Home

 

Khaliif Xarbi Ismaaciil

                                                              WWII

 
 
The largest online collection of Somali poetry

1.      Carabow saf geeraar ka tagay, suuradeyn gabaye

2.   Sadar kamaanan wicin meesha iyo, seydhki karameede

3.   Sooreyso geel baa ilmaha, lagu sabaalaaye

4.   Waa taan sarbeeb iyo ka dhigay, soocashiyo diide

5.   Aan sunneeyo caawana mid baa, laygu sarayaaye

 

6.   Jiilaal saboodhiyey dhulkoo, saacu ka idlaaday

7.   Sukhriga duuli siigada lalkiyo, saxarka oo daatay

8.   Saxalkii galdiid iyo hadduu, sagalku naafeeyo

9.   Cirka oo daruur saaray iyo, seylalaxa roobka

10. Sagaaloodka waa loo dayaa, sayrma weydade

11. Aniguna halkaan saanyadaan, sare u yeedhaaye

12. Aan sifeeyo caawana tixdaan, saabka ka higaadshey

 

13. Saldhig malaha dawlooyinkii, sara-kac mooyeene

14. Ilaalada la soogiyo raggaa, seexashada diiday

15. Saqdhexaadka laarmiga haddii, saacad la afuufo

16. Salfidan gaadhka subaxdii Allaba, salawgan yeedhaaye

17. Magaalooyinkaa laga sasiyo, soortan iman weydey

18. Wax siraadka loo damin, naftaa la sasabaaye

 

19. Lagana socay so’dii ceel dagaal, sabadi Ooyoode

20. Sibidhkiyo taqdaadkiina waa, lagu sameeyaaye

21. Waa kaa makiinado la sudhay, siliga taarkiiye

22. Waa kaa subeehiga la dhigay, soljarka ahaaye

 

23. Surinkaan mareyniyo dhulkii, seero laga yeelye

24. Sinbaa looga leexdaa wadada, sida sagaareede

25. Silicuu Ogaadeen qabiyo, reer Subeer Moxamed

26. Sawjado haween buu noqdiyo, sogob dhufaaneede

27. Subax kaliye waa kii la dhigay, sumici gaabnaaye

28. Saawiro af beelaa dadkii, lagu sinnaanaadaaye

 

29. Ninki waayo samay dheer lahaa, siiqa lagu reebye

30. Soofaha intii hayn jirtiyo, sikhilki duugowye

31. Sayid Moxamed xaruntii, ma jiro inuu sameeyaaye

32. Sallib iyo Daraawiish marbay, sanan ku qaateene

33. Sulli buu wadaadkii ku tagay, sud iyo Iimey e

 

34. Sabool weeye Cali-Keenadiid, suqayar caydheede

35. Isaguba baryuu calanka sidiyo, siiradii boqore

36. Sirtii Nuur Cismaan baa dishaye, kama salguurteene

 

37. Salaasiyo amiirana marbay, dunida saabteene

38. Sarcigii hadhuudhkiyo intii, sagaro loo dhiibay

39. Iyaguba ka saahide halkuu, subuggu tuullaaye

40. Ruuxii sad weyn qabay mar bay, sibiq ku dhaaftaaye

 

41. Ingiriisna saabaanka dhigay, soolki dacareede

42. Saliiddiyo garneylkii qabbirey, saanaddii kore

43. Suuqiyo ma yaalaan dhulkii, sare u qaadnaaye

44. Sawir dooney Soodaan Yamyama, sun iyo baaruude

45. Meeshiyo Suldaankey dagaal, kala saxiixdeene

 

46. Goortii Suweys laga xidho bay, sababu joogtaaye

47. Sareediyo bad reer Ruushan waa, sado dharaadeede

48. Sawaaxili maraakiib ma jiro, laga sugaayaaye

49. Saraakiishi oon baa diliyo, suudi iyo dheele

50. Saad iyo biyaba daarihii, kama suxuurtaane

 

51. Nin waliba sariirtii ka carar, gogoshu saarreyde

52. Sahankii Jarmaaniya hadduu, saylo marayaaye

53. Saddexdii xuduudoodba waa, laga sokeeyaaye

54. Allow sahale Soomaali baa, loo sardamayaaye

 

55. Sixir baa cedceed nagaga yimid, seyladii Bariye

56. Soddon bay dayuurado u mari, samada guudkahe

57. Ebid Seyncadaadigu ma arag, saatanoo kale

58. Maantana sidii baan ka baqi, sanaci waagiiye

 

59. Aniguna adduun laga samray baan, soobirta hayaaye

60. Salligii Rasuulkiyo intaan, saxayo tawxiidka

61. Sakaraad qiyaamaha haddaan, cidiba seegeynin

62. Su’aasheeda aakhiro intaan, suurka la afuufin

63. Kolka maan salaada uun tukudo, sahalka ii dhaafi

 
 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.