Home

Gaaris

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

 

Jiiftadan waxaa curiyay Abwaan Maxamad Cabdiqaadir Daauud [Stanza] wuxuu tiriyay markey taariikhdu aheyd 16 February 2003.

 

  • Gorgoryahoow lalaayee
  • guuraaya leylkiyee
  • garbihiisa fidiyoow
  • masaafaha gudbaayee
  • qaaradaha u gooshoow
  • arrin iga gurracantaan
  • dooni inaad gargaartood
  • shimbiryahoow gorfeysee
  • guurtidaada keenoo
  • saaxib gacanta ii dhiib
  •  
  • gayi aan jeclahayoo
  • gabiib iyo barwaaqa ah
  • oo loogu daw galay
  • gaaguuro malabiyo
  • moos gacan-muraarya leh
  • gallad iyo baraar iyo
  • geeda harac ohoo dihin
  • adoon igu gaboodfalin
  • salaanteyda gaarsii
  • gurya-sama wanaagey
  • Gaarisaay ma nabad baa?
  •  
  • Gaarisaay waxaa tahay
  • gayi lagu nagaadiyo
  • goob loo dalxiistago
  • iyo guri dugsoonoo
  • geestaan waxgeystiyo
  • gasar dhiillo lagu arag
  • gacalkuna ku badanyahay
  • hooygii waxgaradkee
  • Diinta lagu gardaadshaay
  • gasariir dhibaatiyo
  • gaajo laga daboolaay
  • gurya-sama wanaageey
  • Gaarisaay ma nabad baa?
  •  
  • Gibilkeyga oo idil
  • gacaltooya aawgeed
  • gabbal baad ku leedahay
  • garibaxanta naagtiyo
  • godadlaha nindoorka ah
  • gurigoodi baa tahay
  • gabbalkii dhacaayiyo
  • waagii guduutaba
  • dalag baa kasoo go'a
  • ciiddaada garawga ah
  • gobolkii dalkeeygaay
  • gabayadii waxaa tahay
  • gadidda iyo beecee
  • gurya-sama wanaageey
  • Gaarisaay ma nabad baa?
  •  
  • Wabigii Ganaaniyo
  • gacan waxaad ku taalaa
  • gasariir kastoo dhaca
  • aan gureynin abidkii
  • waxaa gudaha joogaan
  • Gareen iyo Garfaad iyo
  • nooca Gabaramaanyood
  • kalluun gaarba midabkii
  • macdan kugu garoodheey
  • dadku gacantogleeyaan
  • gubba lagu dakeeyiyo
  • beertii gobnimadaay
  • gurya-sama wanaageey
  • Gaarisaay ma nabad baa?
  •  
  • Gabdha wada xijaabanoo
  • Diinta abid gargaaraan
  • asluubtooda gaarka ah
  • sannada ayna gaarmarin
  • oon fircooni loo gudin
  • anshax loo gardaadiyoo
  • edab lagu guubaabiyey
  • sidi Geenya-faraseed
  • gaalibaaya socodkoo
  • goobaha waxbarashada
  • u garbeytammaayaan
  • goombaarna la ugu arag
  • gurigoodi baa tahay
  • gurya-sama wanaageey
  • Gaarisaay ma nabad baa?
  •  
  • Ma-gabada nindoor iyo
  • geesi iyo naftiihure
  • culimada garrudka ah
  • ee Diinta gaacshaan
  • fisqigana gummaadaan
  • galleef ciraab dheer
  • gabyaa laga macaashoo
  • guubaabiya tolkoo idil
  • gaashaan xornimadoon
  • hawraarta gaarka ah
  • waligii gorfeeyiyo
  • gidaar aan la soo marin
  • gurigoodi baa tahay
  • gurya-sama wanaageey
  • Gaarisaay ma nabad baa?
  •  
  • Beera wada gingimanoo
  • hoobaan gigilayiyo
  • gaaheyr shindhalad baxay
  • galka faraqa soo daray
  • gabbaldaya la daawada
  • iyo geedba midabkii
  • cirifyada gadaameen
  • girgirada dhir kaga xiran
  • oon gidir aheynoo
  • abuur uu ku gaagixin
  • gabiib iyo bacriinba ah
  • gabbaanoobin abidkood
  • gurigoodi baa tahay
  • gurya-sama wanaageey
  • Gaarisaay ma nabad baa?
  •  
  • Garanuugta Garigiyo
  • Goodirka iyo Deerada
  • geesleey dhammaantood
  • iyo Goray-haldhaagii
  • Geela iyo Gammaantuba
  • goob lagu dhaqaa tahay
  • gandi iyo qaniin ma leh
  • kuwa garab ku duulaan
  • Gorgor iyo Galleyr iyo
  • Geeltoosiyiyo Galaw
  • Guumeys koleey tahay
  • goob laga helaa tahay
  • gurya-sama wanaageey
  • Gaarisaay ma nabad baa?
  •  
  • Goolki aayatiinkiyo
  • goobtaan higsanayaay
  • Igadh aanan gurineey
  • guuleyso waligaa
  • xarun ganacsi baa tahay
  • gurmago'an ha noqon abid
  • gacal wada midoobiyo
  • gadaalsama Allahayoow
  • Guulle waxaan filayaa
  • adoo gaar u joogsadoo
  • gobolkoo dhan maamula
  • gurya-sama wanaageey
  • Gaarisaay ma nabad baa?
  •  
  • Genbi iyo colaad iyo
  • gaashaandhig cadawnimo
  • saqiirgoowrac iyo ceeb
  • iyo gacal dagaalama
  • kaa gargaar Allahayoow
  • guyaal hore wixii dhacay
  • ka gilgila xummaantii
  • Rabboow aad garoobeyn
  • ama aad golmaran noqon
  • gabaadiir abaareed
  • gallad iyo wanaag iyo
  • gashimeysa waligaa
  • gurya-sama wanaageey
  • Gaarisaay ma nabad baa?
  •  
  • Goobyehey gabiibta ah
  • yaa goorwalbiyo leyl
  • gayigaaga daawada
  • oo gees illaa gees
  • gaardi socod ku soo mara
  • iyo geedda-ka-ciyaar
  • galabtii markey tahay
  • wabigaa Ganaanee
  • galbeed dacalka kaa mara
  • oo biyaha gaaciyey
  • gugu waa barwaaqee
  • goonyahiisa daawadoo
  • goombaar lama ammaanee
  • yaa gabadh garmaama ah
  • Geenya kugu aroosaa
  • gurya-sama wanaageey
  • Gaarisaay ma nabad baa?

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.