Home

Maxamed Bulxan 

                                                                             Dhamal

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Waa mar kale iyo taxenihii ahaa “rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi”  Waxaa maanta barnaamijka marti inoogu ah Maxamed Bulxan iyo gabaygii uu ka tiriyey dagaalkii Dhamal. 

 

Xilli lagu qiyaasay dabayaaqadii qarnigii 19aad, intii aanay Daraawiishi wali qalabka qaadan, ayaa dagaal khadhaadhi dhexmaray labo jilib oo Isaaq, Habar Awal ah.  Wuxuu dagaalkaasi ka dhacay meel la yidhaahdo Dhamal oo degaanka Berbera magaalada u ahayd ka mid ah.  Waxaa dagaalkaa gabayo digasho ah ka tiriyey rag dhawr ah oo Isaaqa kale ah iyagoo nimankaa haybta wada sheegta ee birta iska aslay ku diganaya.  Waxaa sidoo kale gabayo calaal ah mariyey niman qolyihii isku baaba’ay kasoo jeeda.

 

Maxamed Bulxan oo lagu naanaysi jiray Maxamed-cawar oo nimankaa is laayey la hayb ah ayaa haddaba gabay uu kula hadlayo raggii dagaalka ka calaacalay iyo kuwii ku digtayba mariyey.  Waa gabay qudhiisu hawaalawaran iyo calaacal u badan.  Wuxuu Maxamed si balaadhan uga waramay colaado badan oo dhulka Soomaalidu degto xilligaa ka holcayey iyo abaaro xun oo dadkii naafeeyey.  Waxay dulucdiisu tahay in dhibaatada bahdii ku dhacday dad badani la qabo oo aanay gaar iyaga uun ku ahayn.  Wuxuu yidhi: 

 

            Burhaan gabay Bullaalow baryahan, beerka kuma hayne

            Waataan ka baalidey sidii, beeyo roob helaye

            Xalaybaa habeenkoo badhtamay, baan la ii tumaye

            Aan bayamiyo wa taan tixaha, buuni ku ahaaye

 

            Balaayada adduun wali ma iman, bohoradeediiye

            Buuray ku joogtaa intay, reero baabi’ine

            Hadba qolodii bocor haysataa, loo bun dubayaaye

            Badhaadhiyo sabool baysu jira, laba bidhaamoode

            Banka xoolo lagu foofiyaa, biid kasoo hoyane

            Ninkii baxaya buuraha jinkaa, loo bidhbidhiyaaye

            Booraamo haddimuu Iblays, uga bidhaamaaye

            Waxaa lagu bilkaydaa kuwii, boholo Faaf yiile

 

            Nuux Maxamed waa kii is bulay, beri colowgiiye

            Bixin kuma lisaan qaalmihii, boodh cadka ahaaye

            Biyaha Yuusuf iyo Aadan waw, kala baqaayaaye

            Barbaar jeedal sidataa ka nool, labadii beeloode

            Budhcadii Ruguud iyo Xiis, way bannaantahaye

            Batar kama tumaan Muusayow, barandihii Maydhe

            Laasqoray baqoolkii ma galo, bedenkii reer Suure

            Boosaaso iyo Eylna waa, laga baroortaaye

            Butiyaalo nimankii fadhiyey, way ka baxayeene

 

            Majeerteen is balawaadhintii, kala bannaan qaadye

            Burjigii ka duul Nuur Cismaan, jarayey baanaha e

            Baxsanow Keenadiid wuxuu u kacay, beled shisheeyaaye

            Hobyo ugama baydheen ninkii, Baho u weynaaye

 

            Biyomaal Baraawiyo fadhiya, badaha sii jeeda

            Isba Boodhe dabadeed ma cunin, budiyo iidaane

            Biddoodkii Kismaayoodna ways, wada bog dooxaane

            Boon iyo Xirsina haatan dhige, bilic wanaagiiye

            Bulshadii Garaad Faarax iyo, bariba naafowye

            Barkad iyo guryihii Bah Ararsame, balal ka qiiqowye

            Boos Cali iyo Reer Gorodna, way kala birdhiiftaane

            Rawax maalintii lagu bulay, beden coloobeene

            Buuhoodle laga waa waxay, beri ku haysteene

            Reer Sugule goodiga bankuu, baalcaddii dhigaye

            Iyana baarax uma soo shiraan, beri samaadkiiye

            Waa beeyo Habar Yoonistii, bu’aha waalayde

            Waa taa laftoodaa balaqan, booraan loo qodiye

            Arabna wuxuu la balawaasayaa, boogtadii shalaye

            Waa tii Bah Deylana la dhigay, bacadkii Sheedaade

            Makaahiilku boogtaa ku taal, waa bukaa waliye

            Dadkaba nimaan baduugaha mar noqon, buugga laga waaye

            Boqor iyo ka hoosow ma jiro, nimaan budhaysnayne

            Dadka wada bakhtiyey Adari baan, bari ku noolayne

            Waxa Xabashi baasku ugu dhacay, waysu baaneene

            Haddii Mililig waa baal gashaday, haatan baylehe

            Birtu dharagtay goortuu Ilyaas, yaa-bahooy yidhiye

            Biyaha Awdal waxaa joogi jiray, wiilal loo bogoye

            Burhaan beygii dhalay yaa beryana, baawar ku lahaaye

            Barkiyoomin lacaguu lahaa, haatan baalida e

            Baashiga lasoo sheegayee, baladadii qaatay

            Banaadiikhda la iskaga cayimay, beerka iyo laabta

            Boqorada la wada gowraciyo, buuniyada ooyi

            Waa baadi geerida Isaaq, loo bundubayaaye

            Bur sareen leh hay dubin kuwii, beertay laga qaadye

            Weysada biyee waxaan u kic, beydki Nebigiiye

            Balka ii dhig caawaba qaluhu, hayga sii baxo e

            Adiguna tolkaa baal ka raac, bulan xigaalkeene

 

 _________________

Meerisyada qaarkood si kala duwan ayaa loo soo tabiyey.  Bawsi iyo inba meel ka keen ayaan markii hore gabaygan ku uruuriyey, waxaanse ugu dambayn ka saxay buugga Aw Jaamac Cumar Ciise. Himilada Maansadii Hore.  Xarunta Cilmi Baadhista ee Jabuuti. Jabuuti. 2005.  Sida aan usoo gudbinay iyo sida Aw Jaamac gabayga u qoray khilaaf aan badnayn ayaa ku jira.

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.