Home

Nimanka Iidoor

                                                 Maax Dhagoole

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Maax Dhagoole wuxuu ahaa gabayaa Reer Dhagax Buur, Ciid, iyo Doolloodba ahaa oo xilliggii uu noolaa aan cidina gabay ku maagi jirin.  Wuxuu soo gaadhay qarnigii tagay horraantiisii.  In kasta oo uu yaraan ku geeriyooday, wuxuu la gedo iyo wakhtiba ahaa abwaano culculus sida Maxamuud Cali Beenaleey, Camanje Yogol, Xarbi Ismaaciil, Maxamed Cumar Dage iyo kuwa kale.

 

Maax wuxuu gabaygu aad ugu bixi jiray kolka ay laba qoys maansada isku hardiyaan.  Wuxuu seeftiisa galka kala bixi jiray gaar ahaan marka Isaaq gabay laga soo sheego oo isla daqiiqadda uu maqlaba jawaab ka celin jiray.  Wuxuu odhan jiray Absame aniga faraha ha iiga qaado nimankaa Isaaq oo yaan cid aan ani ahayni u jawaabin.

 

Nasiib xumo gabayadiisii wax badan ilaa iyo hadda nagama soo gaadhin.  Dhawr tixood oo aan ka qornay cajalad Cabdullaahi Dhoodaan duubay ayaan halkan idiinku soo gudbinaynaa.  Silsiladdii ay ugu cadcadaayeen Camanje, Cali Geele, Beenaleey iyo Maax ayaa markii gabayadii ay is dhaafsadeen saddexda nin ee hore loo geeyey wuxuu ku darsaday gabay aan ka hayno: 

  • Abtiyaashay anigaa aqaan, nimanka Iidoore

  • Ha ka aamusnaadeen Absame, waan abhinayaaye

  • Aroortay yimaadeen iyagoo, awr faruun xidhane

  • Irriduu yaxoobaa siddii, ood fadhiisin ahee

  • Uurtuu ka reemaa siddii, igadh cayuumeede

  • Cirka oo unkadi buu yidhaa, adhiga ii looge

  • Aqal aad ah buul ooraluu, ka ag samaystaaye

  • Aagaamuhuu kala yaqaan, ta u iniin roone

  • Aboodaan ka gubi buu yidhaa, ubad fayoobaaye

  • Istalaab xun buu kaga dhigaa, meeshan oofta ahe

  • Ilamahan galabtuu iman, aabihii dhalaye

  • Afcastuna markaasaay dishaa, kabadhe Iidoore

  •  ...

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.