Home

Khamri waa iga xaaraan

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

    Maxamed Cabdi Qaadir Daa’uud [Stanza] wuxuu jiiftadan curiyay July 10, 1999
    wuxuuna kaga jawaabayay warqad ay hooyadii usoo dirtay kuna weydiineysay 
    inuu qayilo sigaarkana cabo kadib markii ay kuwa warxuma tashiil ahi sidaa ku 
    taabteen hooyada.  In Maxamed la jabo akhyaarta candhuufta cagaaran iyo in 
    niman ay hoos ka tuur leeyihiin damceen inay aafeeyaan xidhiidhka waalidnimo 
    jiiftada ayaa kuu caddayn doonta.  Wuxuu ku bilaabay:  
     
        
    ·        Qoraalkiyo warkaagii
    ·        weedhii qaaliga aheyd
    ·        qodobadii wacnaa iyo
    ·        hooyo qawlki aad tidhi
    ·        qalbigaaga ka ogoow
    ·        qayil iyo xummaantii
    ·        qolqol meerka leylkii
    ·        iyo qurun-adduunyaad
    ·        qarshadaa ku naaxdoo
    ·        sidii dirir-qayoodeey
    ·        nafta qiirogaliyeen
    ·        la qashuucay hooyooy!
     
    ·        Qaadkiyo sigaarkiyo
    ·        qalbi-dooriyoo idil
    ·        hooyo dhilliyo qoomkeed
    ·        qamri waa iga xaaraan
    ·        naagaha qarriban iyo
    ·        kuwa naaska qaawiya
    ·        diracyada qafiifka ah
    ·        qarmuusida ka doorbiday
    ·        ee quruxdi baayacay
    ·        qayirmee hubkii dhigay
    ·        ma qadariyo waligeey.
     
    ·        Anoo qeyb-jirkaaga ah
    ·        sagaal-bilood ku qalayoo
    ·        qoomameynta fooshii
    ·        dhidid kaa qulqulayood
    ·        qabanweyday jiifkii
    ·        qalqalkiyo harraadkii
    ·        kolba qar-iska-tuurkii
    ·        qabri-sigatay-aawgeey
    ·        Allaa quudka bixiyee
    ·        habeen ii qadkaagii
    ·        qaxar igu xambaartaye
    ·        haddii aan ku qiimeyn
    ·        waa qaran-jab iyo ciil.
     
    ·        Abaalkaaga qurub qura
    ·        anaan qaadi karinoo
    ·        quruumaha dhammaantood
    ·        qofna qeybi maayoo
    ·        inaa tahay mid qiro-weyn
    ·        quraankaa ku sheegoo
    ·        ammaantaad u qalantana
    ·        qormo laguma kooboo
    ·        qalin laguma saanyado
    ·        qudha-diiriyaayeey
    ·        qof-walbana ka mudaneey
    ·        qaraarkeygu waa kaas
     
    ·        Dadku kala qiyaas roon
    ·        kala qaab-hannaansane
    ·        hooyo-Qarad-haldhaayeey
    ·        qam layaal habeenada
    ·        gudcurkoo qammaamudan
    ·        qaar tagay siyoonkii
    ·        ayaan kugu qarwaayoo
    ·        qalbigaad ku laran tahay
    ·        sidaad iigu qoolleed
    ·        markaan dib u qandhuuftaan
    ·        qarracmaa ilmeeyaa
    ·        oon qammaandhacyoodaa!

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.