Home

Meher

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

 

Gabaygan waxaa allifay Abwaan Maxamad Cabdiqaadir Daauud [Stanza]April 26, 2003. Wuxuu Abwaanku gabayga kula dardaarmayaa walaalkii ka yar oo la yidhaahdo Maxamed Shaafici wuxuuna dareensiinayaa dumarka tii uu guursan lahaa una sifeynayaa isla markaana ooga digayaa kuwa qaarkood.  Wuxuu Yidhi:

 

  • Walaal Maxamadoow iga yaroow, maqal dabaaubteyda

  • Oo murtideyda hoo adaan, kuu milmilayaaye

  • Oo sidaan kuu mihiinsiiyey, uga muraad yeelo

  • Oo ku maqsuud ninyahoow, miraha dhuuxooda

  • Oo haka maagan waligaa, muallif xeeldheere

  •  

  • Inaad mehersataa naag maalintey, kula macaanaato

  • Ama maanka guur kaa galood, muxubbo daansheyso

  • Waa ineyan minjuhu miiq aheyn, moxoggu dhuubnaado

  • Waa iney miskaha kala fidaan, muuqa iyo joogga

  • Waa iney mataantiyo gacmaha, midig ka laafyooto

  • Waa iney magaadhadu aheyn, masaf sideediiye

  • Waa iney timmuhu mayracdaan, moxogga hoostiisa

  • Waa iney milicda eegmada, maandhoow kugu deeqda

  • Waa iney mid shuluq iyo aheyn, caato millay liicsho

  • Waa iney mid dheeroo aheyn, mitiro sii dhaaftay

  • Waa iney itaal meeldhaxa tohoo, midabku nuuraayo

  • Ama ay maariin-dhalaal tahay, mayayga dheehiisa

  • Waa iney Meedhafiin marsanin, meelo u casaanin

  • Oy midab gaboodda ah laheyn iyo, baro ka muuqmuqda

  • Waa iney mug iyo cuf leedahooy, meel walba u buuxda

  • Waa iney muxaafidad tohooy, diinta muxubbeyso

  • Waa iney musxafkii xambaartooy, meelna kaga leexan

  • Waa iney socodka miidaamisooy, dabada meermeerin

  • Waa iney minkoodii ka taginoow, suuqa meereysan

  • Waa iney maryaha culus qabtooy, naaska kuu muujin

  • Waa iney muraaqabad ku tahay, meelkastooy joogto

  • Waa iney marjo iyo aheyn, mooska bololaaya

  • Waa iney milgo iyo leedahay, muuno lagu raaco

  • Waa iney macruuf kugu tohood, garan milaadkeeda

  • Waa iney mandarad nuuri tohooy, marada geyngeymin

  • Waa iney muftiyo reer dhalaan, madaxdhig beeleed ah

  • Waa iney muxaajabad tohoon, laisku maandhaafin

  • Waa iney malaayuun habla ah, magac ku dheeraato

  • Waa ineysan maangaab aheyn, maqano aan joogin

  • Waa iney maseereey aheyn, miri naftaadiiba

  • Waa iney martida sooriyooy, gacalka muuneyso

  • Haweenna mag iyo magac ka siman, muuqa abidkoode

  • Waa iney malcuun iyo aheyn, murugo soo taagan

  • Waa iney macaan hooyadeed, mansab la ekeyso

  • Waa iney mucaashaqad tohooy, kula maaweeloota

  • Waa iney marwo sharaf leh tohooy, maanka kuu deeqdo

  • Markaad la mingaleysiyo markaad, maalka dhiibeyso

  • Iyo maalintaad mehersaneed, maanka u bareerto

  • Waa iney mashaayiiq reer tolkaa, madasha joogaane

  • Intaasoo murti ah wixii, hadal muggiis ah

  • Madhaafaanka sheekada iyo, muhandiseynteeda

  • Iyo wali makaab kaan ku xiray, murabaceynteeda

  • Waa muxubbadaan kuu qabiyo, meeshaad iga joogta

  •  

  • Mataankii nafteydaa tihiyo, ila min-jiifkiiye

  • Mahuraan walaal baa tohoo, maanku goconaayo

  • Gacanteydi midig baa tihiyo, madaxdhiggeygiiye

  • Rabboow aanan maqlin geeridaa, maanta iyo jeer dhaw

  • Rabboow Maxamadoow guul ku sii, muuno iyo reer san

  • Marwo sharaf leh Eebboow ku sii, ubad macaash yeesha

  • Mansilkaaga Eebboow uu, gacalku muuneeyo

  • Oo ay martidu soo dagtoo, diinta lagu muujo

  • Oo maalin iyo habeen intaba, lagu maaweeloodo

  • Kolley mowdku nama seegayoo, maalin buu imane

  • Marka ay middaadii gashe,e lagu mihiinsiiyo

  • Jannadii macaaneed Rabboow, midig laguu saaro

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.