The largest
online collection of Somali poetry
Maxamed wuxuu jiiftadan
jacaylka ah tiriyey May 20, 2002. Wuxuu yidhi:
·
Jacaylkii
gurnaayee
·
waayuhu
gadoodsheen
·
Ayaan
gacalo-nuuraay
·
sida geel
haleela ah
·
gorofyada u
hoorshaa
·
Yuu gaagixin
isleeyahay
·
gammaantii
haweenkaay
·
kumma gooynin
waligeey
·
kugumana
gaboodfalin
·
galab iyo ayaan
nool
·
waxaa garabka ii
suran
·
go'ankeygu uu
yahay
·
himmiladii
kalgacalkood
·
igu garab
istaagtaa
·
goolkaan
higsanayana
·
waa guri
barwaaqiyo
·
guur loo
dabbaaldago
·
Ganaanoo biyaha
rogay
·
garaaskiyo
caleentii
·
dacalada
gadaameen
·
ubax wada
girgiirana
·
ka cayaara
geeddada
·
gabbaldayihi
beermoo
·
quruxdiisa
gaarka ah
·
cadceeddu ay
isgaadaan
·
gacankiisa
mooskuna
·
markaa garaw
casuur yahay
·
oo sugaayo
gu'iddii
·
sidaad Genyo
ugub tahay
·
laga dhoowray
gaajoo
·
gagi wacan
bariisani
·
goortaan ku
eegaba
·
gantaalada
jacaylkaa
·
ganka iyo
halbowlaha
·
guba oogadeydoo
·
goolkaan
higsanayana
·
waa guri
barwaaqiyo
·
guur loo
dabbaaldago.
·
Waxaad laabta
galisaa
·
giddigood
gabdhaha kacay
·
inaan kaaga soo
go'ay
·
u go'doomay
aawgaa
·
dadna gayiga kuu
xigo
·
guduudkiisa
waagiyo
·
ubax gacan ku
yaalaay
·
sidaad
goray-haldhaa tahay
·
gaardiskiyo
tallaabada
·
gacmahaaga
dhaadheer
·
timmaha garabka
dhaafeen
·
indhahaaga
goodka ah
·
heybaddaada
gaarka ah
·
gaaridaan
jeclaayeey
·
cishqigaan i
galawsaday
·
ka abuurmay
gacalooy
·
goolkaan
higsanayana
·
waa guri
barwaaqiyo
·
guur loo
dabbaaldago
·
Godolqaad
jacaylkii
·
gaawahaan u
culayaa
·
wakhtigaa
isgurayoo
·
gooreey ahaataba
·
waan gaari
doonnaa
·
gundhiggeeda
sheekadan
·
mirihi iyo
garaadkaa
·
naga kaafin
gaajada
·
xajadii
gurracantaa
·
guurtidaa
gorfeeyaan
·
gacalkii
isdoortana
·
calafkaa
gargaaraa
·
godcurkuna dam
weeyee
·
qofkii uu
go'doonshaa
·
dayaxaa
gargaaraa
·
inaan
gacanbidxeyn wado
·
ha u qaadan
gabadhyahay
·
qalbigaaga yay
galin
·
goolkaan
higsanayana
·
waa guri
barwaaqiyo
·
guur loo
dabbaaldago
·
Hadafkeyga
gaarka ah
·
gurmadkaan u soo
kacay
·
intaan soo
gunaanadi
·
gurigeena
kheyrka leh
·
Genyo nabad ku
sii joog
·
geeraaradeydiyo
·
dugso
gabayadeeydoo
·
gufaacadiisa
caashaqa
·
halka guban ku
daawee
·
waxaan
gacaladeeydaay
·
Guulla nooga
tuugaa
·
galbis iyo aroos
galab
·
gadaalsamo ayaan
wacan
·
inaan goor-dhaw
huunooy
·
maqlin
geeridaadii
·
goolkaan
higsanayana
·
waa guri
barwaaqiyo
·
guur loo
dabbaaldago
·
Guhaad-olalka
iga daa
·
haddey geeri
nagu dhicin
·
Rabbi gacan na
siiyaa
·
waan
dadabgaleeynaa
·
wabigii
kalgacaladaad
·
gororkiisa
malabka ah
·
ku dabiibi
gaajada
·
galiilyadiisa
caashaqoo
·
mar baan kuu
abaalgudi
·
gogol ila
wadaagiyood
·
guri igala
toosiyood
·
Geeddi iyo
Gammaaniyo
·
Guushaar ii
xambaariye
·
ha guguban anoo
nool
·
goolkaan
higsanayana
·
waa guri
barwaaqiyo
·
guur loo
dabbaaldago
·
Innagoonan
gurigalin
·
gacalooy
isguursanin
·
oon
timma-gardhaaleey
·
jacaylkii guyaal
jiray
·
geeddi-socoshadiisii
·
aan
gabagabeynoon
·
ka gungaarin
ballankii
·
geed iyo guntii
noqon
·
isu goohin
aayaha
·
gurigeenna lagu
dagin
·
gobannimo is
weheshanin
·
Alloow geeri
naga qabo
·
godka lamma
huraayee
·
na gardaadi
Eebboow
·
ganta doonta
nala qabo
·
goolkaan
higsanayana
·
waa guri
barwaaqiyo
·
guur loo
dabbaaldago.
·
Caashaqaa ku
galayeed
·
la gucleyni
goolmoon
·
anna wuu i
gawracoo
·
huunno labada
gallin tuna
·
ma dhammeysta
gama' oo
·
goor iyo
haddeertaba
·
ma gaaxigo
afkeygoo
·
gabayada
jacaylkaan
·
inta garab ku
duushiyo
·
Gorgorrada u
dhiibaa
·
gaadhsii
iraahdaa
·
haku gama'da
luuqdee
·
goobta aad ku
nooshahay
·
goobroon Gaaris
weeyoo
·
waa guri xariir
iyo gacan
·
loo dalxiistagoo
·
gacalkuna ku
badanyahay
·
anna gogol
shisheeyeey
·
dabeyluhu i
gubayaan
·
goolkaan
higsanayana
·
waa guri
barwaaqiyo
·
guur loo
dabbaaldago
|