Home

Kismaayo

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

 

Heestan waxaa curiyay Abwaan Maxamad Cabdiqaadi Daauud [Stanza] wuxu sammeeyay taariikhdu markey aheyd 7 August 2003.

 

·        Kismaayooy kor iyo hoos

·        kaleygii dalkeygaay

·        karan loo hilooboo

·        loo wada kardhamayaay

·        karuur caano dhaay iyo

·        kabra awlal malabeey

·        xeebtii kalluunkiyo

·        macdan lagu kashkaashaay

·        kaah iyo hillaaceey

·        dhilloowyahan koraayoo

·        kaamilay mankiiyoo

·        kaafuur dulfuulaay

·        kifaax nabad ku nooloow

 

·        Hoobaan kaliishiyo

·        waagii ku kadiyoo

·        kartayoo bislaataay

·        kannaalkii wacnaayee

·        koomka laga hagaayaay

·        kalliyaha iyo unuggii

·        kaadida sifeeyaay

·        goobtaan ku korayee

·        Rabbi igu koryeelaay

·        madashii kabraalaha

·        kobcintii dhaqaalaha

·        karkaarkii midnimadaay

·        kifaax nabad ku nooloow

 

·        Kabxan hoos qaboow iyo

·        kaadirkii waxgaradkaay

·        hooygii kabdhoodkiyo

·        kaftankiyo caweyskaay

·        kubaddiyo cayaaraha

·        kaamkii xorriyaddaay

·        kabankii jacaylkaay

·        kashka beerka maankiyo

·        kolawgii kalgacalkaay

·        badda oo biyaha kalax

·        sii laba karbaashtaay

·        kifaax nabad ku nooloow

 

·        Kabad caafimaadeey

·        kalka iyo gacmaha iyo

·        kalxantii Abwaankaay

·        kolanyada shixnadan iyo

·        dakad lagu kabtaayeey

·        kaawiyaddii garaadkaay

·        kaash dheeman lacageey

·        kabaay ha iga kala dhicin

·        kadeedkana lagaa kaab

·        kobtaad iga taalana

·        dawo kaafisaan jirin

·        kifaax nabad ku nooloow

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.