The largest
online collection of Somali poetry
Gabaygan waxaa curiyay Abwaan
Maxamad Cabdiqaadir Daauud [Stanza.]
Taariikgdu markay
aheyd July 22, 2003. Waa gabay waddani ah, wuxuuna
taabanayaa
dhammaanba dhulka ay dagaan shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuuna ka
turjummayaa hodonnimada, bilic-samida iyo barwaaqonimada dalka.
Wuxuu yidhi:
1- Daahiroow
da'dii gabay dayacay, dabin ma haasaawin
2- Indhaweedba waa
kaan ku digan, eenan darandoorin
3- Hayeeshee
dammiirkaa i yidhi, Diiriyoow curiye
4- Dubaakhana
wuxuu igu dirqiyay, shacabka deeqsiiye
5- Daruur gugacday
deyr hoortay iyo, dirir-qayoonaayo
6- Amma danab
dabayl iyo hillaac, dul isku saynsaabay
7- Amma roob
dufaan culus watoo, dunida maansheeyay
8- Amma doog
baxaayiyo sidii, dhado darooreyso
9- Amma daaq
indhuhu daawadaan, dihinta ciiddeena
10 Amma ubax
dillaaciyo sidii, daran dul caygaagto
11 Ama dahabka
ceynkiisa iyo. dayax sagaalaad ah
12 Amma wabi
biyaha daacayoo. dan u karaardhaafay
13 Amma darrin
barwaaqadu dagtoo, lagu dammaashaado
14 Amma doowlad
iyo qaran dastuur, dunidu raacayso
15 Amma daawo lagu
diirsadoo, lagu dikaan suulo
16 Gabaygeygu waa
door manfacaa, loogu dawgalaye
17 Sidaa iyo
darteed dantiyo, adabka daabuula
18 Dulucdiyo u-jeeddada
murtida, daymo-harareeyo
19 Dadkayagoo
dowgoodii garteen, dacas ma gaareene
20 Aniguna nindoor
baan ahaye, dan imma ciisheene
21 Duhur iyo
habeen nool qalbiga, imma dillaaceene
22 Gudcur daaha
soo rogay hurdadu, igama duusheene
23 Anigooy
da'dayduba yartahay, gabay ma duubeene
24 Intaan ciil
dibnaha calashadaa, subax ma diideene
25 Kummaan beesha
daadihi lahaa, dibad ma meereene
26 Kunna doonta
quustiyo kummeey, dageen xeebe
27 Kunna saxaraha
dadabka weyn, dugaag kumma casheeyeene
28 Dammiir li'ida
dadkeyguu qalbigu, ila dubaaxshaaye
29 Diinaahyada
waxaa iigu wacan, diifta iyo ceebta
30 Soomaali wey
dammantohoo, maba daliilyooto
31 Waa qoom
dammiin wada ohoon, garan dantoodiiye
32 Ma dareemayaan
ducfigiyo, doogta nagu taala
33 Dawarsiyo waxey
doorbideen, dibad u yaaceede
34 Dalkayagu inuu
dadanyahaan, idin dareensiine
35 Dirirdhabo
Dannood iyo Hargeelliyo, dagalka Shaygoosh ah
35 Daharriyo
Shilaabiyo rugtaa, geela badan daaqo
36 Degin-sammo
Afdheer iyo, Dooloow dhinaceeda
37 Docda kala
Mandheeriyo halkaa, dheeman lagu duugay
38 Dallahelay
Wajeertaa dugsoon, dulucda Mooyaale
39 Halkuu gaalku
nagu dilahayee, nagu dabsaaraayo
40 Kummanaan
nindoorra ah halkaa, jeelka lagu daayo
41 Darrinkii
Marsabid iyo halkey, dammacday laabteydu
42 Siyeeloow
dixdeediyo halkuu, dahabku noo yiilay
43 Dooxada
Lagdheeraa iyo, wabiga diishiisa
44 Gaarisiyo
dalkeygii wacnaa, Laamo dacalkeeda.
45 Jubba labada
daanyood halkaa, dooggu darameystay
46 Daafaha
Bu’aaliyo halkaa, diinta lagu oogo
46 Daaskii
Kismaayiyo illaa, daanka Baladweyne.
47 Amma dooxa Bay iyo Bakool, daginka
kheyraadka
48 Daashkeeda
Baardheera iyo, dalaska Boosaaso.
49 Dalxiis wacaney
Hargeysiyo, tan iyo Daratoole
50 Darrinka
Cerigaabo iyo Nugaal, malabka noo daadsan
51 Daawashada u
rooneey Goldogob, baladka Daauuska
52 Halkuu farasku
noo daaqi jiray, saban daraawiishki
52 Haddana uu
tolkeey dagan yehee, dammalku ii yiilo
53 Beerdhigo
darkeediyo illaa, Daalo iyo Howdba
54 Ceelbur bal
daawadaay, dagin-wanaaggeeda
55 Ku ildoogsadaay
Xamar bal dayo, dararta naaskeeda
56 Iyo dacalada
dalkoo idil, oonan wada dooxin
57 Dib u
milicsadoo wada darsaay, dagalka muuqiisa
58 Dockastaba bal
diirdhuuxa, doogga lagu dheehay
59 Dibad iyo kob
lagu doorsadaan jirin, deeqa-badanoowe
60 Meel lagu dagaalaba ma aha, doqon
unbaa mooge
61 Dareyskeeni
weeyaan bilnaa, daa'in abidkiiye
62 Qalbigaygu
wuxuu doonayaa, inaad wada dareentaane
63 Halyey gabayga
daacaa dacmiya, Deeqa-tima-dheere
64 Duufaan dabayl
iyo ma laha, cudurka daacuunka
65 Hooyo weeyo
dugsigiisa, waa lagu dakeeyaaye
66 Ka difaaca
dulanka-gaaladoo, ceebtana u diida
|