Home

Is Weydaaran

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

 

Maxamad Cabdiqaadir Daauud [Stanza] wuxuu tiriyay gabagan wadaniga ah tiriyey taariikhdu markay ahayd August 5, 2003.  Wuxuu yidhi: 

 

·        Waloow aad wareen culus qabtood, dabin warfaadeysay

·        Ooy waraabo iyo weer cuneen, wadar dadkaagiiba

·        Oo ay ku weylaaliyeen, wiiq ku kala booday

·        Ama aadan wareegtiyo laheyn, wararka baahaaya

·        Oo ay wayaanuhu dilaan, wiilkii kuu kacaba

·        Oo aad warmoogeey walwali, waa walbiyo jeerba

·        Oo ay wuxuushtaa qarmuun, waalo kugu dheeli

·        Oo ay Wardheer iyo Afdheer, walashsanooy joogto

·        Oo ay waxshigu wanjaladeynayaan, waris caruurtaada

·        Oo ay wacdii waabaryaba, weerar kugu qaadi

·        Oo aad xaglaha waafidood, wahan la ooyeyso

·        Oo uu wariye kaa warramin, wagareey ciilkaaga

·        Oo ay wacdaradaadu tahay, wararac soo taagan

·        Adduunyadusa ay kaba warqabin, waxa laguu geysan

·        Ooy hooyo wiil jeel ku dhali, lagu wabsiinaayo

·        Ooy Wiilo-luqundheer Tigree, wacal u qaadeyso

·        Oo uu wadaad gaalku dilay, meydkuna wadhnaado

·        Oo uu waddada gaal ku kudi, gabadhu waydeeda

·        Oo ay waxyeeladu ku gubi, kuna walaaqeyso

·        Warankii gummeystaha intuu, Waris ku dooxaayo

·        Oo ay Walwaal iyo Jigjiga, wiidu wada yeeri

·        Ooy labada waaxyood yihiin, Waris cuqaashaada

·        Oo ay Abwaaniin warwari, murugo waaleyso

·        Oo ay walaaluhu yihiin, afar-isweydaaran

·        Mid Tigree u weheshi ohoo, wanan u loogaayo

·        Oo warxungeys ahoo kufriga, daba wah leeynaaya

·        Mid warmooge waligii ahoon, wariba kuu haaynin

·        Mid wasakhleey Tigree weeraroo, wagac ka siinaayo

·        Oo wacad Ilaahey ku maray, inuu wiiqo cadawgaaga

·        Iyo miduu wadnuhu ooyayoo, ciil ku waqal hooray

·        Ooy waayuhu ka hiisheen, waxbana kuu haaynin.

·        Waloow aad waalalyoow qabtood, Wariseey ooyeyso

·        Mar unbaad waddani kuu dhashiyo, weheshan diintaada

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.