Home

Baroordiiq

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

Waxaa maansadan midnimada iyo macaankeeda iyo qabyaaladda iyo 
qurunkeeda ka  hadleysa curiyay Maxamed Cabdiqaadir Daauud waxayna 
soo baxday May 24, 2002.
                               
  • Baaq waxaan u dirayaa
  • bulshadeydan laayacan
  • maansadaan burqaneysee
  • baacuggiyo dareemaha
  • aan beerka ka alkumay
  • bilaash ooma curinine
  • waa iga baroordiiq
  • barbaartii dalkeygiyo
  • beel wada hurdeysaan
  • beerlaxawsanaayaa
  • bishaariyo bilkheyr dhaha
  •  
  • Waxba hadalka yaan badin
  • hadduu baladku nagi yahay
  • bisilyahay dadkeyguna [Somaali]
  • ma balween ayaan nool
  • ilmo ima butaacdeen
  • ishu ima basaasteen
  • ba'da gabayga jiiftada
  • waloow aan ka baaqsaday
  • barya aan ka gaabsaday
  • bal aan baadigooboon
  • maansadii baroordiiq
  • budulkeeda raadshoon
  • ka afuufa boorkee
  • bulshooy dhagaha ii fura.
  •  
  • Nimanyahoow bahdeennii
  • wey kala baqooshoo
  • baallaha adduunkaan
  • baayhoof ku wada nahay
  • basanbaaska nagu dhacay
  • waa balo lixaadweyn
  • badihii dalkeennee
  • kheyraadku buuxay
  • baamishoon la'aan bey
  • shisheeyuhu baljiiraan
  • maraakiib ka buuxshaan
  • si uu baaqi uga harin
  • xeebti babaca-dheereed
  • boolushoon ku dhaafaan
  • bad-joogtina burburiyaan
  • annaguna barkumataal
  • baaba'a qaxootigaa
  • bur naloo halbeegaa
  • barbaarteenni qarankana
  • waa waxey bada la quuseen
  • wuxuu booba laayiyo
  • wax buseyl-guhaad qaboo
  • sideydaa bukaansocod
  • boholyoowna daashadoo
  • baroordiiqda weheshada
  • wax u baxay bannaankoo
  • bad nin-kale u xaaqaan
  • baabuur dhaqaanoo
  • badaw lagu yiraahdiyo
  • boqol suuqa meeraan
  • ilkihii ka bololoo
  • baarixigu daashaday
  • bulshayahay dhammaantiin
  • barkimaha ka toosoo
  • is-baheysta gabigiin
  • beegsada wanaaggoo
  • bah u dirirka daayoo
  • baafiyaay midnima-guud
  • si aan uga barnoqonnaa
  • bari hore xummaantii.
  •  
  • Bookhii dalkeenana
  • intey buugga qaataan
  • ha bartaan tacliin bilan
  • khobarada waxbaartana
  • intey malafyo buuxshaan
  • cadaawihi na boobeen
  • bareerkiyo xasuuqii
  • raggii beerka laga solay
  • raanjarista boodaan
  • kuwey naga baduuqeen
  • bahdilkii gumeystaha
  • Biljam nagu gaboodfalay
  • ayagoo buruuf sida
  • ha u bandhigaan adduunkiyo
  • beesha-caalamkoo idil.
  •  
  • Suugaantu waa bilic
  • waa beer dabiici ah
  • baawar iyo awood badan
  • lagu keydsha beerkoo
  • murti baac leh weeyaan
  • billad weeya dahabi ah
  • biya aan gureynoo
  • lagu ciilbaxaa waa
  • bayaankeeda aan qoroo
  • barri iyo haddeertaba
  • u bandhiga dadkeygoon
  • ugu baaqa gobanimo.
  •  
  • Fannaaniinta soo baxay
  • codka yey la baaqanin
  • burseyntiyo cayaaraha
  • barta loo caweystaga
  • masraxyada ha buuxshaan
  • walaalahan is-beernacay
  • nabad ha ugu baaqaan
  • qof walbana barkuu jira
  • inuu buuxsha weeyaan
  • booskii marnaadaa.
  •  
  • Aqoonyahanadoow
  • baxa booqda goboladoo idil
  • beesha waxaad u sheegtaan
  • boqornimada qarannimo
  • baahida calanka loo qaba
  • iyo gacal is-biirsada.
  •  
  • Hablihii bahdeenoow
  • kuwii laiga beeroow
  • ama laila beeree
  • badni ila wadaagoow
  • barbarkiinna naga kaboo
  • bixiyoo juhdiga hura
  • daaweeya boogaha
  • iyo beerkutaalada
  • noo beernuglaadoo
  • kaalaya ila baroortaay
  • qabiilkana ka bayraay
  • idinkaa boggiinniyo
  • dhabta nagu barbaarshee
  • bi'iwaayinoow kaca
  • Baxsan gabadha-soomaal
  • booyaas intaa tahay
  • Yurub barafka kugu dili
  • anna aan baroorani
  • wallee waa bayuur culus.

 


 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.