Home

Bu'aale

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

 

Jiiftadan wadaniga ah waxaa allifay Abwaan Maxamad Cabdiqaadir Daa’uud 
[Stanza] August 08, 2002.  Wuxuu yidhi:  
 
  • Bu’aalaay waxaa tahay
  •  
  • beertii dalxiiskiyo
  •  
  • madashii barwaaqadoo
  •  
  • beyd loo buseyliyo
  •  
  • waxaa tahay bad aan gurin
  •  
  •  
  • nimcadu ay ku badan tahay
  •  
  • billad iyo ileyseey
  •  
  • hooygii bilnaayee
  •  
  • la’igu soo barbaarshaay
  •  
  • bidhaan qurux wanaageey
  •  
  • adaan baraf waxgeystiyo
  •  
  • laheyn boor markaa kocoo
  •  
  • bookh iyo man iyo ubax
  •  
  • sahuur wada bilcamayaay
  •  
  • kaa dheer dhib iyo baas
  •  
  • Alloow aadan bukoon abid
  •  
  • kaa dabool balaayada.
  •  
  •  
  • Beerahaaga dihinee
  •  
  • badarkiyo haruurkii
  •  
  • baahida daboolaan
  •  
  • kheyraadka kugu badan
  •  
  • bidhaantaada luulka ah
  •  
  • biyahaaga miirta ah
  •  
  • bashaashta iyo malabkiyo
  •  
  • caanaha bowdka lagu qubaa
  •  
  • baladkii wacnaayee 
  •  
  • bisin lagu gardaadshaay
  •  
  • baaddil laga ilaalshaay
  •  
  • qofkii kugu bariistoo
  •  
  • bilicdaada daawada
  •  
  • boholyoowga ciilkiyo
  •  
  • hadimadaa ka baydhaa
  •  
  • ka babcani bushiyo cudur
  •  
  • Alloow aadan bukoon abid
  •  
  • kaa dabool balaayada
  •  
  •  
  • Badan qurux Bu’aalaay
  •  
  • balad loo duceeyaay
  •  
  • baabkii iftiinkiyo
  •  
  • waa soo baryaayaay
  •  
  • ubax wada bikaacaay
  •  
  • buddhiggii waxaa tahay
  •  
  • beesha iyo walaalaha
  •  
  • bidhaan aragga oo qura
  •  
  • beerkaa ku naaxoo
  •  
  • indhahaa ku baansada
  •  
  • jawi baarid ohoo wacan
  •  
  • neecaaw biyiyo badar
  •  
  • baad iyo ugbaad ay
  •  
  • inta baal ku duushiyo
  •  
  • Balambaalis midabba leh
  •  
  • bahaladu ku raystaan
  •  
  • Allaa kuu bahjooyoo
  •  
  • barrin nabad ah baa tahay
  •  
  • Alloow aadan bukoon abid
  •  
  • kaa dabool balaayada
  •  
  •  
  • Baladkii kalgacalkaay
  •  
  • booskii jacaylkiyo
  •  
  • xaqa lagu badbaadshaay
  •  
  • baatirtii dalkeeygaay
  •  
  • dooxadii bilneeydeey
  •  
  • kugu badan dhir iyo baar
  •  
  • dheelli daaq ka beermiyo
  •  
  • suubaan birqeysiyo
  •  
  • cambo baraf dhiggiisii
  •  
  • ku qabooba beerkaay
  •  
  • cadceed soo baxeysiyo
  •  
  • bidhaantiisi nuurkaay
  •  
  • bil-ciideed la sugayaay
  •  
  • bartii aayatiinkaay
  •  
  • baro lagu dakeeyiyo
  •  
  • gayigii baraartaay
  •  
  • baacuggiyo halbowlaha
  •  
  • beerka xididadiisii
  •  
  • badankeyga oo idil
  •  
  • bardhin baad ku leedahoo
  •  
  • biyahaagu waa dawo
  •  
  • baadkaagu waa malab
  •  
  • bidhaantaadu waa dahab
  •  
  • buyuudaadu waa harac
  •  
  • beeshaadu waa unug
  •  
  • iyo gacal isbiirsadoon
  •  
  • kala beyrin waligood
  •  
  • beerkii wax-garadkaay
  •  
  • Alloow aadan bukoon abid
  •  
  • kaa dabool balaayada
  •  
  •  
  • Wabi baaxad weynoo
  •  
  • biya wixii ku noolaa
  •  
  • bad-joogtu ay ku badan tahay
  •  
  • baanka cirifyadiis 
  •  
  • buuxsheen man iyo bookh
  •  
  • baaleyda haaddiyo
  •  
  • Biciidka iyo Deerada
  •  
  • barqadii duljoogaan
  •  
  • baryo loo dalxiis tagoo
  •  
  • loo bogaadiyaa tahay
  •  
  • biriij laga macaashiyo
  •  
  • baro awliyaadeey
  •  
  • goobtii birqeysee
  •  
  • bogga iga tiilaay
  •  
  • waagii baryaayaba
  •  
  • Alloow yaa ku booqdoo
  •  
  • basarkaaga milicsadoo
  •  
  • kaa baanta dhiiladoo
  •  
  • bandhiggiyo cayaaraha
  •  
  • kugu waabariistaa
  •  
  • Alloow aadan bukoon abid
  • kaa dabool balaayada
  •  
  •  
  • Madashii barbaartaay
  •  
  • mar ay barisammaad tohoo
  •  
  • beeshuna baraar tohoo
  •  
  • dhulku badan cammiran yahay
  •  
  • biyihiyo xareeddii 
  •  
  • balliyadu xarfanayaan
  •  
  • balo iyo colaad jirin
  •  
  • intuu tago burkaagii
  •  
  • Baxsan kugu aroosaa
  •  
  • oo bilic-wanaageey
  •  
  • Birmad caanaheediyo
  •  
  • baruurta iyo hilibkii
  •  
  • ku dabiibo baahidoo
  •  
  • barqo kugu bannaanboxoo
  •  
  • bishaariyo bilkheyr dhohoo
  •  
  • dhibka kaa banmariyaa
  •  
  • bacaadkaaga weheshadoo
  •  
  • marna kugu burseeyaa
  •  
  • batarkiyo caweyskii
  •  
  • barbaarteenna oo idil
  •  
  • baashaal habeen wacan
  •  
  • ugu baaqo heesahoo
  •  
  • waligaa ku baalmarin
  •  
  • kaa aadin balad kale
  •  
  • boqol goor ku daawada
  •  
  • Alloow aadan bukoon abid
  • kaa dabool balaayada
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.