Home

Balqiis

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

Wuxuu Maxamed Satnza heestan wadaniga ah curiyey December 16, 2003.  Wuxuu abwaanku heestay u bixiyey Balqiis.  Wuxuu ku bilaabay: 

 

·        Bisha oo lix iyo toban

·        barigoo salaasa ah

·        todobiyo badh-saac tahay,

·        ayunbaan Balqiiseey

·        figta baaca laacoon

·        huunno soo baraarugay,

·        boogtii kalgacalkiyo

·        boholyoowga caashaqaan

·        bar u seexan waayee,

·        bureeqadii haweenkaay

·        adaan kuu buseylee

·        ma i baanan gacalooy?

·        Barkeed iga jirtaa

·        Balqiiseey ku nooshohoon

·        kaa baafiyaa?

 

·        Dhulku kala bidhaan wacan

·        baro iyo isdheer muuq

·        kala budul wanaahsane,

·        Howdoo barwaaqa ah

·        baadkuna ugbaad yohoo

·        baasheeyay roobkii,

·        Qorraxeey bankeedoo

·        Biciidkiyo Ugaadhii

·        ay bariisanaayaan,

·        oy barisammaad tohoo

·        dhaantiyo balooleey

·        barbaartii ka tummayaan,

·        miyaad beegsatoo

·        ku ilbuuxsatoon

·        kaa baafiyaa?

 

·        Godey bilic wanaag iyo

·        Birqod iyo Bullaalaad

·        ku barbaartay inanyahay,

·        baladkii Qallaafiyo

·        Qabribayax bal iyo keyn

·        buddhiggeeda Dhagaxbuur,

·        baayga Haradigeed iyo

·        Baareey dusheedooy

·        balliyadu xarfanayaan,

·        shimbiruhu mar buubaan

·        marna ay bugaadshaan

·        marna biyo makhuurtaan,

·        miyaad beegsatoo

·        ku ilbuuxsatoon

·        kaa baafiyaa?

 

·        Buuraha ku yaal Harar

·        Diridhabo san iyo booc

·        beydkeenni weeyaan,

·        Daharroo baraarsaday

·        toggu biyaha soo rogoo

·        burqanaayo gacankii,

·        Bacaadweyn Shilaabiyo

·        Wardheer biyaxireenkii

·        ayaan booqaneynaa,

·        Godcusbooy bil-ciid tohoo

·        nayruus baxnaankii

·        bam la dhacay mahiigaan,

·        miyaad beegsatoo

·        ku ilbuuxsatoon

·        kaa baafiyaa?

 

·        Baqal eegmadii leey

·        ubax rays barbaarshiyo

·        biya-dahab Gobaadeey,

·        hadduu calafku baaqdaa

·        ama ani bud laidhigo

·        Balqiiseey nasiibkaa,

·        haddii buugga lagu qoray

·        bandhig iyo aroos wacan

·        ubad naga dhaxbeermaa,

·        calankeenna biidkee

·        saddax baalba midabkaan

·        boorso kaaga tolayaa,

·        Buaaliyo Kismaayiyo

·        Balqiis wabi-Shabeellaan

·        baanka kuugu tummayaa.


 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.