dhiibay oo waa ka leh: Hunle Tanade weeyee hadduu, halal yar kuu dhiibay.  Inaan hanbo laga rabin Haameey markii loo loogay iyo inaan nin gob ahi martisoor uu bixiyey hanbo ka sugin, ayuu ku dooday.  Wuxuu sheegay in nimankaa gabayga soo dhiibay aanay ahayn niman ceebta iska dhawra.  Waxay la tahay in dhaqanka Soomaalidu leeyahay xeer hufan oo haga martida iyo ka loo martiyeyba, xeerkiina uu Harti jabiyey.  Wuxuu ku gooyey Haameey bal nala arka intaad Halacda uun  haysaan.  Wuxuu yidhi:

 

           Dadka Dhabayaco heer lama ahayn, lamana heesayne

           Markuu Faranji heenseestay buu, soo hanbaabiraye

           Huurmoodka Deex Bari ka yimid, way hinbaabiciye 

           Hebel magaca ay sheegayaan, uma hagmaayaane

           Hoggaan diin ah waatii dorraad, loo hanbooriyaye

 

           Dhabayaco hummaag been ah, ways kaga hadaaqaane

           Saddex hadaloo kugu huursanaa, tan iyo Haabiilba

           Kolkaad Orobo heegan u tahaad, la hardafaysaane

           Hunle Tanade weeyee hadduu, halal yar kuu dhiibay

           Sidii heeshii webigoo kalaan, kuu hafinayaaye

 

           Hal waxaan ka idhi heybta iyo, habarwicii yeedhay

           Waxaad Koonbe uga haayirteen, Geri halaagiiye

           Harti goloha kama yeedhi jirin, eegga ka horowe

           Wixii harag cadcadi suu cabbaar, kuu hawadinaayey

           Wali Dhabayacooy kaama hadhin, huutinimadiiye

           Holla xumaddu waa duuggagii, inaad hagaagteene

 

           Halla waxaan ka idhi kii haddeer, hononay ee faaney

           Hidda boqor ma gaadhide waxyahow, midig ka haaneedi

           Dhaqankiina hiijada lahaa, ee huqdigu jiifo

           Iyo higiradiinaa yaree, idin hungaynaysa

           Hannaankii gun kaa dhigi jiraa, u hardi weynaaye

           Hiyigaad ku xeertiin sidaan, kuu haraatinayba

           Gooraad hagaagtiyo ma jirin, haro ku maydhaaye 

           Gobonimada saad jeer habeen, uga huleesheenba

           Hadda sidii hormuud Kuumadiyo, haybtayada guudba

           Hulka xeebta idinkoo hundhudha, kuu horjoogsadayba

           Lama arag habeen uu wanaag, kuu hoyaadtimaye

 

           Halla waxaan ka idhi reer Hartiga, kaba han weyneyne

           Si’aad noo hareer joogsataan, dhaaxba la helayne

           Sumuc idinku heeryee Kufriga, loo hishiishiciye

           Inaad wada hanfadayaal tihiin, maalintuu hubiyo

           Sida waagii aad naga hadhuu, kuu haraatiyiye 

           Hubka aan tolkay haysaninee, lagu halaagaayo

           Waxaa nooga hiirtaanyo badan, dood haweysigane

           Huubooyin buu nagu af-baray, huura-eyluhuye

 

           Halla waxaan ka leeyahay hanbiyo, tii hungurigiiya

           Marti weelal heemaarsatoo, reer usoo hoyata

           Dad hanti leh hadhuub caano li’iyo, hoo intuu bixiyo

           Hibashiyo catow kuma dareen, dhiil la heensadaye 

           Idinkaa hallada ceeba li’yo, hayla qaab darane

           Tu la hubo habaynkii Jigjiga, xeedhyo hilibaysan

           Hanbo lagama doonayn sidii, reer hadhuub suge e 

           Waase Dhabayac uur hudhucsan oo, dhabar higaagnaaye

           Wan habeed leh goortuu liqiyo, fuud hal jaban deeqa

           Kor u hilatadiisii intuu, hilib kasii buuxsho

           Baruurtuu hanbaday soo higgoo, haysan kari waaye 

           Hunqaacada kolkuu boodayee, sii hummaagsanayey

           Hankakoobsiguu fooraree, hogol butaacaayey

           Hucda iyo hacdii iyo wuxuu, kala hiinraagaayey 

           Hayaay iyo haween soo didiyo, ubad hurdaa toosay

           Maxaa helay maxaa tallow hayiyo, hadaladii faafay

           Hoostiina kama dhawrataan, hogaga ceebeede

           Haddaydaan Hartiba ma aha odhan, hunufka saa yeelay

           Haameey xaggee jiray intii, Halac la sheegaayey?

 

Raggii Silsiladdii Haameey/Halac Dheere ku jiray ee Harti jawaab ay ka bixiyeen gabaygan ma arag.  Haddii aad hayso noo soo dir.

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.