Home

Hooyo

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

 

December 20, 2000 ayaa Maxamed lagu war geliyey in hooyadii geeriyootay, naxariistii 
janno Rabbi ha siiyee.  Kolkaa ayuu jiiftadan hoose tiriyey.  Wuxuu ku caddaynayaa 
wuxuu damacsanaa iyo sida qadartii Rabbi ugu soo hormartay wax walba ileen waa kii 
abwaankii hore ku gabyey:
 
Waxaad miihaalatay Aadamoow, adiyo maankaagu
Iyo meel Ilaahay ku marin, kala mid weeyaane
 
Wuxuu ku bilaabay Maxamed Stanza:                               
  
·        Hooyo Dahabo-luuleey
·        doog indhaha hareeyiyo
·        xareed laga durduurtaay
·        dugsi biyiyo dalageey
·        daar lagu hirtaayeey
·        gacal darajo mudan iyo
·        xariir aan dalleensamin
·        gaashaan da'weyn iyo
·        darbi dhaxanta reebaay
·        dushi aan ku seexdiyo
·        laabtaan dangiigaay
·        dooxadii kalgacalkiyo
·        xubbi lagu daharayeey
·        dareenkii jirkeygiyo
·        dacalkaan ka beermaay
·        hayiin aan dideyn iyo
·        dayax dunida nuurshaay
·        waxaan kuu dalbaayaa
·        kuuguna duceeyaa
·        daartii fardoowsaad.
 
·        Dadka gabi ahaantii
·        maandeeq u curataay
·        sharaf dulucyo badan iyo
·        dirir lagu qaboobaay
·        damka dhiigga gooshee
·        xididada dubaaxshiyo
·        dariiq iyo garaadeey
·        deeq-Eebbe-keenaay
·        dulqaad iyo xishoodleey
·        xushmad lagu daboolyeey
·        jacayl ibadarooriyo
·        daruur nagu dulhoortaay
·        dabeyl-caafimaadeey
·        waagoo dillaaciyo
·        nuur aan mar dammineey
·        waxaan kuu dalbaayaa
·        kuuguna duceeyaa
·        daartii fardoowsaad.
 
·        Hilib ii damqanayiyo
·        duudki laiga jeexaay
·        hooyo daraf-arwaaxeey
·        dagalkaad ka maqantahaa
·        dammaashaad laheynoo
·        murugadu la daristohoo
·        raaxa loo dabbaaldagin,
·        naxariis daymiyo milic
·        dubka kaafisaayeey
·        hoy lagu dakeeyiyo
·        dallad la harsanaayaay
·        dagaal iyo ileyseey
·        ubax lagu ildoogsada
·        dheeman iyo dubaakheey
·        durdurkii dhaxyaalkee
·        qoyska laga dacminayaay
·        danab iyo haldooreey
·        waxaan kuu dalbanayaa
·        kuuguna duceeyaa
·        daartii fardoowsaad.
 
·        Hooyo dubayo beertiyo
·        haruur lagu dulnaaxaay
·        i-daryeelliddaadii
·        dul-ku-qaadiddaadii
·        dambar-nuujintaadii
·        aayar daadaheyntii
·        doordoorintaadii
·        biya-diirintaadii
·        daldaliigiddaadii
·        markuu daqar i-gaarana
·        ilma daadintaadii
·        habeen daaha soo rogay
·        dammiir ila-jirkaagii
·        dib-u-dhimmirintaadiyo
·        maro igu dadkaagii
·        waa xasuus dabiici ah
·        intaan dunidan joogana
·        darsi lama illaawaan,
·        dhibka laga dulqaadyeey
·        naarta laga daboolyeey
·        dambidhaaf la siiyeey
·        waxaan kuu dalbaayaa
·        kuuguna duceeyaa
·        daartii fardoowsaad.
 
·        Hooyo dulliga-jahannamo
·        Rabbigeen dab kaa haay
·        ku dabbaalo jannadii
·        ku dalxiis fardaamaha
·        malab dihin sammaawi ah
·        deeqdaada laga yeel
·        hooyo dhibic da'eysaay
·        illaa dalandalkeeygii
·        adigaa i-dabbaanshee
·        anna dammaacigeeygii
·        inaan daaro-dhaadheer
·        dalka kaaga taagoon
·        Maka kula dawaafaa,
·        balse Daain muu qurin
·        naxash baad dultaalaa
·        inkastooy docdaadii
·        dabeyl igaga soo dhici
·        mowdkaan dibdhicinoo
·        waxaan kaa dambeeyaba
·        muddo weeya daahsoon
·        Deeqlaheen unbaa garan
·        hooyo duugta ka horoow
·        digri iyo quraan iyo
·        ducaan kuu akhriyayaa.

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.