Home

Gobsanaa Gabdhahayagu

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

Wuxuu Maxamed [Stanza] maansadan tiriyey taariikh  August 22, 2003.  Wuxuuna ku 
ammaanayaa gabdhaha Soomaaliyeed xusayaana doorka ay ka qaataan ama ka 
qaateen gobannimadoonka dalka.  Wuxuu maansadan u bixiyey abwaanku Gobsanaa 
Gabdhahayagu:
 
·        Gobsanaa gabdhahayagu
·        gaalada ma raacaan
·        gumeystaha ma yeelaan
·        kuwa gunnada qaatee
·        heybaddooda gabayana
·        gogol kulama seexdaan
·        guri kalama toosaan
·        gacal kuma yidhaahdaan
·        gacan kuma salaamaan
·        ubad lama gardaadshaan
·        guur lama wadaagaan
·        iney geyn karaan iyo
·        gayaan uma maleeyaan
·        giddi wey huruufaan
·        kuwa gabay naftoodii
·        iyo gaal u dabadhilif.
 
·        Geesigiyo halyeeygiyo
·        gabyaagiyo nindoorkana
·        gallin qura ma ciilaan
·        marka laisku go'ayee
·        weerar lagu gawaarsado
·        iyo guluf-colaadeed
·        iney garab na siiyaan
·        nala geeriyoodaan
·        gobonimo u diriraan
·        waa gad lagu gartaayoo
·        gabdhaheennaa caan ku ah
 
 
·        Gaarinimiyo garashiyo
·        gacal sooriddiisii
·        iyo edabta gaarka ah
·        rag u gogoldhiggiisii
·        deymo Geeny-ifaras iyo
·        garaaraha gacmaha dhilan
·        timo garabka dhaafeen
·        gardho ay dabeyluhu
·        kolba gees u liicshaan
·        iyo midab guduud ohoo
·        aan salguurin waligii
·        gabdha wada casaan ohoo
·        afku gorad-madoow yahay
·        goombaar aheynoo
·        xishood lagu gadaamoo
·        hiddaha aan gaboodfalin
·        gayigeenna mooyee
·        goob laga helaa maleh
·        ninkii guur u jeedoow
·        bal garwaaqso weedhaa
·        gabyaagii Stanza
·        uu nagu guubaabiyay.

 


 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.