Home

Muxubbiyo Kalgacal

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

 Muxubbiyo Kalgacal wuxuu Maxamed allifay May 17, 2002.  Wuxuu yidhi.

 
  • Sidii madharka roobaad
  • ama biyaha maagaad
  • maankeyga deeqdoo
  • manqaxiyo masruurkaan
  • Milgooy kugu jeclaadee,
  • mooshinkaan higsanayiyo
  • mataantii jacaylkaay
  • Milgooy midab suhuurleey
  • muuqa roobladhaca iyo
  • shamso lagu misaalyeey,
  • waxaa tahay qof madani ohoo
  • cishqigana matali kara
  • masdarkaaga oo quraan
  • malaayuunna loo hurin
  • waxaa tahay mid iga mudan
  • muxubbiyo kalgacal badan.
  •  
  • Waxaad igaga mudantahay
  • maskaxdiyo halbowlahoo
  • waxaan kugu misaalaa
  • Milgooy sidii mahiigaan
  • mayay loo hanweynaa
  • mirtidhexe-habeennimo
  • maansheeyay dunidoo
  • sii daayay maaxdii
  • ama sidii man iyo ubax
  • magool iyo dhir dooggeed,
  • naftan kuu maqsuuddaan
  • Milgooy maalin iyo leyl
  • maaweelinaayaa
  • mixnaddii jacaylkiyo
  • mushkilaadka caashaqaa
  • haddana murugo igu fura,
  • waxaa tahay mid iga mudan
  • muxubbiyo kalgacal badan
  •  
  •  Magacaaga waa luul
  • mareer karay la moodyeey
  • sharaf lagu magoogyeey
  • marna kuma illaawinoo
  • maskan-kaad ku nooshahey
  • ishu milicsaneeysaa
  • sidii xarafka miinkaad
  • maanka igaga qorantahay
  • mahadhadiisa caashaqa
  • Milgooy kuguma dhaafeen,
  • adoo miyirka iga jecel
  • inaan meela kala taga
  • malaheygu ma aheyn
  • balse waa marxalad qoran,
  • marbey mucurti naga hari
  • miiraalaha jacaylkana
  • mirihii ka soo baxaan
  • wada muudsan doonnaa
  • macaaneey Insha'allaah
  • marwadeydi baad noqon
  • waad micigalooleyn
  • waxaa tahay mid iga mudan
  • muxubbiyo kalgacal badan.
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.