Home

Gummaysiga

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

 

Jiiftadan wuxuu Maxamed Stanza kaga waramayaa dhibaatada gummeystuhu dhallinta iyo mufakiriinta dalka u geysto iyo sida ba'an ee uu u curyaammiyo una cabbudhiyo garaadkooda waddaninimo.  Wuxuu u bixiyey Gummeysiga kuna bilaabay: 

  • Sidii bey gantaaladu

  • wali iigu go'ayaan

  • oon u garab bannaanahay

  • sidii bey gabbaad-daran

  • gacal male shisheeyee

  • wali ii giriifaan

  • sidii bey gabbaantii

  • iiga gaagaxshaanoo

  • aan u gibilmadoobahay

  • sidii bey gun weeyee

  • iigu giijiyaanooy

  • ii goondhabeeyaan

  • sidii bey galgalintii

  • iigu gooddiyaanooy

  • ii gacanbidxeeyaan

  • sidii bey garneylkiyo

  • gudban miino-jalaftii

  • wali iila gaadaan

  • sidii bey gawaaridu

  • gurxan iigu dhaafaan

  • oon u garabrucleeyaa

  • sidii bey gudgudihiyo

  • gugu iigu hooraan

  • oon la-ii-garwaaqsanin

  • anna gaabin maayee

  • gobaad maansadeydaan

  • gaashaan xariirtaa

  •  

  • Sidii bey gujadi iyo

  • gurro iigu qariyaan

  • ooy ii gabraaraan

  • sidii bey gammuunkiyo

  • fallaadh ii gig-siiyaan

  • ooy ii gandilayaan

  • sidii bey gamboolkiyo

  • dhiillo ii gujixiyaan

  • oon u gaardaymoodaa

  • sidii bey gashaantiyo

  • garoob ii yiraahdaan

  • maxaa sidatan kuu galay

  • sidii bey gurboodkiyo

  • nimmaan iga golrooneyn

  • giddi ii huruufaan

  • sidii bey gubnood iyo

  • gaaheyr iigu sheegaan

  • oon galiilyo ooyaa

  • sidii bey gammaankiyo

  • geela iiga qaadaan

  • guluf iigu kiciyaan

  • sidii bey garaadkiyo

  • gadhka iiga laadaan

  • ooy iigu gaydhaan

  • anna gaabin maayee

  • gobaad maansadeydaan

  • gaashaaxariirtaa

  •  

  • Anoo gaban ohoo dihin

  • ayuu gacalayaaloow

  • I caddaaday guudkii

  • anoon gaajo arag wali

  • gu' labaatan sano jira

  • ayaan golongol liicaa

  • giiryaale ma ahiye

  • gabbashada waxaa I baray

  • gummeysigan I daashaday

  • haddaan la I gummaadeyn

  • gayigeygu ladanyahay

  • gabayada ma curiyeen

  • guhaad-olalka aan qabo

  • wadnaha gaararkiisiyo

  • waa mid gubay jirkeygii

  • geenyadeenna oo dilan

  • gayigeenna oo dhacan

  • gamma' waa iga xaaraan

  • garac uu Tigree dhalay

  • gabdhaheenna oo sida

  • sideen guri ku jiifnaa?

  • Anna gaabin maayee

  • gobaad maansadeydaan

  • gaashaan xariirtaa

  •  

  • Geesiyada halgammayoow

  • guubaabadeydiyo

  • bal guddoomma maansadan

  • burhaan gummaca' weeyoo

  • geeddi socodka guushaan

  • ku gargaar isleeyahay

  • kuwaan gacal wadaagnoow

  • geeraarkii ismuu dhimmin

  • garashana halkeedii

  • golaheennan guudoow

  • faras kaa ila gaabshee

  • inaan gudhay ha moodina

  • gaagaabtaa ureysiyo

  • giddi gaalo-qudhunleey

  • waan ka gacansareynaa

  • gabadhaan jeclaayeey

  • gobolku wuu xoroobiye

  • iga daa gubtaanyada

  • Gini oo ilmada qubi

  • inaan gogol caweynaa

  • waa guuldarriyo ciil

  • gaatirloow Wayaanaha

  • inaad gowracdaan iyo

  • geerida ka doorbida

  • anna gaabin maayee

  • gobaad maansadeydaan

  • gaashaan xariirtaa

  •  

  • Waxa aan la golongolay

  • ilmadu iiga gobo'leyn

  • garab gorayo weeyaan

  • guuleystayaaloow

  • guntada oo gurmada oo

  • marna yaan la gabi dhicin,

  • giddi gaydha oo kaca

  • gabdhihiyo raggeennoow

  • geerida ha diidina

  • guyaal iyo guyaal bey

  • na gidhaashayeenooy

  • guunyana na dhaafsheen

  • gabbalkoodu wuu dhacay

  • oo gabaabsi weeyee

  • haraatida ku giijiya

  • gobanimadu waa dahab

  • ninkii gini ka doortoow

  • gunnimiyo gaf weeyaan

  • siyaasadan gurracanee

  • goodku uu ku ladhanyahay

  • yaan lagugu gaacinin,

  • diida gaboodfalkoodiyo

  • gunnadooda boogta leh

  • go'aankeennu gacan hadal

  • anna gaabin maayee

  • gobaad maansadeydaan

  • gaashaan xariirtaa

  •  

  • Inkastoon gabyaa iyo

  • geeraarshe caanbaxay

  • garruud aanan wali noqon

  • ma garoocsha goolkoo

  • gallad-Eebbe weeyee

  • xaqaan ugu garbeeyaa

  • ka gaboobi maayoo

  • gacanteydi midig iyo

  • garoonteydi weeyaan

  • markuu geelu horanyahay

  • goray ugumma heesoo

  • waa godobtirkeygii

  • rag baan gabiga dheer iyo

  • midka gaaban ee sare

  • gacan ooga haadshaa

  • gabbal dhac iyo waaberi

  • marka la isku geeyaa

  • gundhiggaa u doorroon

  • waxaan uga gol leeyahay

  • dhulku gees illaa gees

  • guul-oomman weeyaan

  • anna gaabin maayee

  • gobaad maansadeydaan

  • gaashaan xariirtaa.


 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.