Home

Galiilyo

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

 

Gabaygan waxaa curiyay Abwaan Maxamad Cabdiqaadir Daauud [Stanza]

kaddib markii gabadhuu jeclaa, muddo sannadda ah ay sheeka wadaag lahaayeen, Aabbaheed nin dalka dibaddiisa ka yimid ku daray. Wuxuu gabayga sammeeyay taariikhdu markey aheyd: July 23, 2002.

 

  • Inkastoon guhaad-olal qabooy, gubatay laabtaydu.

  • Ama aan galiilyoodayoon, guurabahalleeyay.

  • Ama aan gama'ba diidayoo, gibilku ooyaayo.

  • Ama aan gacalayaaloow guntaday, gulufka heensaystay

  • Gadaal bay wax iga soo cesheen, hilibku geed baase

  • Gayaankaba hablaha kacay middaan, galiyay maankayga.

  • Gacalooy middaan idhi, middi aan u gacanhaadshay

  • Guyaal iyo guyaal middaan, samo la goobaayay

  • Middaan geenya-nuuroow lahaa, goor walbiyo leylba.

  • Goobtaan istaagaba midduu, uurku goconaayay.

  • Gabbalkii guduutaba middaan, geeddan ugu dhiirtay.

  • Gundhiggeeda maansada middaan, gobo'di taabsiiyay.

  • Gabayada jacaylka ah middaan, oogu guraabaasay

  • Middaan soo gardaadiyeen, gallin la haasaaway

  • Xummaantana middaan kala gubteen, gadaf u diidaayay

  • Aabbaheed gob weeyee middaan, dabinba goobaayay.

  • Hooyadeed gaari weeyee middaan, guudka ka inshaartay

  • Gammaanooy middaan idhi middaan, ubax guddoonsiiyey

  • Gadgaddoon habeenkii middaan gogosha diidaayey

  • Inaan guri la seexdaa middaan, ugu gubaabyooday

  • Middaan dumar u gooyayeen, ugu galaalxooray

  • Garaad iyo middaan idhi, gaban ha kuu qaado

  • Middaan godob ma fiicnee, gacanta siinaayay

  • Gurigey ku nooshahay middaan, gaafwareegaayey

  • Garbigey caweysaba middaan, ugu geeraaraayey

  • Gorgor duuli iyo middaan, goodba u huruufay

  • Gayigoo barwaaqa ah middaan, gaajo dalambaabay.

  • Nin gob iyo garaad sara, middaan gacan u gaarsiiyay

  • Weerar soo gawaarsaday midduu, gummucu ii wiiqay

  • Gantaalada middaan ugu gabgabay, garabku ii naaftay.

  • Goordoon middaan ku kala guurnay ugu gafuurtuuray

  • Galbis iyo aroos wacan middaan, galab la doonaayay.

  • Guubaabadeydii middaan, ugu garbaynaayay

  • Goolkaan u oonneen markuu, maanta godol qaaday

  • Ahey! Inuu gaagaxaa waa ii, guuldarriyo ciile

  • Iney aniga igu giiratana, waa gunnimo weyne

  • Ahey! Iney garoobaysaana, gaabisnimadeeda

  • Habluhu kala garaad wacan, kala gayaan roone.

  • Goombaar iyo waxey kala yihiin, Goray haldhaagiiye.

  • Nin aan gacal wadaagnaa ku baxay, gari la moodiiye.

  • Oo geenyo tima-dheer hantiyay, gabi ahaanteede

  • Ahey! wuu i gaadaye Wallee, igama guuleysan.

  • Guddigaan kal-hore sii diraa geela dhicin waayey

  • Oo igu gaboodfalayoo howshi, gudan waayay

  • Anoo yara gammuunyooday bay, igu gabraareene

  • Anoon gudunti soofeysan bay, gaas i mariyeene

  • Waloow ay gammuun ila heleen, oo la i gawaan raacshay

  • Oo ay nin godobteyda qaba, guri u xaareyso

  • Geesi iyo gabyaa baan ahaye, way i garanweyday

  • Ma gabada nindoor baan ahaye, soo galaal kacaye

  • Iney reer tolkey ii gafeen, shacabka gaarsiiya

  • Aniguna inaan gabay ku ciilbaxay, gurun ha loo geeyo

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.